Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo Bandhigay Mashruuca Nagaad wajigiisa 1aad, Mashruucaani ayaa ah mid lagu soo bandhigay daraasad guud oo laga soo sameeyay Biyo Mareenada Magaalada (Mogadishu Trank Drainage Master Plan) iyo Wax-qabadka howleedka ka dhalanaya qaabka loo kala horumarinayo sameynta naqshadaha biyo mareenada magaalada iyo dhaqan gelinteeda.
Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, oo ay wehliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Rugta Ganacsiga, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir, iyo Guddoomiyaha Rugta Ganasiga Jubbaland ahna xog heeyaha guud ee Rugta Ganacsiga, Midowga Bangiyada dalka, iyo Madaxda Hey’adda UNOPS, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo munaasabadda ka hadlay ayaa aad uso dhaweeyay asaga oo sheegay ahmiyadda ay Magaalada Muqdisho u leedahay in xal waara loo helo maareynta biyo-mareenada, taasi oo hortebin u leh madaxda qaranka.

















Wasiirka Wasaaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashiid Haji Abdi, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda XFS Xildhibaan Osman Mohamed Abdi(Daallo), oo ay wehliyaan Gudiga Ganacsiga, Warshadaha, iyo Maalgashiga ee Golaha Shacabka BFS, ayaa Wasaaradda Ganacsiga ku qaabilay qaar kami ah Ganacsatadda Dhoofka iyo Soodajinta ee Gobolka Banaadir oo ay hogaaminayaan Goddomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyasha Suuqyada.
Ganacsatadaani ayaa Wasiirka Wasaaaradda Ganacsiga la wadaagay culeesyo ay kamid yahiin wacyi galin la’aanta dhanka dowlada ee canshurta 5% ah, iyo culees yada kajira kala dugnaasha ha dhanka Canshuraha Dakadaha dalka, iyo meel marinta sharciyagii 21 Agoosto 2024 kaso baxay Golaha Wasiirrada XFS. Sido kale Ganacsatadaani ayaa sheegtay in ay yahiin kuwa kadii wan gashan Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, ayna garab taagan yahiin, ayaga oo ah kuwa Canshuur iyo Deeq bixiyaal intaba iskugu jira, hadana ay Canshuurta in ay bixiyaan diyaar uyahiin.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashiid Haji Abdi, oo dhagaystay dhammaan cabashooyinka ay qabeen Ganacsataddu, ayaa wuxu balan qaaday in ay ka dawlad ahaan wax ka qaban doonaan tabasho kasto ay qabaan Ganacsatadda Gobolka Banaadir loona baahan yahay wada-shaqeyn joogto ah oo dhexmarta Ganacsatadda iyo dowladda.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
https://somalichamber.so/
Facebook:https://lnkd.in/eqWvWFUb
@somaliacci
https://lnkd.in/eNmXCiXD
https://lnkd.in/eKwPsET5
https://lnkd.in/dMdjn3Yh
https://lnkd.in/dhpBDUe9