Xafladda xarig jarka Dekedda Garacad.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray dhismaha dekedda Garacad ee gobolka Mudug. Munaasabadaani oo aheed mid heer sare loso agasimay ayaa waxa lagu qabtay gudaha dakadda garacad waxaana kaso qayb galay, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Puntland Saciid Deni, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustaf Cagjar, Madaxweynaha konfur galbed lafta Garen, wasiiro ka socda dowladda federalka, Mas’uuliyiin ka kala socota ganacsatada qayba heeda kala duwan oo ay hogaamineyso Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, iyo xubno ka kala socota dalalka Gobolka ayaa ka qayb galay Munaasabadda furitaanka.

Dekeda Garacad ayaa waxa la dhagax dhigay sanadkii 2017dii, waxaana lagu maalgaliyay in ka badan 300 milyan oo dollar, iyadoo mashruucaan uu noqday kii ugu weynaa dalka laga hirgeliyo burburkii kadib. Dekedda Garacad ayaa sidoo kale muhiim u noqon doonto isku xirka ganacsiga Soomaaliya iyo Itoobiya, maadaama ay tahay dekedda ugu dhow ee xigta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey guud ahaan ganacsatada iyo bulshada Puntland sida ay uga dhabeeyeen himiladan isku tashiga ah, waxa uuna ku tilmaamay mid ka tarjumeysa sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu istaageen horumarka iyo wax-wada qabsiga.

“Maanta waa maalin farxadeed, waa maalin la isu bogaadiyo, Ilaahay ayaana mahadda iska leh. Horumar kasta oo la gaaro waxaa sal u ah nabadda iyo isku duubnida. Bulshada deegankan iyo guud ahaan Puntland waxay muujiyeen geesinimo, hawlkarnimo iyo sida shacabka Soomaaliyeed ay u gaari karaan guulo waaweyn haddi ay gacmaha is-qabsadaan. Guusha lagu hirgeliyey mashruucan waxaa iska leh Soomaaliya oo dhan”.

 

Dhamaad.

 

    

 

 

Leave a Comment