News
XAFLADDA DHAGAX DHIGA XAAFADA XEEBTA LUULKA
Madasha 7-aad ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee Siyaasadda Soomaaliya
Hay,adda Siyaasadda dhaqaalaha Qaranka “National Economic Council (NEC) ayaa qabatay, madasha 7aad ee golaha dhaqalaha qaranka, munaasabadda ayaa waxa furay Ra’iisul Wasaaraha XJF Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre. Waxaana kaso qayb galay, Xildhibaano katirsan labada aqal ee barlamaanka, Wasiiro, Safiirka dalka Talyaaniga, Madaxa hey,adda WFP ee Soomaaliya, iyo Ganacsaato ay hogaaminaayaan madaxda Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed. Shirka oo socon doona labo maalmood ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta dhaqaalaha iyo siyaasadaha lagu taageerayo kobaca dhaqaale.
Ra’iisul Wasaaraha XJF Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku boorriyay in la xoojiyo iskaashiga dowladda iyo Ganacsiga gaarka loo leeyahay, si loo abuuro shaqo iyo maalgashi. Wuxuu sidoo kale sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in la horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha, loona abuuro dhallinyarada fursado shaqo, si loo yareeyo saboolnimada.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabeyre” Ku biiristii EAC, waxa ay Ganacsatadeena u badashay in ay ku saleeyaan ganacsigooda cilmibaaris. Hadda waxii ka danbeeyo Ganacsatadeenu waxa ay ujeesan doonan sidii lo hormarin lahaay wax soo saarka dalka si dhaqaalaha kor loogu qaado.












XAFLADDA GUULEYSTA YAASHA SOMALIA BUSINESS AWARD 2024
Xafladda Saxiixa Heshiiska Dhismaha Dekadda Hobyo
Xaflad lagu weyneynaayay saxiixa Heshiiska Dhismaha Dekadda Hobyo, ayaa lagu qabtay Magaaladda Muqdishu, waxaana kaso qayb galay Madax-weynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Wasiiro iskug jira heer Federal iyo heer Dowlad Goboleed, sidoo kale Xildhibaano heer Federal iyo heer dowlad Goboleed, Siyaasiyiin kala duwan, iyo Masuuliyiin kamid ah shirkadaha Hobyo Investment iyo Metagholding oo ah shirkadaha heshiiska kala saxiixday, iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, iyo Marti sharafkale.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabeyre” ayaa u hambalyey shirkadaha Hobyo Investment iyo Metagholding, “Ganacsatada dalka waxaa ay manta soo gaareen heer ay maalgallin ku sameyaan Dakado, Garoomo diyaaradeed, waana hormar weyn oo uso hoyday umadda Soomaaliyeed.”
Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo soo xiray Xaflada saxiixa heshiiska Dhismaha Dekadda Hobyo, ayaa madasha ka sheegay in dhismaha Dekadda Hobyo, riyo muddo dheer ay ku taamayeen reer Galmudug ay tahay, isagoo sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.






BANDHIGGA WAJIGA 1AAD NAQSHADEYNTA BIYAHA MAREENADA MAGAALADA MUQDISHU
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo Bandhigay Mashruuca Nagaad wajigiisa 1aad, Mashruucaani ayaa ah mid lagu soo bandhigay daraasad guud oo laga soo sameeyay Biyo Mareenada Magaalada (Mogadishu Trank Drainage Master Plan) iyo Wax-qabadka howleedka ka dhalanaya qaabka loo kala horumarinayo sameynta naqshadaha biyo mareenada magaalada iyo dhaqan gelinteeda.
XAFLADDA FURITAANKA MAKITA
SHIRWEYNAHA LABAAD EE MIDOWGA BANGIYADA IYO MAALIYADDA SOOMAALIYA
BANDHIG SANADEEDKA 4AAD EE GANACSATADA HAWEENKA SOOMAALIYEED
SHIRKA WADATASHIGA SIYAASADDA TAYADA QARANKA IYO DAAHFURKA ASTAANTA TAYADA



