RA’IISUL WASAARE KU-XIGEENKA XFS OO KULAN LA QAATAY QAAR KAMID AH GANACSATADA DALKA.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan la yeeshay qaar kamid ah qaybaha kala duwan ee ganacsatada dalk, kulani  ayaa waxaa looga hadlayay dhibaatooyinka ay sababeen roobabka dayrta ee ka da’aya qaar kamid ah gobollada dalka.

Kulanka ayaa waxaa lagu soo bandhigay xaaladda dhabta ah ee ay sababeen roobabka, waxaana ilaa iyo hadda inta la xaqiijiyey ku dhintay daadadka iyo fataahadaha ka da’ay qaar kamid ah gobollada dalka, dadka gaaraya 25 ruux, iyada oo ay saameyn ku yeesheen 717, 825 kun oo qof.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in xaaladdu ay ka sii dari karto, maadaama ay soo wajahan yihiin roobab iyo daadad cusub sida ay tilmaameyso saadaasha iyo digniinaha soo baxaya. Mudane Saalax ayaa hoosta ka xariiqay sida ay lagama maarmaan u tahay in la helo xeelad walba oo gurmad loogu fidin karo meelaha ay go’doomiyeen daadadka iyo fatahaadaha is wata.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabayre” oo ku hadlaayay magaca ganacsatada kulanka kasoo qayb galshay ayaa sheegay in ay dhankooda ay diyaar u yihiin gurmadka walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaatadu ka soo gaartay fataahadda iyo daadka ay sababeen roobabkii dayrta ee ka da’aya dalka.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci

HEY’ADDA ILO OO TABABAR SARA LOOGU QAADAAYAY LOOSHAQEEYAASHA DALKA MANTA MUQDISHO KA FURTAY.

Hey’adda Caalamiga ILO oo kaashaneysa Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa manta tababar soconaaya muddo sadax cesho ah uga farta Looshaqeeysha dalka, kaasi oo kor loogu qaadaayo Xirfadaha, iyo sharciyadda loo shaqeeyaashu ay ku maamuli lahaayeen shaqaalahooda. Waxaana ka qayb galay waxaha kala duwan ee Rugta Ganacsiga ay ka koobantahay.

Shirkaani oo ahaay mid heer caalami ah ayaa waxaa furay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabayre” “Taba barkaani Muhiimad gaar ah ayuu inoo leeyahay hadeynu nahay Rugta Ganacsiga, waayo shaqaalaha ugu badan ee dalka waxaa ay ka shaqeeyaan qeybaha kala duwan ee gaarka loo leeyahay ee dalka kajira.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci

BANDHIGGA GUULEYSTAYAASHA SOOMAALIYEED

Waxaa hoolka sahal ee magaaladda muqdisho ka furmay Bandhigga Guuleystayaasha Soomaaliyeed, bandhigaani ayaa waxaa soo qaban qaabiyay shirkadda hormuud telecom Soomaaliya, bandhigaani ayaa ahay mid lagu talagalay in lagu dhiirrigeliyo ganacsatada Soomaaliyeed, ee adeegyada muhiimka ah u haya bulshadeenna, iyo in lagu dhiirrigelinayo ganacsatada iyo iskaashatooyinka Soomaaliyeed ee u taagan in ay bulshadeenna wax ay cunaan uga soo saaraan beeraha, xoolaha iyo badda.

Bandhigaani ayaa waxaa kasoo qayb galay qaar kamid ah Golaha wasiiradda XFS oo uu hogaaminaayo Rai’sul wasaaraha Dalka Mudan Xamza Cabdi Barre, Ganacsato ay hormuud utahay Rugta Ganacsiga, iyo Bulsha weynta Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwn.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabayre” oo kamid ah masuuliyiintii goobta ka hadashay ayaa yiri “Shirkadda Hormuud waxa ay indho u tahay bulshada. Waxaan ku ammaanaynaa sida ay bulshadeenna ugu gurmato xilliyada adag oo fatahaadaha, abaaraha, iyo musiibooyinku dhacaan. Waxaan ku bogaadinaynaa in ay sannadkaanna dhiirrigelinayaan wax-soo-saarka Dalka. Soomaaliya waa dal hodan ah. Waxaana rajaynaynaa in uu shirkaan fure u noqdo Soomaali isku filan, oo is quudiso.”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo khudbad dhinacya fara badan taabaneysa munaasabadda ka jeediyay ayaa adkeeyey in awood-siinta ganacsatada Soomaaliyeed iyo xaqiijinta suuqyo loo iib geeyo wax-soo-saarka dalkeenna ay kor u qaadeyso dhaqaalaha iyo horumarka dalka, isagoo xusay in Dhaqaalaha dalka uu ku horumari karo kaliya suuqa oo noqda mid xor ah iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay oo la tayeeyo.

 

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci

#Waxsoosaar #BGS23 #GuulSoomaaliyeed

 

 

 

XAFLADDA FURITAAKA SHAYBARKA BADEECADDAHA

Hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah u daah furtay Sheybaar lagu hubinaayo badeecadaha dalka soogala iyo kuwa kabaxa. Munaasabadda xarig jarka oo ay aheed mid heer sare loo soo agaasimay, ayaa waxaa kaso qayb galay xubno kala duwan oo uu ugu horeyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibbaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Mudane Abdirisaaq Cumar Mohamed, Maareeyaha Hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliyeed Marwo Haawo Ahmed Hassan, Maareeyaha Dekeda Muqdisho Mudane Axmed Maxamed Maxamud, iyo Ganacsto uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane Mohamud Abdi Ali “Gabeyre”

Dhamaan masuuliyiintii kaso qayb galay munaasabadda ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo sheybaar, kaasi oo lagu hubin doono tayada badeecaddaha iyo taariikhdooda si bulshada Soomaaliyeed loo ilaaliyo badqabkooda caafimaadkooda, iyo deegaankooda.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi oo halkaas ka hadlay, ayaa boggaadiyey dadaalka hay’adda Tayodhowrka Soomaaliyeed, waxaana uu tilmaamay inay ka go’an tahay wax ka qabashada iyo joojinta badeecafaha tayadoodu liidato ee loo soo dhoofiyo dalka si loo ilaaliyo badqabka caafimaaf ee noolaha iyo bii’adda.

Ugu danbeyntii Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ayaa dhankiisa boggaadiyey dadaalda hay’adda Tayodhowrka Soomaaliyeed, waxaa uuna sheegay in uu sheybaarkaani kor u qaadaayo dhoofinta wax soo sarka dalka iyo tayadda alaabta dalka imaanaaya, sido kalane uu yareynaayo tuhunka Ganacsatada Soomaaliyee laga qabo.

 

KULAN DHAX MARAY MADAXDA RUGTA GANACSIGA IYO MAAREEYAHA HAY,ADDA AQOONSIGA IYO DIIWAANGALINTA QARANKA.

Masuuliyiin uu hogaamiinaayo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabayre” oo iskugu jira Madaxda Rugta Ganacsiga iyo qaar kamid ah ganacsatada dalka ayaa kulan la qaatay Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka mudane Cabdiweli Timacadde,

Ugu horeynti waxaa warbixin dhinacya fara badan taabaneyso ganacsatada siiyay Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka mudane Cabdiweli Timacadde, taasi oo ay ganacsatadu weydiiyeen su’aalahii ay qabeen. Maareeyaha ayaa tilmaamay in Hay’adda NIRA hirgalinayso nidaam loo dhanyahay si fududna lagu wada heli karo. Isagoo sheegay Kaarka Aqoonsigu inuu wax wayn ka tari doono horumarinta dhaqalaha dalka.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ayaa ganacsatada ugu baaqay in ay qaataan karka aqoonsiga kaasi oo wax-yaabo fara badan ufududeyn doona. Waxaa uuna raaciyay inay aad ugu taamayeen nidaamka Aqoonsiga ee Hay’adda NIRA hirgalisay. Sidoo kalena Ganacsatada Soomaaliyeed baahi wayn u qabaan Kaarka Aqoonsiga dadweynaha.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci

 

 

 

 

 

DHAGAX DHIGA BEERTA DALXIISKA EE JAZEERA.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale “Madaale” Wasiiru Dowlaha Madax-tooyada Mudane Abshir Buqaari, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabayre”  Guddoomiyaha Jazeera Real State, mudane Iman Maxamed Cali, ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay Beerta Dalxiiska ee Jazeera, sidoo kalana xariga ka jaray, Wejiga labaad ee dhismaha Guryaha Jazeera Real State, waxana maal galinaya IBS Bank.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kamid ah masuuliyiinta goobta ka hadashay ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ku amaanay doorka maalgashiga iyo dib u dhiska dalka, waxaana uu ugu baaqay in ay ganacsatadu dalkooda ku kalsoonadaan.Dhanka kale Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ayaa ganacsatada ku amaanay hormarka iyo maalgashiga, sidokalane, uga mahada celiyay shirkadda Jazeera Real State malgashiga balaaran ee ay sameysay.

 

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci
 

RA’ISUL WASAARE XAMSA OO GANACSATADA SOOMAALIYEED KALA HADLAY JIHEYNTA DOWLADNIMADA CASRIGA AH,

Ra’iisul Wasaaraha XJF Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan looga hadlayay jiheynta dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya layeeshay ganacsatada dalka iyo doorka ay ku leeyahiin hormarinta dowladnimada soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliye Rugta Ganacsiga iyo guud ahaan ganacsatada Soomaaliyeed sida ay wadanka u soo badbaadiyeen iyo doorka ay ku lahaayeen dib u soo celinta Dowladnimada Soomaaliya sidoo kale waxaa uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay in hey’adaha Dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ay isla -jaanqaadaan, si wadajir loogu xaqiijiyo hiigsiga fog ee horumarka dalka.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa lawadaagay madaxda Rugta Ganacsiga iyo milkiilayaasha ganacsiyada gaarka loo leeyahay, baahida loo qabo in la sameeyo isbeddel dhan walbo ah, si isbeddelkaas looga mirro dhaliyana ay lagama maarmaan tahay in la helo ka go’naansho bulsho. Ugu danbeyntii Ra,isul Wasaaraha ayaa ganacsatada kula dardaarmay in ay kaalintooda ka qaataan amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada ee u baahan in wadajir wax looga qabto.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed

Adam Hassan Mohamud

somalichamberofcommerce@gmail.com,

info@somalichamber.so

https://somalichamber.so/

Facebook:https://www.facebook.com/somalichamberofcommerce/

@somaliacci

https://www.instagram.com/rugtaganacsiga/

https://www.linkedin.com/…/somali-chamber-rugta…/

   

SHIRKA HABRAACA DIIWAANGALINTA IYO RUQSAD SIINTA GANACSIGA.

Agaasimka waxda ganacsiga Gobolka Banaadir ayaa soo qaban qaabiyay shirka habraaca diiwaangalinta iyo ruqsad siinta ganacsiga, waxaana kaso qayb galay ganacsatada qaybaheeda kala duwan oo ay hormkacayaan agaasimka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

Agaasimka waxda ganacsiga Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in ay soo dabaceen Buuga hagaha Ganacsiga, kaasi oo ay kuso koobeen dhamaan baahiyaha ganacsiga, ayaga oo raaciyay in lageeyndoono dhamaan dagmooyinka Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa lagu falan qeeyay qodobo dhowr ah, kuwaasi oo su,aal ahaan logu bandhigay xubnahi kala duwanaay ee shirka kaso qayb galay. Professor Ciise M Xalane, Ku Xigeenka Agaasimaha Guud iyo Madaxa Xiriirka Caalamiga ee Rugta Ganacsiga ayaa yiri maahin in ganacsatada laga eego dhanka ganaaxa iyo shati kala naqashada, balse waa in laga dhax tusaa fa,idada uu uleeyahay ganasigooda. Waana in laga fogaado wax waliba oo dheereen kara qaadashada shatiga Gobolka Banaadir, hadii ay ahaan laheed dhanka maaliyadda, iyo wax yaabaha la iska rabo, waana in ganacsatada yar yar loo geeyaa dagmoyinka iyo meelo ay dag dag uga helikaraan.

Gudoomiye ku xigeenka Maamulka & Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa soo xiray shir, waxana uu sheegay in ay ka Gobol ahaan wax kaqaban doonan dhibaatoyinka ganacsatada yar yar, ayna ka shaqeyn doonan hormarka ganacsiga haweenkana.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci
 

SHIR WAYNAHA AQOONSIGA QARANKA

Waxaa magaaladda Mogadishu laga daah furay qaadashada Kaarka Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha, oo lagu beegay maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga Dadweynaha16 Sebtembar. Munaasabaddani oo aheed mid her caalami ah ayaa waxaa daah furay Ra’iisul Wasaaraha XJF Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre. Kaarkaani ayaa hadii uu howl galo waxa uu fa,ido weyn uyahay dhamaan shacabka soomaaliyeed.

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo ka hadlayey munaasabadda daah-furka barnaamijka diiwangelinta iyo Aqoonsiga dadweynaha, ayaa hoosta ka xariiqay in hannaankani uu ka tarjumayo dowladnimada casriga ah ee dalkeenna ka hana-qaaday, isagoo u mahadceliyey Dowladda Pakistan oo gacan weyn ka geysatay iyo hey’adaha kala ah Bangiga Adduunka iyo UNDP.

Shir waynaha Aqoonsiga Qaranka oo socday muddo laba maalin ah ayaa waxaa manta so xeray Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), waxaana uu Shacabka Soomaaliyeed u sheegay in aqoonsiga qaran uu xal u yahay caqabado badan oo haysta bulshada dhexdeeda, kuwaasi oo ay ka mid yihiin, xaqiijinta iyo damaanad qaadka amniga, bixinta adeegyada, shirkadaha, arrimaha doorashooyinka dalka, maalgashiga, iyo  muwaadiniinta Soomaaliyeed si damaanad leh ay adduunka ugu safri karaan.

 

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com, info@somalichamber.so
@somaliacci

BANDHIGGA FILIMKA DIB U CURASHADA QARANIMADA SOOMAALIYA EE CARTA 2000

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa soo bandhigtay filim Docomentry ah oo ay sheegtay in ay diyaarinayeen muddo todoba sana ah, kaasi oo looga hadlayay marxaladihii kaala duwanaay ee shirkii carta, waxaana logu magac daray Bandhigga Filim-ka dib u curashada Qaranimada Soomaaliya ee 2000 Carta.

Bandhigga Filim-ka ayaa waxaa kaso qayb galay, Xildhibaano uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Wasiiro uu hogaaminaayo Ra’iisul Wasaare dalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, wafdi ka socda dalka Djibouti oo uu hogaaminaayo Wasiirka Awqafta iyo Arimaha Diinta iyo Safiirka dalka Djibouti u fadhiya Soomaaliya. Sidoo kale waxaa kalso qayb galay Ganacsato ay hogaamineyso Rugta Ganacsiga, iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan ee dalka.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
somalichamberofcommerce@gmail.com, info@somalichamber.so
@somaliacci