XARIG JARKA LAMU SHIPPING LIMITED

Shirkadda lamu shipping ayaa dalka keentay Markabkii ugu horeeyey oo si toos ah badeecado ugu soo qaaday Dalka Shiinaha, kuna soo xirtay dakadda weyn ee magaladda muqdihsu. Munaasabad xarig jarka ayaa waxa kaso qayb galay Xildhibano, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gadiidka Badda, Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, iyo Ganacsato ay hogaaminayaan mamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga “Gabaire” “Shiinaha waa meelaha ugu badan ee Ganacsatadeenu alabaha ka keenan una diraano, marba hadii uu ku imaanayo markabku 17 maalmod, noqoshadiisuna ay intaas oo kale ay tahay 2bilood ilaa 3 bilood in uu mar imaan karo ayey ilatahay, sidaas darteed ganacsatada Soomaaliyeed halkaas waxaa uga banana jaanis fudud.”
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci
    

XARIG JARKA XARUNTA DARYEELKA DHAAWACYADA IYO XAALADAHA DAG DAGGA AH

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane. Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xarigga ka jaray Xarunta Daryeelka Dhaawacyada iyo Xaaladaha Deg-degga ah oo loogu tala galay in lagula tacaalo dadka ku wax-yeellooba musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa dadku sameeyeen oo laga hirgaliyay gudaha Isbitaalka weyn ee Madiina. Xaruntaan ayaa waxaa dhisma heeda taaba galiyay Guddiga Gurmad Qaran oo ka kooban Golo Wasiiro, Ganacsato, Culumaa’udiin, iyo Ururrada Bulshada Rayidka ka ah.

Read more

BANDHIGA GUULEYTA YAASHA SOOMALIYEED.

Munaasabadda Bandhiga Guuleysta yaasha Soomaaliyed ee Teknoolojiyadda Maaliyadeed ee Soomaaliya, ayaa lagu qabtay Magalada Muqdishu, waxaana kaso qayb galay, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JF-Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, Xildhibano, Wasiirka Wasaaradda Isgaarsinta iyo Tignoolajiyada, Ganasato ay hogaaminayaan Madaxada Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.
Guddoomiyaha Hormuud Telecom Axmed Maxamuud Yuusuf ayaa martida ku soo dhoweeyay Bandhigga Guuleystayaasha Soomaaliyeed Guddoomiyaha ayaa xusay in ujeedka Bandhiggan sannadlaha ah uu yahay in la dhiirrigeliyo, lana abaalmariyo shirkadaha Soomaaliyeed ee u taagan horumarinta Ganacsiyada iyo dhaqaalaha Soomaaliya. Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabeyre” “Shirkadaha ka shaqeeya horumarinta Teknoolojiyadda Maaliyadeed ee Soomaaliya waxaan ku bogaadinayaa kaalinta ay ka qaateen fududeynta Nolosha bulshadeenna iyo Horumarinta dhaqaalaha dalka.”
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay “Teknoolojiyaddu waxa ay yareysay musuq-maasuqa, sidoo kale waxa ay qeyb wayn ka qaadatay fududaynta bixinta mushaharaadka. Adduunku waxaa uu wareegay adeegsiga Teknolojiyada, sidaa awgeed waxa ka go’an Xukuumadda diyaarinta shuruucdii lagu ilaalin lahaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee maalgelinta xooggan galisay horumarinta teknoolojiyadda maaliyadeed ee Soomaaliya.”
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci

Read more

XAFLADDA DHAGAX DHIGA XAAFADA XEEBTA LUULKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay dhismaha xaafada xeebta luulka, oo ay si wada jir ah iskaga kaashanayaan shirkadaha, Mariina Beach, Bulsho Development Bank, iyo shirkadda Al Asab. Waxaana kaso qayb galay, Xildhibaano, Wasiiro, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Ganasato ay hogaaminayaan Madaxada Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.
Guddoomiyaha Shirkadda Mariina Beach, Marwo Liin Hassan ayaa sheegtay in mashruucaan dhismaha Xeebta Luulka hadii uu dhismo uu waji kale uyeelaayo dalka. Dhanka kale Agaasimaha Guud ee Shirkadda Al Asab Mr Burhaan, ayaa dhankisa sheegay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku bilaabi doonan wajiga koobaad ee mashruuca dhismaha Xeebta Luulka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in hirgalinta mashruucani uu tusaale u yahay soo kabashada dalka, isla markaana uu weji cusub u yeelayo dowladnimada Soomaaliyeed, isaga oo faray dhammaan hay’adaha dowladda in ay ku garab istaagaan Ganacsatada Soomaaliyeed sidii uu u guuleysan lahaa mashruucani. Madaxweynaha ayaa shahaaddo sharaf Gudoonsiyay Agaasimaha Guud ee shirkadda Al Asab, oo ay wehliyaan shirkadaha Adnan Safari Office iyo Matrix Partnership, kuwaasi oo kala qaabilsan naqshadeynta dhulka iyo Master planning ka guud.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabeyre” ayaa dhankiisa sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay gali-jireen mashruucyo yar-yar balse ay hadda bilaabeen mashruucyo waweyn oo uu ugu horeeyo mashruucaani.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci

Read more

Madasha 7-aad ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee Siyaasadda Soomaaliya

Hay,adda Siyaasadda dhaqaalaha Qaranka “National Economic Council (NEC) ayaa qabatay, madasha 7aad ee golaha dhaqalaha qaranka, munaasabadda ayaa waxa furay Ra’iisul Wasaaraha XJF Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre. Waxaana kaso qayb galay, Xildhibaano katirsan labada aqal ee barlamaanka, Wasiiro, Safiirka dalka Talyaaniga, Madaxa hey,adda WFP ee Soomaaliya, iyo Ganacsaato ay hogaaminaayaan madaxda Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed. Shirka oo socon doona labo maalmood ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta dhaqaalaha iyo siyaasadaha lagu taageerayo kobaca dhaqaale.

Ra’iisul Wasaaraha XJF Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku boorriyay in la xoojiyo iskaashiga dowladda iyo Ganacsiga gaarka loo leeyahay, si loo abuuro shaqo iyo maalgashi. Wuxuu sidoo kale sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in la horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha, loona abuuro dhallinyarada fursado shaqo, si loo yareeyo saboolnimada.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabeyre” Ku biiristii EAC, waxa ay Ganacsatadeena u badashay in ay ku saleeyaan ganacsigooda cilmibaaris. Hadda waxii ka danbeeyo Ganacsatadeenu waxa ay ujeesan doonan sidii lo hormarin lahaay wax soo saarka dalka si dhaqaalaha kor loogu qaado.

 

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci
 

XAFLADDA GUULEYSTA YAASHA SOMALIA BUSINESS AWARD 2024

Majaladda Somalia Magazin oo ka faaloota arimaha Ganacsiga oo qabata sanad waliba abaalmarino ay kor ugu qaadeyso kuna dhiri galineysa Ganacsiyada dalk, codeyn dhanka internetka ah ayaa waxa ku guuleysta sanad kasta Ganacsato herarakoodu uu kala duwan yahay, kuwasi oo iskugu jira dhamaan qaybaha kala duwan ee Ganacsiga dalka, xaflad lagu abaal marinayay guuleystayaasha sanadkaan 2024 ayaa lagu qabtay Hotelka Jaziira ee magaladda Mogadisho.
Xafladdani oo aheed mid heerkeedu sareeyo ayaa waxa kaso qayb galay, Xildhibaano iskugu jira Aqalka sare iyo Barlamaanka, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha, iyo Ganasato kala duwan oo ay hogaminaayan qaar kamid ah madaxda sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed. Xafladda inta ay socotay ayaa abaalmarino lagudoon siyay guleysta yaasha, waxaana. #SomaliBusinessAwards2024.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci

Read more

Xafladda Saxiixa Heshiiska Dhismaha Dekadda Hobyo

Xaflad lagu weyneynaayay saxiixa Heshiiska Dhismaha Dekadda Hobyo, ayaa lagu qabtay Magaaladda Muqdishu, waxaana kaso qayb galay Madax-weynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Wasiiro iskug jira heer Federal iyo heer Dowlad Goboleed, sidoo kale Xildhibaano heer Federal iyo heer dowlad Goboleed, Siyaasiyiin kala duwan, iyo Masuuliyiin kamid ah shirkadaha Hobyo Investment iyo Metagholding oo ah shirkadaha heshiiska kala saxiixday, iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, iyo Marti sharafkale.

 

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabeyre” ayaa u hambalyey shirkadaha Hobyo Investment iyo Metagholding, “Ganacsatada dalka waxaa ay manta soo gaareen heer ay maalgallin ku sameyaan Dakado, Garoomo diyaaradeed, waana hormar weyn oo uso hoyday umadda Soomaaliyeed.”

 

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo soo xiray Xaflada saxiixa heshiiska Dhismaha Dekadda Hobyo, ayaa madasha ka sheegay in dhismaha Dekadda Hobyo, riyo muddo dheer ay ku taamayeen reer Galmudug ay tahay, isagoo sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.

 

 

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci
      

BANDHIGGA WAJIGA 1AAD NAQSHADEYNTA BIYAHA MAREENADA MAGAALADA MUQDISHU

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo Bandhigay Mashruuca Nagaad wajigiisa 1aad, Mashruucaani ayaa ah mid lagu soo bandhigay daraasad guud oo laga soo sameeyay Biyo Mareenada Magaalada (Mogadishu Trank Drainage Master Plan) iyo Wax-qabadka howleedka ka dhalanaya qaabka loo kala horumarinayo sameynta naqshadaha biyo mareenada magaalada iyo dhaqan gelinteeda.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, oo ay wehliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Rugta Ganacsiga, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir, iyo Guddoomiyaha Rugta Ganasiga Jubbaland ahna xog heeyaha guud ee Rugta Ganacsiga, Midowga Bangiyada dalka, iyo Madaxda Hey’adda UNOPS, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo munaasabadda ka hadlay ayaa aad uso dhaweeyay asaga oo sheegay ahmiyadda ay Magaalada Muqdisho u leedahay in xal waara loo helo maareynta biyo-mareenada, taasi oo hortebin u leh madaxda qaranka.

Read more

XAFLADDA FURITAANKA MAKITA

Xaflad lagu daah-furaayay shirkadda Makita oo mataan la ah shirkadda RedSea General, ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdishu, waxaana kaso qayb galay, xubno katirsan labada gole ee Barlamaanka Soomaaliya, Agaasimayaal Guud, iyo Ganacsato uu hogaaminaayo Guddoomiye Ku-xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

Read more

SHIRWEYNAHA LABAAD EE MIDOWGA BANGIYADA IYO MAALIYADDA SOOMAALIYA

Shirweynaha Midowga bangiyada iyo Maaliyadda Soomaaliya ayaa manta ka furmay Magaalada Muqdishu, waxaana diiradda lagu saaray maalgashiga, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo talooyinka ku aaddan dib u habaynta nidaamka maaliyadeed ee dalka.Sshirkaani ayaa waxaa si rasmi ah u-daahfuray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud. Waxana kaso qaby galay, Xildhibaano, Wasiiro, iyo Ganacsato ay hogaaminayaan qar kamid ah maamulka sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo shirka furay ayaa soo dhaweyaya horumarka ay sameeyeen Midowga Bangiyadda dalka, “Bangiyada iyo hay’adaha isgaarsiinta waan bogaadinayaa laakin waxaan ku adkeeynaya ganacsatada in ay bixiyaan canshuurta oo aysan ka dhuuman hannaanka iyo xeerka loo dejiyey, ogaada canshuurta shacabka ayaa bixiyo idinkuna fududeeyayaal ayaa tihiin, waxaana lagu qabanaya canshuurta adeegyada bulshada iyo sugidda amniga, waxayna qeyb ka tahay shaqada dowladda canshuur qaadidda. Dowladda Soomaaliya ahmiyadda gaar ah ay siisay dhisidda hay’addaha muhiimka u ah horumarinta bangiyada iyo hirgelinta xeerarka hagaya, taas oo sahashay kalsoonida lagu qabo shaqadooda iyo guusha weyn ee suurtagalisay qabsoomidda shirkan.

 

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabeyre” oo kulanka hadlay ayaa ugu horeyntii soo dhaweeyay hormarka balaaran ee ay sameeyeen Midowga Bangiyadu, “waxaan soo garnay heerka is aaminaada Ganacsatadu in qofka Ganacsatada ah ee u saf-raaya Dubia, in lacag kaash ah loodhiibo si uu ugu geeyo qofkale oo ku sugan Dubai, ayadda oo aan laga tirin kaliya magac ayaa korka loga qorayaa kadibna boorsadda ayuu kuridayaa, marka uu tago waxaa kuso xomayo ganacsatado qof waliba waxa uu labaxaya kaliya mida magaciisu ku qoran yahay. Mantase waxaan mareyna heer kaan casriga ah”
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci

Read more