Xaflad balaaran oo lagu soo Bandhigayey wax-qabadka (2022-2025) ee Xukuumadda Dan-qaran oo kadhacday Magaaalada Muqdisho. Ayaa waxaa kaso qayb galay madaxda ugu sareysa dalka oo ugu horeeyo Madaxweynaha qaranka Mudane Dr Xasan Shekh Maxamud, Xildhibaano, Golaha wasiiradda oo uu hogaminayo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, iyo Ganacsato ay hogaaminayan Guddonka sare ee Rugta Ganacsiga, iyo Bulshada qaybaheeda kaladuwan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Shekh Maxamud, ayaa tilmaamay guulaha muuqda ee xukuumaddu ay ka soo hooysay dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, isaga oo xusay in horumarkan uu ka tarjumayo dadaal wadajir ah oo shacabka iyo dowladda ay ku mideysan yihiin.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in guulahani ay ku yimaadeen wadajir iyo midnimo, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay Xildhibaannada Labada Aqal iyo guddoonkooda. Xukuumadda Dan Qaran waxa ay bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigtay guulaha ay xaqiijisay muddadii saddex sano ahayd ee ay dalka u shaqeynaysay, taas oo hirgelisay barnaamijyo iyo mashaariic wax-ku-ool ah, oo ay markhaati u yihiin dadka Soomaaliyeed. “Guulaha la gaaray waxaa saldhig u ah shuruucdii oo la hagaajiyey, midnimo iyo wadajir”.
Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Maxamud Cabdi Cali ‘Gabeyre’ oo kamida masuuliiyinta gobta ka hadashay ayaa Bogaadiyey Waxqabadka Wanaagsan ee Xukuumadda Dan-qaran waxa una Hambalyo ku aadan Bandhigga Waxqabadkaasi Mudadda Sadaxda Sano ah ku amaanay Wasaaradaha Kala Duwan ee Xukuumadda Dan-qaran.