Work
Shirweynaha Midowga bangiyada iyo Maaliyadda Soomaaliya ayaa manta ka furmay Magaalada Muqdishu, waxaana diiradda lagu saaray maalgashiga, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo talooyinka ku aaddan dib u habaynta nidaamka maaliyadeed ee dalka.Sshirkaani ayaa waxaa si rasmi ah u-daahfuray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud. Waxana kaso qaby galay, Xildhibaano, Wasiiro, iyo Ganacsato ay hogaaminayaan qar kamid ah maamulka sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo shirka furay ayaa soo dhaweyaya horumarka ay sameeyeen Midowga Bangiyadda dalka, “Bangiyada iyo hay’adaha isgaarsiinta waan bogaadinayaa laakin waxaan ku adkeeynaya ganacsatada in ay bixiyaan canshuurta oo aysan ka dhuuman hannaanka iyo xeerka loo dejiyey, ogaada canshuurta shacabka ayaa bixiyo idinkuna fududeeyayaal ayaa tihiin, waxaana lagu qabanaya canshuurta adeegyada bulshada iyo sugidda amniga, waxayna qeyb ka tahay shaqada dowladda canshuur qaadidda. Dowladda Soomaaliya ahmiyadda gaar ah ay siisay dhisidda hay’addaha muhiimka u ah horumarinta bangiyada iyo hirgelinta xeerarka hagaya, taas oo sahashay kalsoonida lagu qabo shaqadooda iyo guusha weyn ee suurtagalisay qabsoomidda shirkan.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabeyre” oo kulanka hadlay ayaa ugu horeyntii soo dhaweeyay hormarka balaaran ee ay sameeyeen Midowga Bangiyadu, “waxaan soo garnay heerka is aaminaada Ganacsatadu in qofka Ganacsatada ah ee u saf-raaya Dubia, in lacag kaash ah loodhiibo si uu ugu geeyo qofkale oo ku sugan Dubai, ayadda oo aan laga tirin kaliya magac ayaa korka loga qorayaa kadibna boorsadda ayuu kuridayaa, marka uu tago waxaa kuso xomayo ganacsatado qof waliba waxa uu labaxaya kaliya mida magaciisu ku qoran yahay. Mantase waxaan mareyna heer kaan casriga ah”
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci
BANDHIG SANADEEDKA 4AAD EE GANACSATADA HAWEENKA SOOMAALIYEED
Waxaa manta magaalada Muqdishu ka furmay Bandhig sanadeedka 4aad ee Ganacsatada Haweenka Soomaaliyeed, Bandhigaani ayaa ah mid laqabto sanadkiiba mar, waxana kaso qayb galay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, iyo Ganasato uu hogaaminaayo Guddomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Cabdiraxman Cabdullahi Adam “Galambe”. Haweenka Ganacsatada ah ayaa soo bandhigay ganacsiyo kala duwan kuwaasi uu ubadan wax soo sarka dalka.
Guddomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Mudane “Galambe”, ayaa sodhaweeyay Bandhig carweedka Ganacsatada Haweenka Soomaaliyeed, “Haweenku waa ay ka amaano iyo wax soo sar-badan yahiin Raga, sidaas darteed waa in ay hal abuurayaal Ganacsi naqdaan”.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci
SHIRKA WADATASHIGA SIYAASADDA TAYADA QARANKA IYO DAAHFURKA ASTAANTA TAYADA
Hay’adda Tayo – dhawrka Soomaaliyeed ayaa Maanta Magaaladda Muqdishu ka daahfurtay astaanta tayada, taasi oo ah astaan lagu garanaayo Badeecadaha dalka, munaasabadani ayaa waxa daahfuray Maareeyaha Hay’adda Tayadhowrka Soomaaliyeed Xaawo Axmed Xasan “Waxaa guul ah in aan maanta daahfureyno Astaanta Tayada Badeecadaha”, munaasabadda ayaa waxaa kaso qayb galay Ganacsato kala duwan oo ay hogaaminayaan Masuuliyiinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.
Agaasime ku xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Prof Dr Ciise M Xalane, oo ku hadlayay magaca Rugta iyo Guud ahaan Ganacsatada ayaa soo dhaweyay Astaanta Tayada Badeecadaha, waxana uu sheegay waqtigi loobah naay in ay kuso aaday.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci














SOMBANK WAXDIISA SUUQ BACAAD AYAA SOO QABAN-QAABIYAY KUNAK
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Suuq Bacaad Mudane Yusuf Sheikh Maxamud Wehliye ayaa ka qayb galay kulan uu soo qaban qaabiyay SomBank waxdiisa Suuq Bacaad, kaasi oo looga arin sanayay wada shaqeynta Bangiga iyo Ganacsatada suuqa iyo sidii la iskaga kaashan lahaa hormarka Ganacsiga.
Mareeyaha Guud ee SomBank Dr Saciid Cali Shire ayaa soo dhaweeyay Ganacsatada Suuqa, ugana mahad celiyay wada shaqeynta kala dhaxeyso Bangiga, waxana uu balan qaday in ay dar-dar galin doonan adeegyada guud ee kala dhaxeyso Ganacsatada.
𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐭𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐌𝐢𝐢𝐬𝐚𝐚𝐧𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝟐𝟎𝟐𝟓-𝐤𝐚
Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa wadatashi lasameysay qaybo kamid ah Hey’adaha Dowladda, kuwa Dowlad-Goboleedyada, Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, iyo Ururada Bulshada Rayidka ah, si ay ugu biiriyaan ra’yigooda ku aaddan diyaarinta miisaaniyadda Dowladda ee 2025. Munaasabadaani ayaa lagu qabtay hotelka maaida ee magaladda Muqdisho.
MAALINTA UMAHAD CELINTA IYO ABAAL MARINTA CANSHUURA BIXIYASHA
Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa soo qaban qaabisay munaasabad ay ugu mahad celinaayan canshuur bixiyaasha dalka, ilaa dhowr iyo 10 shirkadood oo kamid ah kuwa ka qayb qaatay bixinta canshuuraha dalka ayaa abaal marinno lagudoon siiyay. Munaasabaddani ayaa lagu qabtay magaladda Muqadishu gar ahaan hotelka Jazeera, waxaana kaso qayb galay xubno ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda oo uu hogaaminaayo Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Xaange, iyo Ganacsato ay hogaaminayaan Mamulka Sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabaire” oo goobta ka hadlay ayaa yiri “Dalkeenu horumar la taaban karo ayuu ka gaaray dhowr waxood oo ay ugu horeeyaan. Isgaarsinta, Bangiyada, Xawaaladaha, iyo dhoofka, Soodajinta, marka aad u firsato waxa ay maraayaan meel aad u saseyso oo aan wadamada dariska kaga horeyno. Markasta qofka wax qaadaaya iyo midka laga rabo waa ay isku dhiban yahiin, canshuurtan hada wa la isla jaan qaaday, wax kasta oo bilaw ahne inta la isla jaan qadayo dhib ayey leeyahiin, balse marka muddo lawado waa la isla fahmayaa. Qofkasta ee Soomaaliyeed canshuur bixiye ayuu naqanayaa.”
Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Abdiqafaar Xaange ayaa soo xiray munaasabadda waxa uu yiri “Dowlad nimada iyo wada shaqeynta makala marmaan, roolkaga qaado, canshuurtu waa waajib.”
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci
GANACSATADA DHOOFKA IYO SOO-DAJINTA OO USOO CABTAY RUGTA GANACSIGA
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabaire”, Guddoomiye Ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Mudane Abdirahman Abdullahi Adam “Galambi” ayaa xarunta Rugta Ganacsiga ku qaabilay Ganacsatada Dhoofka iyo Soodajinta Gobolka Banaadir, oo ay hormuud ka a hayeen Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir iyo Guddomiyaasha Suuqyada, kuwaasi oo cabasho ka ahay kala sareynta Canshuraha Dakadaha dalka, iyo in aan badeecadaha Dakadda Muqdisho aan la garsiin karin wax kabaxsan, deeganada ku xeeran Gobolka Banaadir, halka Dakadaha kale ay soo garaan Magaaloyinka Jowhar iyo Baydhabo, waliba ayaga oo ka qiima jaban.
Ganacsatadaani ayaa sheegtay in ay waligood ahayeen kuwa Canshuur iyo Deeq bixiyaal intaba iskugu jira, hadana ay Canshuurta in ay bixiyaan diyaar uyahiin balse ay rabaan in lamideeyo Canshuuraha gaar ahaan kuwa Dakadaha Dalka kajira, lana cadeeyo Canshurta 5% cidda ay tooska ugu dhaceyso oo laga rabo.
BANDHIG CILMI BAARISTKA CANSHUURAHA DALKA OO AY SOO QABAN QAABIYEEN MACHADKA THE 7 INSTITUTE
Machadka Cilmi Baarista ee 7 Inistitute ayaa magaalada Muqdishu ku qabtay dood cilmiyeed ku aadan Canshuuraha. Doodaani ayaa waxaa iskugu yimid dhinacyada Canshuruhu ay tooska u saameeyaan, sida Agaasimaha Guud ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Agaasimaha Guud ee Dakhliyada Wasaaradda Maaliyadda, iyo Cilmi baarayaal.
MUNAASABADDA SAXIIXA HESHIISKA ISKAASHI EE HAY’ADDA NIRA IYO MIDOWGA BANGIYADDA SOOMAALIYEED.
Magaalada Muqdisho waxa maanta ka furmay Munaasabadda Saxiixa Heshiiska Iskaashi ee Hay’adda NIRA iyo Midowga Bangiyada Soomaaliya. Munaasabadda waxa kasoo qayb galay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Salax Jamac, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Cali Yusuf Xoosh, iyo Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada Maxamed Soomaali, Ganacsato uu hogaminaayo Guddomiye ku-Xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Abdirahman Abdullahi Adam “Galambi” iyo Guddomiyaha Bulshada Rayidka ah Mudane Muxudiin Shatax, iyo mas’uulyiin kale oo ka socotay hay’adaha dowladda.
Heshiiskan ayaa qayb muhiima ka qaadan doona dadaallada lagu horumarinayo dhaqangelinta nidaamka aqoonsiga qaranka, isaga oo diiradda saaraya isku xirka nidaamka aqoonsiga qaranka iyo adeegyada bangi dalka.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci
Wasiirka Wasaaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashiid Haji Abdi, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda XFS Xildhibaan Osman Mohamed Abdi(Daallo), oo ay wehliyaan Gudiga Ganacsiga, Warshadaha, iyo Maalgashiga ee Golaha Shacabka BFS, ayaa Wasaaradda Ganacsiga ku qaabilay qaar kami ah Ganacsatadda Dhoofka iyo Soodajinta ee Gobolka Banaadir oo ay hogaaminayaan Goddomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyasha Suuqyada.
Ganacsatadaani ayaa Wasiirka Wasaaaradda Ganacsiga la wadaagay culeesyo ay kamid yahiin wacyi galin la’aanta dhanka dowlada ee canshurta 5% ah, iyo culees yada kajira kala dugnaasha ha dhanka Canshuraha Dakadaha dalka, iyo meel marinta sharciyagii 21 Agoosto 2024 kaso baxay Golaha Wasiirrada XFS. Sido kale Ganacsatadaani ayaa sheegtay in ay yahiin kuwa kadii wan gashan Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, ayna garab taagan yahiin, ayaga oo ah kuwa Canshuur iyo Deeq bixiyaal intaba iskugu jira, hadana ay Canshuurta in ay bixiyaan diyaar uyahiin.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashiid Haji Abdi, oo dhagaystay dhammaan cabashooyinka ay qabeen Ganacsataddu, ayaa wuxu balan qaaday in ay ka dawlad ahaan wax ka qaban doonaan tabasho kasto ay qabaan Ganacsatadda Gobolka Banaadir loona baahan yahay wada-shaqeyn joogto ah oo dhexmarta Ganacsatadda iyo dowladda.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
https://somalichamber.so/
Facebook:https://lnkd.in/eqWvWFUb
@somaliacci
https://lnkd.in/eNmXCiXD
https://lnkd.in/eKwPsET5
https://lnkd.in/dMdjn3Yh
https://lnkd.in/dhpBDUe9