Work
Xafladda Saxiixa Heshiiska Dhismaha Dekadda Hobyo
Xaflad lagu weyneynaayay saxiixa Heshiiska Dhismaha Dekadda Hobyo, ayaa lagu qabtay Magaaladda Muqdishu, waxaana kaso qayb galay Madax-weynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Wasiiro iskug jira heer Federal iyo heer Dowlad Goboleed, sidoo kale Xildhibaano heer Federal iyo heer dowlad Goboleed, Siyaasiyiin kala duwan, iyo Masuuliyiin kamid ah shirkadaha Hobyo Investment iyo Metagholding oo ah shirkadaha heshiiska kala saxiixday, iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, iyo Marti sharafkale.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabeyre” ayaa u hambalyey shirkadaha Hobyo Investment iyo Metagholding, “Ganacsatada dalka waxaa ay manta soo gaareen heer ay maalgallin ku sameyaan Dakado, Garoomo diyaaradeed, waana hormar weyn oo uso hoyday umadda Soomaaliyeed.”
Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo soo xiray Xaflada saxiixa heshiiska Dhismaha Dekadda Hobyo, ayaa madasha ka sheegay in dhismaha Dekadda Hobyo, riyo muddo dheer ay ku taamayeen reer Galmudug ay tahay, isagoo sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.






SHIRWEYNAHA LABAAD EE MIDOWGA BANGIYADA IYO MAALIYADDA SOOMAALIYA
BANDHIG SANADEEDKA 4AAD EE GANACSATADA HAWEENKA SOOMAALIYEED
SHIRKA WADATASHIGA SIYAASADDA TAYADA QARANKA IYO DAAHFURKA ASTAANTA TAYADA




SOMBANK WAXDIISA SUUQ BACAAD AYAA SOO QABAN-QAABIYAY KUNAK
𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐭𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐌𝐢𝐢𝐬𝐚𝐚𝐧𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝟐𝟎𝟐𝟓-𝐤𝐚
MAALINTA UMAHAD CELINTA IYO ABAAL MARINTA CANSHUURA BIXIYASHA












Wasiirka Wasaaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashiid Haji Abdi, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda XFS Xildhibaan Osman Mohamed Abdi(Daallo), oo ay wehliyaan Gudiga Ganacsiga, Warshadaha, iyo Maalgashiga ee Golaha Shacabka BFS, ayaa Wasaaradda Ganacsiga ku qaabilay qaar kami ah Ganacsatadda Dhoofka iyo Soodajinta ee Gobolka Banaadir oo ay hogaaminayaan Goddomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyasha Suuqyada.
Ganacsatadaani ayaa Wasiirka Wasaaaradda Ganacsiga la wadaagay culeesyo ay kamid yahiin wacyi galin la’aanta dhanka dowlada ee canshurta 5% ah, iyo culees yada kajira kala dugnaasha ha dhanka Canshuraha Dakadaha dalka, iyo meel marinta sharciyagii 21 Agoosto 2024 kaso baxay Golaha Wasiirrada XFS. Sido kale Ganacsatadaani ayaa sheegtay in ay yahiin kuwa kadii wan gashan Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, ayna garab taagan yahiin, ayaga oo ah kuwa Canshuur iyo Deeq bixiyaal intaba iskugu jira, hadana ay Canshuurta in ay bixiyaan diyaar uyahiin.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashiid Haji Abdi, oo dhagaystay dhammaan cabashooyinka ay qabeen Ganacsataddu, ayaa wuxu balan qaaday in ay ka dawlad ahaan wax ka qaban doonaan tabasho kasto ay qabaan Ganacsatadda Gobolka Banaadir loona baahan yahay wada-shaqeyn joogto ah oo dhexmarta Ganacsatadda iyo dowladda.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
https://somalichamber.so/
Facebook:https://lnkd.in/eqWvWFUb
@somaliacci
https://lnkd.in/eNmXCiXD
https://lnkd.in/eKwPsET5
https://lnkd.in/dMdjn3Yh
https://lnkd.in/dhpBDUe9