Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan qeybaha ganacsiga dalka oo uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed mudane Maxamud Cabdikariin Ali “Gabeyre” iyo Guddomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir mudane, Axmed Cabdullahi “Shariif Caro” Guddoomiyaha Suuq Bacaad Mudane Yusuf Wehliye, ayaa ka qayb galay shirka wada-hadalka dawladda iyo ganacsiyada gaarka ah oo lagu qabtay hotel Decel ee Muqdisho.
Munaasabaddani oo aheed mid her caalmi ah ayaa waxa lagu soo bandhigay laba cilmibaaris oo looga hadlayay Iskaashatooyinka iyo Ururada ganacsiyada gaarka ah, waxana kaso qayb galay masuulinta wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha – Soomaaliya oo uu hogaminaayo Wasiirka Ganacsiga Xildhibbaan Jibril Abdirashid Haji, Wasaaradaha Ganacsiga Dowlad Goboleedyada dalka, iyo Ganacsato iskugu jirta kuwa her caalami iyo kuwa gudaha ah oo ay hogamineyso Rugta Ganacsiga.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibbaan Jibril, oo shirka furay ayaa yiri Cilmi baaristaani waxa diiradda lagu saaray horumarinta ganacsiga, kashaqeyta xaluhelidda ganacsiga xuduudaha, inkasta uu yahay mid iska yaryar, sidookale wuxuu noo fududeynaa wadahadalada aan la yeelan doono dowladaha deriska inala ah xagga horumarinta.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga mudane “Gabeyre” ayaa dhankiisa ka hadlay taarikhda ganacsiga dalka uu soo maray waxana uu yiri waqtigii dowladda dhaxe waxaa uu ganacsigu ka koobnaay oo kaliya 5 waaxood halka hadda uu kabalaaran yahay oo uu gaarayo ilaa 11 waaxood, oo waxaa ganacsi isku badalay adeegyo ay dowladdu ganacanta ku heysay, soomaaliya waxa ay kamid tahay suuqa ganacsiga xorta ah ee dunida.
by Adam Hassan Mohamud.










