Waxaa goordhaw xarunta dhaxe ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed lagu soo gaba gaba gabeeyay kulan balaaran oo ay iskugu yimaadeen qaybaha kala duwan ee Ganacsiga dalka. Kulankaani ayaa salka ku hayay canshuur kordhin lagu sameeyay qaar kamid ah alaabaha laga soo dajiyo dakadda magaaladda Mogadishu,
Rugta Ganacsiga iyo Gudi ka kooban waxaha kala duwan ee ganacsiga dalka oo loo xilsaaray xalinta arimaha canshuuraha ayaa waxa laga dhageeystay warbixino iyo ga’aankii ay kaso qadeen maxada sare oo uu ugu horeeyo Madax weyne Dr Xasan Sheikh Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha – Soomaaliya. Dhamaan ganacsatadii kulanka kaso qayb gashay ayaa muujiyay in ay ku qanacsan yahiin go’aanka Rugta Ganacsiga iyo Gudigu u soo qadeen ganacsatada.
Ugu danbeyntii maamulka sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo u hogaaminaayo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane Maxamud Cabdikariin “Gabeyre” iyo qaar kamid ah Ganacsatadii kulanka ku sugneed ayaa go aan ku gaaray fulinta go’aanadii gudigu ay isla soo gaareen madaxda qaranka.
By Adam Hassan Mohamud.