Ganacsatadda Soodajinta iyo Dhoofinta, ayaa xarunta Rugta Gancsiga kulan loga arin sanaayay sharciyadda hubinta dukumintiyadda, iyo shahaadooyinka dhoofka iyo soodajinta, kula yeeshay Hey,adda taya dhowrka Soomaaliyeed “Somali Bureau of Standards: (SoBS).
Kulanka ayaa waxaa ganacsatadda ku matalaayay Xubno katirsan Ganacsatadda Dhofka iyo Soodajinta oo ay hogaaminayaan masuliyiinta Rugta Gnacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo Rugta Gnacsiga Gobolka Banaaidir, halka Hey,adda taya dhowrka Soomaaliyeed ay ku matalayeen Gudoomiyaha Maamulka Ee Hay’adda Muqtaar Maxamed Yuusuf , Maareeyaha Hay’adda Marwo Haawo Ahmed Hassan, Mareeye ku xigeenka hay’adda Marwo Suuban Abdi Nur Gaas. Ugu danbeyti labada dhinac ayaa ku balamay kulamo dhereeri ah in ay sameeyaan.