Somali Chamber of Commerce and Industry

Rugta Ganacsiga oo ka qayb Gashay Bandhiga waxqabadka Xukuumadda Dan Qaran.

Xaflad balaaran oo lagu soo Bandhigayey wax-qabadka (2022-2025) ee Xukuumadda Dan-qaran oo kadhacday Magaaalada Muqdisho.  Ayaa waxaa kaso qayb galay madaxda ugu sareysa dalka oo ugu horeeyo Madaxweynaha qaranka Mudane Dr Xasan Shekh Maxamud, Xildhibaano, Golaha wasiiradda oo uu hogaminayo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, iyo Ganacsato ay hogaaminayan Guddonka sare ee Rugta Ganacsiga, iyo Bulshada qaybaheeda kaladuwan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Shekh Maxamud, ayaa tilmaamay guulaha muuqda ee xukuumaddu ay ka soo hooysay dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, isaga oo xusay in horumarkan uu ka tarjumayo dadaal wadajir ah oo shacabka iyo dowladda ay ku mideysan yihiin.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in guulahani ay ku yimaadeen wadajir iyo midnimo, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay Xildhibaannada Labada Aqal iyo guddoonkooda. Xukuumadda Dan Qaran waxa ay bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigtay guulaha ay xaqiijisay muddadii saddex sano ahayd ee ay dalka u shaqeynaysay, taas oo hirgelisay barnaamijyo iyo mashaariic wax-ku-ool ah, oo ay markhaati u yihiin dadka Soomaaliyeed. “Guulaha la gaaray waxaa saldhig u ah shuruucdii oo la hagaajiyey, midnimo iyo wadajir”.

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Maxamud Cabdi Cali ‘Gabeyre’ oo kamida masuuliiyinta gobta ka hadashay ayaa Bogaadiyey Waxqabadka Wanaagsan ee Xukuumadda Dan-qaran waxa una Hambalyo ku aadan Bandhigga Waxqabadkaasi Mudadda Sadaxda Sano ah ku amaanay Wasaaradaha Kala Duwan ee Xukuumadda Dan-qaran.

 

 

Chairperson of EABC Strengthens Ties with Somali Chamber of Commerce and Industry

The Somali Chamber of Commerce and Industry (SCCI) had the honor of receiving Mr. John Lual Akol, Chairperson of the East African Business Council (EABC), during his recent visit aimed at renewing and strengthening relations between the two institutions.

During the discussions, Chairperson Akol reaffirmed his commitment to fostering closer collaboration and encouraged SCCI to apply for positions on the EABC Committees, where opportunities are available for Somali representation. He expressed his willingness to work closely with the Somali business community to enhance regional integration and cooperation.

The SCCI leadership expressed gratitude for his encouragement, thoughtful feedback, and constructive proposals. Both parties pledged to work together under the Chairperson’s leadership to advance regional integration and promote greater private sector collaboration across East Africa.

The Somali Chamber of Commerce and Industry look forward to building on this renewed partnership to strengthen the role of Somali businesses within the East African region.

 

 

   

 

Somali Chamber of Commerce and Industry Unveils Ambitious Strategic Plan 2025–2029 in Mogadishu

Government Officials and Civil Society Leaders Endorse Vision for Economic Growth and Collaboration

The Somali Chamber of Commerce and Industry officially launched its Strategic Plan 2025–2029 during a high-profile event held in Mogadishu. The ceremony drew key government officials, including the Minister of Labor and Social Affairs, Mr. MP Yusuf Mohamed Adan, Deputy Minister of Commerce and Industry, Mr. Mohamud Abdullahi Ahmed (Abukaate), and the Director General of Revenue at the Ministry of Finance, Mr. Faysal Mohamed Hashi. Senior Chamber leadership, State chambers, and Civil Society Organizations were also in attendance.

The newly announced strategic plan outlines the Chamber’s commitment to enhancing business activities and sets forth clear objectives for the next five years. Presentations by Mr. Abdi Abshir Dhoore, Director General of the Chamber, and Deputy Director Mr. Abdinasir Jimale, highlighted the importance of the strategic plan and the Chamber’s vision for driving economic progress.

During his address, the President of SCCI Mr. Mahamoud Abdi Ali “Gabayre” thanked government partners and stakeholders, highlighting the essential collaboration between the chamber and federal ministries. He also expressed sincere appreciation to the International Labour Organization (ILO) for their expert support and partnership in developing the strategic plan, noting that the ILO’s guidance was instrumental in aligning the strategy with international standards. Civil society representative Ms. Duniyo Mohamed Ali welcomed the plan, describing the Chamber as a cornerstone of Somalia’s economic development and trade promotion efforts.

Mr. Feysal Mohamed Hashi, Director General of Revenue at the Ministry of Finance, commended the Chamber for its dedication to serving the community and underscored the importance of continued collaboration with the Ministry of Finance. Deputy Minister of the Ministry of Commerce and Industry, Mahmoud Abdullahi Aadan (Abuukaate) echoed these sentiments, affirming the government’s readiness to support and partake in the plan’s implementation, while acknowledging the Chamber’s crucial role in bridging the public and private sectors.

Concluding the event, Minister Yusuf Mohamed Aadan lauded the plan as a strategic guide for business development in Somalia, reiterating the significance of partnership between the Ministry of Labor and Social Affairs and the Chamber of Commerce to achieve shared economic goals.

 

SCCI Hosts Delegation from Association of Turkish Manufacturers

On July 16, SCCI welcomed a delegation from the Association of Turkish Manufacturers, led by Mr Fermanli, alongside Mr Kati from the Turkish Embassy and Mr Kevrek, a member of the Association. The delegation was received by SCCI President Mr Gabeire and Deputy Director General Prof. Xalane. Mr Gabeire warmly welcomed the guests and emphasized the importance of strengthening cooperation. Prof. Xalane presented an overview of the country’s manufacturing sector and explored areas for collaboration. Mr Fermanli expressed appreciation for the hospitality and reaffirmed the Association’s commitment to deeper ties. He also announced the opening of a new Association office in the city to support ongoing engagement.    

WAKIILO KA SOCDA URURKA WAX SOO SARKA DALKA TURKIGA OO KULAN LAQAATAY RUGTA GANACSIGA

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabayre” ayaa xarunta dhaxe ee Rugta Ganacsiga ku qaabilay, Wakiillo ka Socda Ururka wax Soosaarka dalka Turkiga, oo uu hogaaminaayo Guddoomiye ku-xigeenka Ururka mudane Fermanli, iyadoo ay weheliyaan mudane Kati oo ka socday Safaaradda Turkiga iyo mudane Kevrek, oo ka tirsan Ururka.

Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Rugta Ganacsiga ahna ku-xigeenka Prof M Xalane, ayaa soo bandhigay guudmar ku saabsan qaybaha wax-soo-saarka ee dalka iyo fursadaha iskaashi.

Guddoomiye ku-xigeenka Ururka mudane Fermanli ayaa ka mahad celiyay marti-gelinta Rugta Ganacsiga wuxuuna ballanqaaday ka Urur ahaan xoojinta xiriirka Rugta Ganacsiga. Dhanka kale waxaa uu ku dhawaaqay furitaanka xafiis cusub oo Ururka ay magaalada Muqadishu ka furan doonanan si loo taageero hawlaha socda.

Guddoomiye Rugta Ganacsiga Mudane “Gabayre” oo kulanka soo xeray ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed

somalichamberofcommerce@gmail.com,

info@somalichamber.so

https://somalichamber.so/

Facebook:https://www.facebook.com/somalichamberofcommerce/

@somaliacci

https://www.instagram.com/rugtaganacsiga/

https://www.linkedin.com/…/somali-chamber-rugta…/

https://www.youtube.com/watch?v=2QL4CbwsYaI

https://twitter.com/somaliacci

 

Kulan Wadatashi ah oo u dhaxeeyey maamulka Rugta Ganacsiga iyo ganacsatada wax kala soo dega dekada Muqdisho

Kulanka oo ka dhacay xaruunta Rugta ayaa waxa ay ganacsadata u soo gudbiyeen Maamulka Rugta caqabado ay mudooyinkaan dambe kala kulmayeen suuqyda iyo dekada.

Waxa kulanka goobjoog ka ahaayeen guddomiyaha Rugta Ganacsiga, guudomiye ku-xigeenka, guddomiyaha Rugta Ganacsiga gobolka banadir iyo guddomiyasha suuqyada. guddomiye gabeyre oo kulanka soo xiray ayaa ballan qaaday in wax laga qaban doono cabashooyinka ganacsatada, isla markaana ay si joogto ah u sii socon doonaan kulamada wadatashiga ah, si loo dhiso is-faham iyo wada shaqeyn miro dhal ah oo dhex marta maamula-yaasha shaqooyinku kala dhaxeeyaan ganacsatada gar ahaan sectarka import and export.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed

somalichamberofcommerce@gmail.com,

info@somalichamber.so

https://somalichamber.so/

Facebook:https://www.facebook.com/somalichamberofcommerce/

@somaliacci

https://www.instagram.com/rugtaganacsiga/

https://www.linkedin.com/…/somali-chamber-rugta…/

https://www.youtube.com/watch?v=2QL4CbwsYaI

https://twitter.com/somaliacci

FOUNDATION STONE LAID FOR THE MODERN MOGADISHU AIRPORT

The President of the Federal Republic of Somalia, H.E. Dr. Hassan Sheikh Mohamud, laid the foundation stone for the construction of the New Mogadishu International Airport, which is being established in the Warsheikh district of the Middle Shabelle region.

The groundbreaking ceremony was attended by members of both houses of the Somali Parliament, ministers led by the Minister of Commerce, the Governor of Banadir and Mayor of Mogadishu, H.E. Dr. Hassan Mohamed Hussein (Muungaab), the President of the Hirshabelle State, H.E. Ali Gudlawe Hussein, the Director of Civil Aviation and Transport, and business leaders headed by the Chairman of the Somali Chamber of Commerce and Industry, Mr. Mahmoud Abdi Ali “Gabayre.”

The President stated that this project is vital for the country’s development and connectivity, particularly in terms of aviation and the enhancement of economic infrastructure. He noted that the airport will be a modern facility fully serving the Somali public and international flights to and from Somalia. The President emphasized that the project, which will be implemented by a Somali company, reflects the country’s recovery and the capability of the Somali people.

The Chairman of the Somali Chamber of Commerce and Industry, Mr. Gabayre, who was among the officials speaking at the event, affirmed that Somali entrepreneurs are ready to contribute to the construction of the New Mogadishu International Airport.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed

somalichamberofcommerce@gmail.com,

info@somalichamber.so

https://somalichamber.so/

Facebook:https://www.facebook.com/somalichamberofcommerce/

@somaliacci

https://www.instagram.com/rugtaganacsiga/

https://www.linkedin.com/…/somali-chamber-rugta…/

https://www.youtube.com/watch?v=2QL4CbwsYaI

https://twitter.com/somaliacci

 

DHAGAX DHIGGA GAROONKA CASRIGA AH EE MUQDISHO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhagax-dhigay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee New Mogadishu International Airport, oo laga hirgelinayo degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe. waxaana munaasabadda dhakaxdhiga kaso qeyb galay, xildhibano ka tirsan labada aqal ee Barlamanka Soomaaliya, Wasiiro uu hogaaminayey Wasiirka Ganacsiga, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Dr Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), Madaxweynaha Dowlad Goboledka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Agaasimaha duulista iyo Gaadiidka, iyo Ganacsato uu hogaaminaayo Guddomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabayre”

Madaxweynaha ayaa sheegay in mashruucan uu muhiim u yahay horumarka iyo isku xirnaanta dalka, gaar ahaan dhanka duulista hawada iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, isagoo tilmaamay in garoonkan uu noqon doono mid casri ah oo si buuxda ugu adeegaya bulshada Soomaaliyeed iyo duulimaadyada caalamiga ah ee Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa carabka ku dhuftay in mashruucan oo ay hirgelin doonto shirkad Soomaaliyeed uu muujinayo dib u kabashada dalka iyo awoodda shacabka Soomaaliyeed.

Guddomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane “Gabayre” oo kamid ah masuuliyinta goobta ka hadashay ayaa timaamay in Ganacsatada Soomaaliyeed ay diyaar uyahiin ka qeyb qaadashada dhismaha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee New Mogadishu International Airport.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci