News
BANDHIG CILMI BAARISTKA CANSHUURAHA DALKA OO AY SOO QABAN QAABIYEEN MACHADKA THE 7 INSTITUTE
MUNAASABADDA SAXIIXA HESHIISKA ISKAASHI EE HAY’ADDA NIRA IYO MIDOWGA BANGIYADDA SOOMAALIYEED.
BANDHIGA WAX QABADKA LABADII SANO EE LASO DHAFAY EE XUKUMADDA DAN QARAN
GUDDOOMIYAHA RUGTA GANACSIGA OO LA KULMAY XUBNO KATIR XOOLALEYDA DALKA











𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐛𝐞𝐝𝐞𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐱𝐞𝐞𝐲𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo qabanqaabisay kulan wadatashi oo muhiim ah kaas oo looga hadlay Tiirka Horumarinta Dhaqaalaha ee Qorshaha Isbedelka Qaran (QIQ: 2025 – 2029). Kulankan ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka kala socday Dowladda Federaalka iyo Ganacsato ay hogaaminayaan Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed. Ujeedka kulanka ayaa ahaa in ganacsatada Soomaaliyeed ay si toos ah uga qeyb qaataan diyaarinta Qorshaha Isbedelka Qaran, gaar ahaan Tiirka Horumarinta Dhaqaalaha.
Guddomiyha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabaire” oo kamid ah masuuliyiinta kulanka kahadashay ayaa ugu horeynti soo dhaweeyay kulanka wada tashiga ee ay Wasaaradda Qorsheynta soo qaban qaabisay, asaga oo raaciyay in kulamadda wada tashiga Ganacsatada iyo Dowladda u-dhaxeeya uu mar waliba muhiim u yahay hormarka dalka, “waaxaha manta laga tashanaayo, waa kuwa malgashiga dalka ugu muhiimsan, waana kuwa dalku uu kutirsan yahay waxaa ay wax weyn kabadalayaan, shaqa abuurka, iyo dhaqaalaha dalka” Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u furay kulanka wada tashiga Qorshaha Isbedelka Qaran (QIQ: 2025 – 2029).


















