Somali Chamber of Commerce and Industry

Masuuliyiinta Rugta Ganacsiga oo kulan la yeeshay Ganacsato dalka Turkey kuwasu oo uu wehliyo madaxa hay’adda TIKA Soomaaliya mudane Ilhami Turus.

Masuuliyiinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo ay ugu horeyaan Guddomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane Maxamud Abdi Ali “Gabeyre” Gudomiye ku-xigeeka Rugta Ganacsiga Mudane Abdirahman Abdullhi Adam “Galambi” Gudomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir Mudane Ahmed Abdullahi “Shariif Carro” iyo Ganacsatada qaybaheeda kala duwn, ayaa xafiiska Rugta ku qaabilay Ganacsato kala duwan oo ka socotay dalka Turkey gar ahaan magaaladda Trabson kuwasu oo uu wehliyo madaxa hay’adda TIKA Soomaaliya mudane Ilhami Turus, ganacsatadaani ayaa ujeedkodu ahay siddii ay dalka uga samayn lahaayeen Maalgashi iyo Ganacsiyo kala duwan.

 

Guddomiyaha Rugta Mudane “Gabeyre” ayaa la wadaagay fursadaha Ganacsiga iyo kuwa Maalgashi ee guud ahaan dalka ka jira, sidokale Agaasimaha Guud ee Rugta Ganacsiga Mudane Abdi Abshir Dorre ayaa soo jeediyay warbixin ka hadleysa xariirka ganacsi ee udhaxeeya soomaaliya iyo Turkya, iyo wax isdhaaf siga labada dal,

 

Madaxa hay’adda TIKA ee Soomaaliya Mr. Ilhami Turus, ayaa ka mahad-celiyeen siddii qiimaha badnayd ee looggu soo dhaweeyey wadanka iyaga oo soo bandhigay qaybaha kala duwan ee ganacsiyada ay danaynayaan kuwaas oo muhiim u ah dhinacyada kobaca dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dalka iyo weliba xiriirka ganacsi ee labada dal.

 

Dhamaad.

 

BANDHIG CARWEEDKA SHAQADA MOGADISHO “MOGADISHU JOB FAIR”

Bandhigaani ayaa ah markiisi 4aad oo ay so qaban qaabiyay Hano Academy, waxana kaso qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshadda, oo ay ugu horeyaan dhalinyarada Jaamacaddaha soo dhameyay, Bangiyadda, Ganacsatadda yar yar, Hay’adda SOS CHILDEREN’S VIALLAGES, iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed. Bandhigaani ayaa ahaay mid diiradda lagu sarayay sidii dhalin yaradda shaqo logu abuuri lahay, loona hormarin lahay xirfaddaha shaqada.

Anisa Cusmaan Cali oo ku hadleysay magaca SOS CHILDEREN’S VIALLAGES ayaa tiri “Waan ku faraxsannahay in aan kaalin weyn ka qaadanay sanadkan qabsoomida Bandhig Carweedka Shaqada Muqdisho oo ay sanad waliba Hano Academy qabato. SOS ahaan aad bay noo farxad gilinaysaa in aan maantay idinla joogno, waxaana diyaar u nahay in aan ka qayb qaadano shaqa abuurka iyo horumarinta xirfdaha dhallinyarada”

Guddoomiye Kuxigeenka Rugta Ganacsiga Mudane Abdirahman Abdullahi Adam “Galambi” “Inan intaan oo dhallinyara ah oo waxbaratay ku waas oo diyaar u ah inay suuqa shaqada kusoo biiraan aan arko waxay I gilinaysaa in ganacsiyo badan ay abuurmi doonaan. Waxaan kula dardaarmayaa dhallinyaradeenna in ay ganacsiyada yaryar sidii ay u sameysan lahaayeen ku dadaalaan” #MJF2022 #MogadishuJobFair2022

 

  

Shirka UNECA ee dalka Itoobiya.

Agaasime ku-xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Prof Dr Ciise M Xalane oo ku sugan magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa ka qayb galay shir loogga hadlaayey Siyaasadda Iskaashiga Dawladda iyo Ganacsiyada Gaarka ah oo ay soo qabanqaabisay hay’adda UNECA, shirkaani ayaa socday muddo afar maalin ah.

 

kulankaani oo muhiimad aad ubalaaran lahay ayaa waxaa loogga hadlay ku biiritaanka Ururka Ganacsiga Aduunka oo ay Soomaaliya ka samaysay horumar aad u ballaaran.

Kulanka inta uu socday waxaa diradda lasaaaray dhammeystirka siyaasadda Wax-wada-lahaanshiyaha Dawladda iyo Ganacsiyada Gaarka ah(PPP) iyo weli ba sidoo kale Istaraatijiyadda Soomaaliya ee Aaga Ganacsiga Xorta ee Qaaradda Afrika(AfCFTA) kaas oo ahmiyad weyn u leh guud ahaan horumarka ganacsiga Soomaaliya.

 

Dhamaad.

 

 

 

 

 

 

 

BANDHIGA GANACSIGA SOOMALIYEED SANADKA 3AAD

Bandhiga Ganacsiga Soomaaliyeed Sanadkiisi 3aad ayaa si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay magaladda Mogadisho gar ahaan Elite Hotel oo uu kasocday laba maalin, Bandhig Carwedkaani Ganacsi ayaa waxaa wada jir iskaga kaashaday Somali Trade Show iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.   Bandhigaani ayaa waxaa kaso qayb galay Xildhibaano, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Abdisalam Sharif Hussein, Guddomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane Maxamud Abdi Ali “Gabeyre” Gudomiye ku-xigeeka Rugta Ganacsiga Mudane Abdirahman Abdullhi Adam “Galambi” Gudomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir Mudane Ahmed Abdullahi “Shariif Carro” iyo Ganacsatada qaybaheeda kala duwn, oo ay ugu horeeyan Bangiyada, Shirkadaha, iyo Ganasiga yar yar.   Masuuliyinta Bandhiga kaso qayb qashaya ayaa mid mid u dul istaagay dhamaan ganacsiyadii halkas lagu soobandhigay, waxana ay aad u bogaadiyeen kaso qayb galayaasha Bandhiga iyo agabab yada ay shirkaduhu soobandhigeen. Waxana Bandhiga ka hadlay Masuliyiin uu kujiro Xildhibaan Abdirahman Odaway iyo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga Mudane Abdisalam Sharif Hussein iyo masuuliyiinkale oo fara badan, Guddomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane “Gabeyre” oo kamid ah masuuliyiintii goobta kadalay ayaa bogaadiyay guud ahaan Ganacsatada kaso qayb gashay gar ahaan qaban qaabiyaasha Bandhiga Ganacsiga Soomaaliyeed Somali Trade Show iyo Rugta Ganacsiga Mudane Gabeyre ayaa yiri “Mudane Wasiira iyo Xildhibaanada waxaan idinka codsaneyanaa in Carwadii Qaranka in howl galiyo anaga diyaar ayaan unahay inaan dhismaheeda dhamestirno, meel fican ayeeyna kutaala oo waliba dhul weyn ah”. Dhamaad        

SHIRKA MAALGAHSIGA CAALAMIGA SOOMAALIYA OO GALABTA SOO XIRAY.

Madaxweyne Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa daah furay shirweynaha maalgashiga Soomaaliya, shirkaani shirkaani oo ahaay mid heer caalami ah ayaa waxaa kaso qayb galay masuuliyiin heer caalamia ah oo ay ugu horeeyaan safiiradda safaaraddaha, Mareekanka, Turkiga, Chainaha, qaarkamid ah wakiilada caalamka, afrika iyo ganacsatada qaybaheeda kala duwan oo ay hogaamineyso Rugta Ganacsiga iyo Warshaddaha Soomaaliyeed.

Shirkaani ayaa mudadii uu socday waxa diradda lagu saaray guud ahaan malgashiga dalka gaar ahaan waaxaha ubaahan in lamaal gashiga, waxana la qabtay dood cilmiyeedyo ku saabsan malgashiga soomaaliya iyo faa,idda uu dalka uleeyahay malgashiga ajaanibta.

Shirkaani oo ahaa mid kii ugu horreeyay oo nuuciisa ah ayna soo agaasintay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Xafiiska Malgashiga Caalamiga ee “Somalia Investment Promotion Office” ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxda Sare ee Qaranka Sida Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Shiekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaraaha Xukuumadda Mudane Xamze Cabdj Barre, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maamlgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene), Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr Elmi, iyo wasiiradda Beeraha, Korontada, Guddoomiyaha Bangiga dhexe, Guddiga Maalgashiga, Maalgashadayaal heer Caalami ah, iyo Guddonka sare Rugta Ganacsiga iyo Warshaddaha Soomaaliyeed.

Shirkaani shirka Maalgashiga Caalamaiga ee Soomaaliya ayaa socday Muddo laba maalin ah waxana si rasmi ah usoo xeray Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamza Cabdi Barre, asaga oo sheegay in xukuumadda uu hoggaamiyo ay ka go’antahay sameynta dib-u-habeyn sharciyada dhaqaalaha iyo amniga oo fududeynaya in Soomaaliya gudaheeda ganacsi laga sameyn karo, lana abuuri karo jawi maal-gashi oo soo jiita maal-gashadayaasha Caalamka, asaga oo intaa raaciyay in la dhisay guddiga sare ee maal-gelinta shisheeye oo ah guddiga ugu sarreeya ee sameeya siyaasadaha maal-gashiga dalka, sidoo kalana uu dalku leeyahay xafiiska dhiirri gelinta maal-gashiga shisheeye oo hoos-taga Wasaaradda Qorsheynta kaas oo loo sameeyay inuu dhiirri geliyo, soo jiito, isku dubbarido, uuna taageero buuxda siiyo maal-gelinta shisheeye ee tooska ah.

 

Dhamaad

 

 

 

 

3  

Xarunta Talo Soo-Jeedinta Soomaaliyeed oo magaaladda mogadisho ku qabatay Barnaamij ay ugu magac dareen “Abaalmarinta Geesiyaasha soomaaliyeed”

Barnaaminjkani oo ahaay midkii ugu horeyay ee nucisa lagu qabto magaalada Mogadisho ayaa waxa agaasimay Xarunta Talo Soo-Jeedinta Soomaaliyeed waxaana lagu abaalmariyay shirkadda isgaarsinta Hormuud Telecom oo gashay kaalinta 1aad waana shirkaddi ugu horeysay ee kuguleysata abaalmarinta nucaan ah.

 

Xarunta Talo Soo-Jeedinta Soomaaliyeed ayaa sheegtay inay codayn ay sameeyaan boqolkiba 80% dadweynuhu in ay codka siyeen Hormuud, kuna siyeen wax qabadka, garab istaaga bulshada iyo hormarinta ay ku talaab sadeen mudadi ay shirkadu jirtay waxa ayna naqatay shirkadda ugu saamileyda iyo shaqaalaha badan ee gudaha soomaaliya.

 

Munaasabadda oo aheed mid herkedu uu aad usareyo ayaa waxa kaso qayb galay Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Abdi Hashi Abdullahi, Ku-simaha Ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka wasaaradda Caddaaladda iyo arrimaha Dastuurka, Xasan Macallim Maxamuud. Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS Ahmed Moalim Fiqi, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Hon Mohamud Abdirahman Beenebeene, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud, Masuliyinta Rugta Ganacsiga iyo Warshaddaha Soomaaliyeed, Masuliyiinta sare ee shirkadda Hormuud Telecom, iyo Culuma’udin, Ururka midowga jaamacadaha, iyo midowga dhaqaatirta.

 

Gaba gabadii munaasabadda ayaa waxa abaalmarino lagudonsiyay shirkadda isgaarsinta Hormuud Telecom waxanaa gudonsiyay Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Abdi Hashi Abdullahi halka uu ugudomay Gudomiyaha shirkadda Hormuud Ahmed Sacuud iyo xubin sare oo katirsan shirkadda.

 

Dhamaad.

 

 

shirkii ugu horreeyay ee guddiga maal-gashiga shisheeye ay yeeshaan mudda 32 sano kadib ah oo manta magaaladda Mogadishu lagu qabtay.

 

Shirkaani oo ahay mid heerkiisu sareeyo ayaa waxaa shir gudominayay Ku-simaha Ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka wasaaradda Caddaaladda iyo arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallim Maxamuud.

 

Guddiga maal-gashiga shisheeye ayaa dhawaan la howl geliyay, halka sharciga maa-gashiga shisheeye dib loo cusboonoysiiyay sanadkii 2015. Shirka guddiga maal-gashiga shisheeye ee maanta qabsoomay ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Qorsheynta, Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka korontada, Wasiirka shaqaalaha, wasiiru dowlayaasha arrimaha dibadda iyo Agasimaha guud ee xafiska madaxwaynah, xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Bangiga dhexe iyo ku-xigeenkiisa iyo Gudomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshaddaha Soomaaliyeed.

 

Mudane Xasan Macallim ayaa munaasabadda ka sheegay in shirka guddiga maal-gashiga shisheeye uu muhiimad gaar ah leeyahay uuna yahay bilaw wanaagsan oo horumar horseedi kara maadaama uu muujiayo in Soomaaliya ay markaan diyaar u tahay inay dunida la yeelato iskaashi ganacsi, asaga oo raaciyay in maalgashaga shisheeye uu u baahanyahay soo jiidasho, shirka maanta qabsoomayna uu soo jiidashadaas qeyb ka yahay.

 

 

Xafladda xarig jarka Dekedda Garacad.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray dhismaha dekedda Garacad ee gobolka Mudug. Munaasabadaani oo aheed mid heer sare loso agasimay ayaa waxa lagu qabtay gudaha dakadda garacad waxaana kaso qayb galay, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Puntland Saciid Deni, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustaf Cagjar, Madaxweynaha konfur galbed lafta Garen, wasiiro ka socda dowladda federalka, Mas’uuliyiin ka kala socota ganacsatada qayba heeda kala duwan oo ay hogaamineyso Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, iyo xubno ka kala socota dalalka Gobolka ayaa ka qayb galay Munaasabadda furitaanka.

Dekeda Garacad ayaa waxa la dhagax dhigay sanadkii 2017dii, waxaana lagu maalgaliyay in ka badan 300 milyan oo dollar, iyadoo mashruucaan uu noqday kii ugu weynaa dalka laga hirgeliyo burburkii kadib. Dekedda Garacad ayaa sidoo kale muhiim u noqon doonto isku xirka ganacsiga Soomaaliya iyo Itoobiya, maadaama ay tahay dekedda ugu dhow ee xigta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey guud ahaan ganacsatada iyo bulshada Puntland sida ay uga dhabeeyeen himiladan isku tashiga ah, waxa uuna ku tilmaamay mid ka tarjumeysa sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu istaageen horumarka iyo wax-wada qabsiga.

“Maanta waa maalin farxadeed, waa maalin la isu bogaadiyo, Ilaahay ayaana mahadda iska leh. Horumar kasta oo la gaaro waxaa sal u ah nabadda iyo isku duubnida. Bulshada deegankan iyo guud ahaan Puntland waxay muujiyeen geesinimo, hawlkarnimo iyo sida shacabka Soomaaliyeed ay u gaari karaan guulo waaweyn haddi ay gacmaha is-qabsadaan. Guusha lagu hirgeliyey mashruucan waxaa iska leh Soomaaliya oo dhan”.

 

Dhamaad.

 

    

 

 

Bandhigga Guuleeystayaasha Soomaaliyeed

Munaasabad ay si heer sare u soo agaasintay shirkadda Hormuud telcom looguna magac daray Guulaystayaasha Soomaaliyeed oo ay kasoo qeyb galeen madaxda gobolka banaadir, rugta ganacsiga, maamulka sare ee shirkada hormuud, culamaa’udiin, haweenka, dhaliyarada iyo dhamaan macaamiisha shirkada hormuud telecom ayaa maanta lagu qabtay hoolka sahal ee magaalda Muqdisho.

 

Munaasabada oo socon doonta muddo laba maalmood ah ayaa waxaa daahfuray gudoomiyaha shirkada hormuud telecom Axmed Maxmuud Yuusuf isagoo faahfaahiyay aasaaskii shirkada hormuud iyo shirkadaha ka farcamay ee hoos yimaada. Bandhigaan ayaa inta uu socdo waxaa lagu so bandhigi doonaa dood cilmiyeedyo xiiso badan, khudbado dhaxal gal ah, waxaana goobta ka hadlay bahda waxbarasha, ganacsatada, aqoonyahano soomaliyeed.

 

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Mudane Maxamud Cabdi Cali “Gabeyre” oo ka hadlay munaasabada ayaa ku dheeraaday hormaradii ay shirkada hormuud wadanka gaarsiisay sidoo kalana sheegay in ay qayb weyn ka qaadatay dhismaha wadanka.

 

Gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka qayb ahaa martida ayaa shirkada hormuud telecom ku amaanay mudadii 20-ka sano eheeyd ee ay usoo dhabar adeegtay xaaladihii adkaa ee uu wadanka soo maray. Bandhigaan ayaa inta uu socdo waxaa lagu so bandhigi doonaa bandhig carweed ay ka qeyb qaadanayan dhamaan shirkadaha kala duwan ee hoos yimaada shirkada Hormuud telecom iyaga oo soo bandhigi doona adeegyo cusub, sameyn doona qiimo jabin, qaban doonana baqtiyaanasiiib qofkii ka qeyb gala uu fursad u heli doono inu ku guuleysto, xirmooyin internet iyo waxyaabo kale oo qaali ah sida moobiladii ugu danbeeyey ee iphone iyo Samsung.

 

 

Dhamaad

 

 

       

Somali Women Business ayaa Mogadishu ku qabtay Bandhiga Ganacsiga Haweenka.

Somali Women Business ayaa Mogadishu ku qabtay Bandhiga Ganacsiga Haweenka.

 

Bandhigaani oo ah mid laqabto sanad waliba waxaa diiradda lagu saraa dar-dargalinta, dhiiri-galinta iyo hormarinta ganacsiga haweenka soomaaliyeed, waxana kaso qayb gala hawanka dhalin yarada ah ee kujira ganacsiga qayba hiisa kala duwan, kuwaasi oo horumar ka gaaray ganacsiga dalka.

Kulankaani ayaa waxaa kaso qayb galay xubno kala duwan oo kakala socday qaybaha kala duwan ee bulshadda, oo ay ugu horeeyaan Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, iyo hey’adaha hormarinta hawenka.

 

Gudoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga mudane “Galaambi”  oo kamid ah masuuliyiinta goobta ka hadlay ayaa yiri “Gabdhaha Ganacsigooda waxan markhaati ka nahay inay uu yahay mid Guulaysto, Gabar Hanti yeelatay waa Bulsho Tanaaday”

 

Sido kale waxaa ayaduna goobta kahadashay Agaasimaha Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ” Wasaarada Haweenka waxa ay Maanka ku haysaa inay taageerto dadaalada Dumarku ay hormarinayaan howlaha Ganacsiga, wayna uga mahadcelinaysaa Kaalinta weeyn ee ay kaga jiraan Hormarka Ganacsiga dalka ka jira”

 

Ugu danbeyntii waxaa kulanka ka hadashay Gudoomiyaha Somali Women Business marwo Xirsiyo Cabdulle Siyaad “Aad baan ugu faraxsanahay in maanta si wadajir ah uga soo qayb gasheen Bandhiga Ganacsiga ee Haweenka, Somali Women Business waxay dumarka Soomaaliyeed ku dhiirigalinaysaa waliba kuwooda wax bartay inay abuurtaan oo kusoo biiraan Ganacsiga si Naftooda iyo Dalkooda u Hormariyaan”