Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha – Soomaaliya Mudane Hon. Jibril Abdirashid Haji, oo ay wehliyaan, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhbbaan Osman Mohamed Abdi (Daallo), Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyada Gobalka Banaadir mudane Ciise Maxamuud Guure, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabeyre” iyo ururka midowga Jaamacadaha dalka ayaa si rasmi ah xariga uga jaraya Suuqa Barako Hypermarket.
Munaasabadda xarig jarka oo aheed mid heer sare loso agaasimaya ayaa lagu qabtay xarunta suuqa Barako Hypermarket oo ku taalla dagmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, taasi oo ay kaso qayb galleen masuuliyiin katirsan mamulka dagmada, gancsatada qayba heeda kala duwn, culuma, udiin, iyo bahda waxbarashadda dalka.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane “Gabeyre” oo kamid ah masuuliyiinta goobta ka hadashay aya ugu horeyn soodhaweeyay Suuqa Barako Hypermarket waxana sheegay in ay farxad galineyso balan qaadkii ay caawa sameeyeen mamulka Barako Hypermarket, kaasi oo ahaay in ay furi doodanan warshaddo isla markaana ay dhiri galin doonan beeraleyda dalka “Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed wax yaalaha ay diiradda saarto waxaa kamid ah wax soo sarka dalka iyo warshadeynta, waana wax yaalaha aadka inogu muhiim san”
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Mudane Hon. Jibril, oo xafladda soo xeraya ayaa baaqa udiray ganacsatadda “Ganacsatada gaar ahaan midowga bangiyada waxaan ugu baaqaya in ay dib uso celiyaan warshadii dharka ee balcad taasi oo ah midda kaliya ee hadda kanol warshadihii dalka ee bad baaday bur burkii kadib, waxa ay ku taala dagmadda balcad waa ay shaqeysaa boqolkiiba sagaashan iyo shagaal waa ay ficantahay, kaliya dayactir ayeey ubaahan tahay” #barakohypermarket
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Twitter: @somaliacci













