DAAHFURKA XAFLADDA SHIRKADDA HATTA COMPUTERS AND DOCUMENTS SOLUTIONS.

Guddomiyha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabaire” ayaa manta ka qayb Xafladda Daahfurka shirkadda Hatta Computers- Documents Solutions, oo wakiil buuxa u ah shirkadaha qalabka Electronic ga, ee RISO, KYOCERA, Xerox, sido kalane lammaane la ah shirkadaha HP, Canon, Lenove. Munaasabaddaan oo ka dhacday teendhada xalane, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, Wasaaradda Amniga Gudaha, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Xildhibaano, Madaxda Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Wakiilo ka socday shirkada RISO, KYOCERA, Xerox, iyo HP, Canon, Lenove.

Read more

TODOBAADKA QARAN EE HORUMARINTA KALLUUMEYSIGA SOOMAALIYA.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa manta daah furay Toddobaadka Qaran ee Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliya, munaasabadaani ayaa waxaa so qaban qaabiyay Wasaaradda kalluumeysiga & dhaqaalaha buluugga ah, Soomaaliya, waxaana kaso qayb galay Xildhibaano, qaar kamid ah Wasiiradda Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre, iyo Ganacsaato ay hogaamineyso Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha XJF Soomaaliya Mudane Hamza Abdi ayaa sheegay in la joogo xilligii ay dadka Soomaaliyeed ka faa’iideysan lahaayeen Kheyraadka ceegaaga baddaheenna, waxana uu tilmaamay in Xukuumaddiisu ay qorsheynayso in sanadaha dhow 50% miisaaniyadda dalka ay ka timaaddo kalluumeysiga, taas oo haddii xoogga la saaro ka faa’iideysigeeda wax weyn ka beddelaysa dhaqaalaha dalka.
Dhanka kale Agaasimaha Guud ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Abdi Abshir Dorre, oo kamid ah masuuliyiinta goobta ka hadashay ayaa Sheegay Caqabadaha heysta Kalluumaysatada Soomaaliyeed iyo sida loogga gudbi karo Caqabadahaasi.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci

DOOD CILMIYEED LOOGA HADLAY SARA UQAADIDA IS-DHAXGALKA BULSHADDA BARIGA AFRIKA EAC.

Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa ka qayb gashay Dood Cilmiyeed looga hadlay sara uqaadida is-dhaxgalka Bulshadda Bariga Afrika EAC, iyo Ganacsiga Soomaalida. Munaasabadaani oo lagu qabtay Decale Hotel, ayaa waxaa Dood Cilmiyeed isku dhaaf-saday, qaybaha kala duwan ee Ganacsatada dalka iyo Masuuliyiinta Bulshadda Bariga Afrika EAC. Kuwaasi oo soo qayb galay, Shirweynaha Xoojinta Iskaashiga Urur Gobaleedka Dhaqaalaha Bariga Afrika EACON 2024.

 

Agaasime ku- xigeenka Rugta Ganacsiga Prof Ciise M Xalane, ayaa Masuuliyiinta Bulshadda Bariga Afrika EAC, lawadaagay warbixin ku saabsan xaladaha Ganacsiga, iyo fursadaha maalgashiga dalka kajira, “ Ganacsiga Soomaaliya waxa uu marayaa in uu ka gudbo xududaha dalalka Afrika, dadka Soomaaliduna waa dad dhaqan ahaan u leh Ganacsiga, sido kale Soomaaliya waa dhul qayraad kiisu uu wali dahsoon yahay, waxana lajooga waqtigii lamaal gashan lahay dalka Soomaaliya”

 

Ugu danbeyntii Masuuliyiinta Bulshadda Bariga Afrika EAC, iyo Ganacsatada kulanka kaso qayb gashay ayaa, ka wada hadlay is-dhaxgalka Ganacsiyad, Hormarinta iyo sida ganacsiga Soomaalidu uu ugaaril lahay, xuduudaha Bulshadda Bariga Afrika EAC. Kulanka ayaa waxaa soo xeray, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda JF-Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac.

 

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci
   

RUGTA GANACSIGA IYO EABC OO HASHIIS WADA SHAQEYN AH KU KALA SAXIIXDAY MAGAALADDA MUQDISHO.

Guddomiyha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabaire” oo ay wehliyaan, Guddomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Mudane Cabdiraxman Cabdullahi Adam “Galambe”, Guddomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir, Mudane Axmed Cabdullahi Xasan “Shariif”,” ayaa hashiis wada shaqeyneed la saxiixday Agaasimaha Gudiga Ganacsiga Bulshada Bariga (EABC). hashiis kaani oo kadhacay xarunta Rugta Ganacsiga, ayaa ah mid sara loogu qaadayo is dhax galka Ganacsiga Bulshada Bariga iyo Ganacsatada Soomaaliyeed, sido kale Rugta Ganacsiga ayaa horay ugu biirtay Rugta Ganacsiga Bulshada Bariga Afrika.

Soomaaliya ayaa Ururka Bulshada Bariga Afrika ku biirtay bishii march ee sanadkaan kana noqotay xubin buuxda. Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo shirka furay ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay dhiirri-gelinta maalgashiga iyo in dowladuhu si sharci ku wadaagaan fursadaha jira.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci
      

SHIRWEYNAHA XOOJINTA ISKAASHIGA URUR GOBALEEDKA DHAQAALAHA BARIGA AFRIKA.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa daahfuray Shirweynaha Xoojinta Iskaashiga Urur Gobaleedka Dhaqaalaha Bariga Afrika EACON 2024. Shirkaani oo ah shirkii ugu horeyay ee EAC masuuliyiin kasocda ay Muqdisho uga qayb galan. Shirkan oo socon doona muddo laba cisho ah ayaa looga hadlayaa sidii Soomaaliya ay uga faa’iideysan lahayd ku biirista Ururka Dhaqaalaha ee Bulshada Bariga Afrika.

Read more

KULAN U-DHAXEEYO GANACSATO U-DHALATAY DALKA CIRAAQ IYO KUWA SOOMAALIYA OO MUQDISHO KA QAB-SOOMAY.

Guddomiyha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabaire” oo ay wehliyaan, Guddomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Mudane Cabdiraxman Cabdullahi Adam “Galambe” Guddomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir, Mudane Axmed Cabdullahi Xasan “Shariif”, iyo qaar kamid ah waxaha Ganasiga dalka, sida waaxda Shidaalka, kaluumeysiga, Beeraha, iyo Dhoofka Xoolaha iyo Hilibka, ayaa kulan la qaatay Ganacsato udhalatay dalka Ciraaq oo uu hogaaminayay, Safiirka Soomaaliya u fadhiyo Dalka Ciraaq Danjir Ridwan, iyo Shekh Abdi Haadi oo ah xubin katirsan barlamaanka dalkaasi.
Agaasime ku xigeenka Rugta Ganacsiga Mudane Abdinasir Jimcale ayaa ugu horeyntii warbixin ku sabsan malgashiga iyo wax soosarka dalka ujeediyay, Ganacsatada dalka Ciraaq.
Safiirka Soomaaliya u fadhiyo Dalka Ciraaq Danjir Ridwan, oo kulanka soo xeray ayaa sheegay in uu kashaqeyn doono isku xerka.
ganacsatada, iyo sidi dib loogu soo celin lahay, xariirka Ganacsiga labada dal.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci
 

DHAGAX DHIGGA DHISMAHA MALL KA XARUNTA BACADLAHA DAGMADA XAMAR-WEYNE.

Masuliyiin katirsan Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, oo uu hogaminaayo, Guddomiyha Rugta Ganacsiga Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabaire”, ayaa ka qayb galay dhagax dhiga dhismaha Mallka Bacadlaha Xamar-weyne, kaasi oo uu dhagax dhigay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).
Mall kaani ayaa lodhisi doona qaab Casri ah, kaasi oo ka koobnaan doonna illaa 500 dukaamo, goobo nasasho, Xafiisyo, Xaromo Bankiyo iyo goobo caruurta lagu madadaaliyo. Waxaana dhismahiisa shirko ku ah Shirkadda SBB iyo Gobolka Banaadir.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci
 

MUNAASABADDA XARIG-JARKA KEYDKA GAASKA EE BANAADIR GAS.

Ganacsato uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabaire”, ayaa ka qeyb-galay Munaasabad uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud xariga uga jaraayay xarunta Keydka Gaaska ee Banaadir (Banadir Gas Terminal LTD). Munaasabaddaani oo aheed mid herkeedu sareeyo ayaa waxaa kaso qayb galay Xildhibaano, Wasiiro, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, iyo qaybaha kala duwan ee Ganacsatada dalka.

Guddoomiyaha Shirkadda SFC Mudane Ismaaciil Abdullahi Siyaad “Gooni” ayaa ugu horeyntii ka hadlay heerarka ay Shirkaddu soo martay, iyo sida lagu bilaabay Banaadir Gas (Banadir Gas Terminal LTD), “waxaa maal-gashaday Ganacsato Soomaaliyeed oo iska kaashaday”

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, oo munaasabadda ka hadlay ayaa ugu horeyntii ka mahad celiyay iskaashiga Ganacatada Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in la joogo waqtigii ay Ganacsatadu iska kaashan laheed, maal-gashiga Hormarinta Warshadaha dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ku amaanay doorka maalgelinta kaabayaasha kala gedisan ee dalka, waxa uuna xusay in ay ka go’an tahay dhiiragelinta Ganacsatada si ay u maalgishtaan dalkooda.

Ugu danbeyntii Madaxweymaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabadda soo xeray, ayaa Ganacsatada ku dhiiri galiyay in ay maalgashadaan Kaabayaasha dhaqaalaha dalka, waxaaana uu yiri “waxaan rajeynayaa in dhowaan Gaaska dalka dibadaiisa nooga yimaada uu dalkeenna nooga soo baxidoono.”.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci

SHIRKA ISKU-IMAATANKA MAALGASHIGA QURBA JOOGTA SOOMAALIYEED.

Shirka Isku-imaatinka Maalgashiga Qurba-joogta Soomaaliyeed ayaa ka furmay maanta magaalada Muqdisho,shirkan ayaa waxa looga hadlay doorka qurbejoogta Soomaaliyeed ee maalgashiga dalka. Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda waaxda Jaaliyaddaha Qurbejoogta ayaa waxa ka qayb galay Madax iskugu jira Xildhibaano, Wasiiro, xubno kala duwan oo ka kala socday Haya’addaha Dowladda, iyo Ganacsato ay hogaamineyso Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

 

Guddomiyha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabaire”, oo kahadlay Shirka Isku-imaatinka Maalgeshiga Qurba-joogta Soomaaliyeed, ayaa ugu horeyntii so dhaweyay shirka waxana uu yiri “Qurbajoogta Soomaaliyeed waxaan leenahay dhallinyarada dalka kusoo celiya”

 

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi oo shirka furay ayaa sheegay in qurbejoogtu kaalin xooggan ka geysteen maalgashiga Dalka,koboca nolosha Bushada iyo difaaca dalkaba ay kaali weyn ka geysteen