RA’ISUL WASAARE XAMSA OO GANACSATADA SOOMAALIYEED KALA HADLAY JIHEYNTA DOWLADNIMADA CASRIGA AH,

Ra’iisul Wasaaraha XJF Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan looga hadlayay jiheynta dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya layeeshay ganacsatada dalka iyo doorka ay ku leeyahiin hormarinta dowladnimada soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliye Rugta Ganacsiga iyo guud ahaan ganacsatada Soomaaliyeed sida ay wadanka u soo badbaadiyeen iyo doorka ay ku lahaayeen dib u soo celinta Dowladnimada Soomaaliya sidoo kale waxaa uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay in hey’adaha Dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ay isla -jaanqaadaan, si wadajir loogu xaqiijiyo hiigsiga fog ee horumarka dalka.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa lawadaagay madaxda Rugta Ganacsiga iyo milkiilayaasha ganacsiyada gaarka loo leeyahay, baahida loo qabo in la sameeyo isbeddel dhan walbo ah, si isbeddelkaas looga mirro dhaliyana ay lagama maarmaan tahay in la helo ka go’naansho bulsho. Ugu danbeyntii Ra,isul Wasaaraha ayaa ganacsatada kula dardaarmay in ay kaalintooda ka qaataan amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada ee u baahan in wadajir wax looga qabto.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed

Adam Hassan Mohamud

somalichamberofcommerce@gmail.com,

info@somalichamber.so

https://somalichamber.so/

Facebook:https://www.facebook.com/somalichamberofcommerce/

@somaliacci

https://www.instagram.com/rugtaganacsiga/

https://www.linkedin.com/…/somali-chamber-rugta…/

   

SHIRKA HABRAACA DIIWAANGALINTA IYO RUQSAD SIINTA GANACSIGA.

Agaasimka waxda ganacsiga Gobolka Banaadir ayaa soo qaban qaabiyay shirka habraaca diiwaangalinta iyo ruqsad siinta ganacsiga, waxaana kaso qayb galay ganacsatada qaybaheeda kala duwan oo ay hormkacayaan agaasimka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

Agaasimka waxda ganacsiga Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in ay soo dabaceen Buuga hagaha Ganacsiga, kaasi oo ay kuso koobeen dhamaan baahiyaha ganacsiga, ayaga oo raaciyay in lageeyndoono dhamaan dagmooyinka Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa lagu falan qeeyay qodobo dhowr ah, kuwaasi oo su,aal ahaan logu bandhigay xubnahi kala duwanaay ee shirka kaso qayb galay. Professor Ciise M Xalane, Ku Xigeenka Agaasimaha Guud iyo Madaxa Xiriirka Caalamiga ee Rugta Ganacsiga ayaa yiri maahin in ganacsatada laga eego dhanka ganaaxa iyo shati kala naqashada, balse waa in laga dhax tusaa fa,idada uu uleeyahay ganasigooda. Waana in laga fogaado wax waliba oo dheereen kara qaadashada shatiga Gobolka Banaadir, hadii ay ahaan laheed dhanka maaliyadda, iyo wax yaabaha la iska rabo, waana in ganacsatada yar yar loo geeyaa dagmoyinka iyo meelo ay dag dag uga helikaraan.

Gudoomiye ku xigeenka Maamulka & Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa soo xiray shir, waxana uu sheegay in ay ka Gobol ahaan wax kaqaban doonan dhibaatoyinka ganacsatada yar yar, ayna ka shaqeyn doonan hormarka ganacsiga haweenkana.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci
 

SHIR WAYNAHA AQOONSIGA QARANKA

Waxaa magaaladda Mogadishu laga daah furay qaadashada Kaarka Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha, oo lagu beegay maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga Dadweynaha16 Sebtembar. Munaasabaddani oo aheed mid her caalami ah ayaa waxaa daah furay Ra’iisul Wasaaraha XJF Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre. Kaarkaani ayaa hadii uu howl galo waxa uu fa,ido weyn uyahay dhamaan shacabka soomaaliyeed.

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo ka hadlayey munaasabadda daah-furka barnaamijka diiwangelinta iyo Aqoonsiga dadweynaha, ayaa hoosta ka xariiqay in hannaankani uu ka tarjumayo dowladnimada casriga ah ee dalkeenna ka hana-qaaday, isagoo u mahadceliyey Dowladda Pakistan oo gacan weyn ka geysatay iyo hey’adaha kala ah Bangiga Adduunka iyo UNDP.

Shir waynaha Aqoonsiga Qaranka oo socday muddo laba maalin ah ayaa waxaa manta so xeray Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), waxaana uu Shacabka Soomaaliyeed u sheegay in aqoonsiga qaran uu xal u yahay caqabado badan oo haysta bulshada dhexdeeda, kuwaasi oo ay ka mid yihiin, xaqiijinta iyo damaanad qaadka amniga, bixinta adeegyada, shirkadaha, arrimaha doorashooyinka dalka, maalgashiga, iyo  muwaadiniinta Soomaaliyeed si damaanad leh ay adduunka ugu safri karaan.

 

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com, info@somalichamber.so
@somaliacci

BANDHIGGA FILIMKA DIB U CURASHADA QARANIMADA SOOMAALIYA EE CARTA 2000

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa soo bandhigtay filim Docomentry ah oo ay sheegtay in ay diyaarinayeen muddo todoba sana ah, kaasi oo looga hadlayay marxaladihii kaala duwanaay ee shirkii carta, waxaana logu magac daray Bandhigga Filim-ka dib u curashada Qaranimada Soomaaliya ee 2000 Carta.

Bandhigga Filim-ka ayaa waxaa kaso qayb galay, Xildhibaano uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Wasiiro uu hogaaminaayo Ra’iisul Wasaare dalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, wafdi ka socda dalka Djibouti oo uu hogaaminaayo Wasiirka Awqafta iyo Arimaha Diinta iyo Safiirka dalka Djibouti u fadhiya Soomaaliya. Sidoo kale waxaa kalso qayb galay Ganacsato ay hogaamineyso Rugta Ganacsiga, iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan ee dalka.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
somalichamberofcommerce@gmail.com, info@somalichamber.so
@somaliacci
 

GANACSATADA DHOOFKA IYO SOODAJINTA OO KULAN KU YEESHAY XAFIISKA RUGTA GANACSIGE EE DAKADDA MUQADISHO.

Masuuliyiinta Dhoofka iyo Soodajinta dalka oo cabasho ka ah shirkadaha leenariska ayaa xafiiska dakadda Muqadishu ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, kula shir maamulka dakadda, oo u hogaaminayaan, Wasiirka Wasaaradda Dakadaha, Mareeyaha Dakadda, iyo Madaxa Canshuuraka Dakadda Moqadisho, iyo madaxada Rugta Ganacsiga Rugta Ganacsiga.

Ganacsatadda ayaa lawadaagay madaxada, guud ahaan dhibaatooyinka ka heesta dakadda, oo ay kamid yahiin shirkadaha leenareska, ayna tahay in wax laga qabto. Ugu danbeynti Wasiirka Wasaaradda Dakadaha, Madaxa Canshuuraha dakadda iyo Madaxda Rugta Ganacsiga ayaa sheegay in ay wadajir wax uga qaban doonan hadane ay ku howlayahiin.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
somalichamberofcommerce@gmail.com, info@somalichamber.so

SHIRKADAHA DHOOFKA IYO SOODAJINTA OO CABASHO KA MUUJIYAY SHIRKADAHA LEENARISKA AYAA SHIR KU YEESHAY XARUNTA RUGTA GANACSIGA.

Qeyba kamid ah Masuuliyiinta Dhoofka iyo Soodajinta Dalka oo cabasho ka ah shirkadaha leenarska ayaa manta kulankoodi labaad iskugu imaaday xarunta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, waxana ay kulan mira dhal ah la qaateen masuuliyinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Rugta Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabayre”.

Masuuliyiinta Rugta Ganacsiga ayaa dhageystay dhamaan dhibaatooyinka ay ganacatadu kacabanayaan waxana ay ugu danbeynti kaso sareen warsaxaafadeed ay udireen shirkadaha leenareska iyo cidwaliba oo dhibato ku ah howl laha ganacsatada dalka.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
somalichamberofcommerce@gmail.com, info@somalichamber.so

Rugta Gnacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa ka qayb gashay kulanka madaxda Rugaha Ganacsiga Islamka kulankoodi 35th kaasi oo lagu qabtay dalka Azerbaijan, kulanka ayaa ahaay mid socday laba maalin oo kala ah 17-18 July 2023. Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saarayay wada shaqeynta wadamadda Islamka, Ganacsiga, Hormarka Technologiyadda, Insuranciga, hormarinta Bangiyadda, iyo fursadaha malgashiga wadanadda islaamka.

 

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Mr. Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com, info@somalichamber.so
Twitter: @somaliacci

XARUNTA RUGTA GNACSIGA IYO WARSHADAHA SOOMAALIYEED OO LAGU QABTAY KULAN WADA TASHI

Ganacsatadda Soodajinta iyo Dhoofinta, ayaa xarunta Rugta Gancsiga kulan loga arin sanaayay sharciyadda hubinta dukumintiyadda, iyo shahaadooyinka dhoofka iyo soodajinta, kula yeeshay Hey,adda taya dhowrka Soomaaliyeed “Somali Bureau of Standards: (SoBS).

Kulanka ayaa waxaa ganacsatadda ku matalaayay Xubno katirsan Ganacsatadda Dhofka iyo Soodajinta oo ay hogaaminayaan masuliyiinta Rugta Gnacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo Rugta Gnacsiga Gobolka Banaaidir, halka Hey,adda taya dhowrka Soomaaliyeed ay ku matalayeen Gudoomiyaha Maamulka Ee Hay’adda Muqtaar Maxamed Yuusuf , Maareeyaha Hay’adda Marwo Haawo Ahmed Hassan, Mareeye ku xigeenka hay’adda Marwo Suuban Abdi Nur Gaas. Ugu danbeyti labada dhinac ayaa ku balamay kulamo dhereeri ah in ay sameeyaan.

 

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Mr. Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com, info@somalichamber.so
Twitter: @somaliacci

 

 

 

XAFLADDA DAAHFURKA IYO DHAQAN GALINTA HUBINTA WAAFAQSANAANTA SHIXNADDA KAHOR INTA AYSAN DALKA SOO GALIN.

Hey,adda taya dhowrka Soomaaliyeed “Somali Bureau of Standards: (SoBS) ayaa magaladda Mogadishu ku qabatay xaflad lagu daah furayay laguna dhaqan galinaayay waafaqsanaanta shixnadda kahor Inta aysan dalka Soo galin, manaasabaddani oo aheed mid her keedu sareeyo ayaa waxa kaso qayb galay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Xildhibaan Osman Mohamed Abdi “Daallo”, Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dr. Mohamed Sh. Doodishe, xubno kasoday Hay,adda “Conformity Based Conformity Assessment” CBCA, Ganacsato ay hogaaminayaan mamulka sare ee Rugta Gancsiga, iyo Bulshadda Rayidka.

Guddomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamud Cabdi Cali “Gabeyre” oo kamid ah masuuliyiinta goobta ka hadashay ayaa ugu horeynti soo dhaweyay Hay,adda Tayadhowrka Soomaaliyeed, “Ganacsatada Soomaaliyeed waa laba qaybood oo kala ah kuwa wax dhoofiya iyo kuwa soodajiya, marka aad fiirasana waxa hay,addani baahi weyn u qaba kuwa wax dhoofiya, ka Rug Ganacsi ahaan dhowr jeer ayaan Wasaaradda Ganacsiga kala fadhisanay, aad ayaana uraadi jirnay in lahelo hey,ada kuwaalati kontarolka oo dalkaan shahaado ka bixisa si ganasigeenu ugaaro aduunka. Sharciyadda Rugta waxaa kamid ah dhiri galinta wax soo sarka dalka iyo warshadeyntiisa.”

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xildhibbaan Jibril oo halkaas ka hadlay, ayaa tilmaamay in arrintani ay tahay guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed isla-mar-ahaantaana ujeedkeedu yahay in badeecadaha dalka soo galaya ay waafaqaan halbeegyada tayodhowrka ee dalka, kuwa gobalka iyo kuwa caalamiga ah, waxaana uu carabka ku dhuftay in ka Wasaarad ahaan ay ka go’an tahay horumarinta ganacsi xalaal ah, ilaalinta caafimaadka dadka iyo deegaanka.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Mr. Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com, info@somalichamber.so
Twitter: @somaliacci
 

GUDDOOMIYAHA RUGTA GANACSIGA IYO WARSHADAHA SOOMAALIYEED OO SAFAR SHAQO KU TAGAY BELGRADE,

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabayre” oo uu wehliyo Ismaaciil Cabdullahi Siyaad “Gooni” ayaa safar shaqo ku tagay Belgrade, ka dib markii ay casuumaadda rasmi ah ka heleen Dowladda Serbia. Mudane “Gabayre” iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa lakulmay  Madaxa Rugta Ganacsiga Serbia iyo qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga ee dalka Serbiya kuwaas oo ay kamid yihiin Shirkadaha kala ah, Shirkadda weyn ee ganacsiga Beeraha, kaluumeysiga ee ITN Group LTD, Shirkadda YUMIS NIS, Shirkadda Tiknoolajiyadda ee Vlatacom, Shirkadda Thorn ZUMTOBREL Lighting ee ileyska iyo Qalabka Korantadda iyo Soolarka ee Barigga Yurub. Shirkadaha uu la kulmay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ayaa ah shirkadaha Ganacsi ee ugu waawey dalalka Barigga Yurub.

Sidoo Gudoomiye “Gabeyre” ayaa la kulmay dhigiisa Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Serbia, iyo Ku-xigeenkiisa Mudane Marko Čadež iyo Milovan Kocić. Rugaha Ganacsiga labada  dal Somalia iyo Serbia ayaa wada rajeynaya in ka wada Faa’iideystaan xeebta dheer ee Soomaaliya oo Barigga Africa oo dhan u noqon karta marin Ganacsi iyo Serbia oo ah dalka wax soo saar fiican leh weliba dhinac Macdanta, Beeraha Tiknoolajiyadda iyo Warshadaha. Labadda dhinac ayaa ka wada hadlay sidii la isaga kaashaan lahaa Horumarinta Ganacsiga Soomaaliya iyo Serbia sidoo kale Ganacsiga gobolka Geeska Afrika iyo marin-biyood badda Cas.

Ugu Dambayn labadda Rug Ganacsi ayaa u mahad celinayay Safaaradda Soomaaliya ee Belgrade Danjiraha iyo Hawl-wadeenada Safaraadda kaalinta isku xirka ee xiriir u samaynta Ganacsatada labadda Dal Soomaaliya iyo Seerbiya. 🇸🇴🤝🇷🇸

 

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Mr. Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com, info@somalichamber.so
Twitter: @somaliacci