Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa ka qayb gashay Dood Cilmiyeed looga hadlay sara uqaadida is-dhaxgalka Bulshadda Bariga Afrika EAC, iyo Ganacsiga Soomaalida. Munaasabadaani oo lagu qabtay Decale Hotel, ayaa waxaa Dood Cilmiyeed isku dhaaf-saday, qaybaha kala duwan ee Ganacsatada dalka iyo Masuuliyiinta Bulshadda Bariga Afrika EAC. Kuwaasi oo soo qayb galay, Shirweynaha Xoojinta Iskaashiga Urur Gobaleedka Dhaqaalaha Bariga Afrika EACON 2024.
Agaasime ku- xigeenka Rugta Ganacsiga Prof Ciise M Xalane, ayaa Masuuliyiinta Bulshadda Bariga Afrika EAC, lawadaagay warbixin ku saabsan xaladaha Ganacsiga, iyo fursadaha maalgashiga dalka kajira, “ Ganacsiga Soomaaliya waxa uu marayaa in uu ka gudbo xududaha dalalka Afrika, dadka Soomaaliduna waa dad dhaqan ahaan u leh Ganacsiga, sido kale Soomaaliya waa dhul qayraad kiisu uu wali dahsoon yahay, waxana lajooga waqtigii lamaal gashan lahay dalka Soomaaliya”
Ugu danbeyntii Masuuliyiinta Bulshadda Bariga Afrika EAC, iyo Ganacsatada kulanka kaso qayb gashay ayaa, ka wada hadlay is-dhaxgalka Ganacsiyad, Hormarinta iyo sida ganacsiga Soomaalidu uu ugaaril lahay, xuduudaha Bulshadda Bariga Afrika EAC. Kulanka ayaa waxaa soo xeray, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda JF-Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac.



















