MUNAASABADA WAREEJINTA TAAKULADA SOOMAALIYA EE TURKIGA

Qaar kamid ah gudonka sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane Maxamuud Cabdi Cali”Gabeyre” ayaa ka qayb galay munaasabada Wareejinta taakulada Soomaaliya ee Turkiga.

Munaasabaddaani oo aheed mid heer qaran ah, taakulo iyo garab istaagne loogu mujinayay walalaha dalka Turkiga oo dhamaan uu ka dhacay dhulgariir aad u xoogan ayna naf iyo hantiba kuwaayeen dada aad ufarabadan, ayaa waxaa kaso qayb galay Guddomiyaha Barlamaanka dalka ahna kusimaha Madaxweynaha mudane Sh Aadan Madoobe, Ra’isul wasaare Xamze Cabdi Barre, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta ahna Gudoomiyaha gudiga, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Safiirka Turkiga, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaaladda Mogadishu mudane Yusuf Madaale, Ganacsatada qaybaheeda kala duwan oo ay hogaminayan mamulka Rugta Ganacsiga, Gudoomiyaha Bulshadda Rayiidka Mudane Shatax, Culuma,udiin uu hogaminaayo shekh Bashir Axmed Salad, iyo Ururadda Haweenka.

Munaasabadda ayaa waxaa safiirka Turkiga lagu gudon siiyay calag gaareysa $5,000,000 (Shan Malyan oo dollar) oo u dhiganta 94,100,000TL taasi oo lagu garab istaagayo dadkii dhulgariirku dhibaateyay. Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane “Gabeyre” oo kamida masuuliyinta goobta kahadashay ayaa yiri “Maanta waxaan si hordhac ah u wareejinaynaa taakulo aan uga qeyb qaadaneyno gurmadka walaalaheen reer Turki, waana sii wadi doonaa, dalkeenana waa na sugayaa dalalka dibaddana inaan la tillaabo qaadno waa muhiim”

W/Q Adam Hassan Mohamud Agasimaha Waxda Warbahinta Rugta Ganacsiga.

BANDHIGA SUUQ WEYNAHA MOQADISHU SANADKIISI 4AAD

Guddomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabeyre” oo ay wehliyaan Guddomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir iyo Gudoomiyaasha Suuqyada Bakaaraha iyo suuq Bacaad ayaa ka qayb galay Bandhiga Suuq Weynaha Muqdisho oo sanadkii 4-aad maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.

Furitaanka Bandhigaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasiir Kuxigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha, Mamulka Rugta Ganacsiga iyo Marti sharaf kale.

 

Guddomiyaha Rugta Ganacsiga mudane “Gabeyre” oo kamid ah masuuliyiinti goobta ka hadlay ayaa ugu horeyntii bogaadiyay Bandhiga Suuq Weynaha Muqdisho oo sanadkii 4-aad qabsamay asaga oo ugu baaqay in ay siiwadaan howsha ay bulshadda uhaayaan Masuuliyinta Suuq Weynaha Muqdisho, ka Rugta Ganacsiga ahaane in ay garab taagan yahiin horayne ay garabtagnaayeen. Dhanka kale Guddomiyaha ayaa masuuliyiinta Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Ganacsiga ka codsaday in lahelo carwadii qaranka soomaaliyeed taasi oo ah goob logu tala galay Bandhig carwedyada.

 

Dhamaad.

 

 

  

Maamulka sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa u hambalyeey iyo bogaadin udiray guddonka cusub ee Rugta Ganacsiga Dawlad Gobaleedka GALMUDUG

Maamulka sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa u hambalyeey iyo bogaadin udiray guddonka cusub ee Rugta Ganacsiga Dawlad Gobaleedka GALMUDUG oo 22 bisha lagu doortay guddomiye Dr Nuur Cali Xasan iyo xubnaha guddonka.

 

Xarunta dhaxe ee Rugta Ganacsiga Dowlad Gobaleedka GALMUDUG ayaa manta lagu qabtay doorashadda guddomiyaha iyo tan xubnaha sare, taasi oo ay ka qayb galeen ergo ka socotay ganacsatada qaybaheeda kala duwan ee ka jira Galmudug oo tirada ay gareyso 34 xubnood, waxaa xilkaas isusoo taagay laba musharax oo kal ah:

1-Mustaf Cali Guutaale iyo 2-Nuur Cali Xasan.

 

Doorashada oo u dhaceysay qaab Gacantaag ah ayaa waxaa wareeggii koobaadba ay kala heleen 1- Musaf Cali Guutaale  ayaa helay codad gaarayaa 4,  halka Nuur Cali Xasan oo Helay 30 cod. Sidaa darteed waxaa xilka gudoomiyenimo ee Afarta sano ee Soosocota ku guuleystay Mudane Nuur Cali Xasan.

 

Gudoomiye Nuur Cali Xasan ayaa isla Goobta kaga dhawaaqay shan xubnood oo kamid noqon doona hoggaanka Sare ee Rugta Ganacsiga Dowlad gobaleedka Galmudug, waxaa uu waydiistay ergada in qaab gacantaaga ay ugu coderyaan iyadoo Ergadu qaab gacan taag ah cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen Shan xubnood oo kala ah

 

1-Mohamed Abdi mohamed

2-Abdirahman Omar Siyad

3- Mustaf Ali Gutale

4- Abdigargaar Ahmed Hashi

5-Alisicid Mohiyadin Sheikh Ali

 

 

 

Munaasabad xariga looga jarayay dhismaha cusub ee GRAND oo Premier Bank uu ka hergaliyay Magaaladda Mogadishu

Guddomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabeire” oo ay wehliyaan Gudomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir Mudane Ahmed Abdullahi “Shariif Carro” iyo qaar kamid ah Ganacsatada qaybaheeda dalka ayaa ka qayb galay munaasabad xariga looga jarayay dhismaha cusub ee GRAND oo Premier Bank uu ka hergaliyay Magaaladda Mogadishu, gar ahaan xafadda Hodan.
Munaasabaddani oo aheed mid heer sare looso agaasimay ayaa waxa kaso qayb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaal), Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha – Soomaaliya Hon Osman Mohamed Abdi, Xildhibaano uu kamid yahay Xil Abdiraham Odaway, Xil Abdirahman Abdishakur iyo Ganacsato ay Rugta Ganacsiga hogaamineyso.
Guddomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane “Gabeire” Ayaa umahad celiyay shirkaddaha iskashaday oo ay ugu horeyso future properties, Istanbul Mogadishu Constriction, Sunrise Apartment iyo shirkadaha fulisay adeega ee Premier Bank, “marka uu gurigu istaago waxa uu naqan doona mid wax soosaara naftirkiisa in lakala gadto oo kaliya maahin meesha shaqa abuurku ka bilaban doona waa halkaas, hadeynaqato Nadaafad, Hadeynaqato waardiyo, iyo Dukaamo, waxaas oo dhan waxa ay keenayaan shaqo abuur 80 guri waayay marka ay ugu yartahay waxa ku Nolan doono 500 oo qof, marka halkaas shaqo abuur badan ayaa halkas kabilaaban doonto. Ganacsatadda Soomaaliyeed waxa ay hadda udiyaar garobeysa Warshadeynti dalka meesha shaqo abuurka saxda ahi uu ka imaan donana waa halkaas”
Dhamaad.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO BILLAD QARAN GUDDOONSIIYAY DHIGGIISA DALKA DJABUUTI.

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ayaa kulan casho sharaf ah usameeyay madaxweynaha dalka DJabuuti, waxana kaso qayb galay madax kala duwan oo iskugu jira her qaran iyo heer dowlad gobaleed, iyo ganacsato uu hogaaminaayo Guddomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabeire”
Guddomiye “Gabeyre” oo ku hadlaayey magaca ganacsatada Soomaaliyeed ayaa aad ugu mahadceliyey madaxweyne Ismail Omar Gele iyo dhamaan shacabka reer DJabuuti sida wacan oo hagar la aanta ah ay u soo dhaweeyeen Ganacsatada soomaaliyeed iyo waliba in halkaas ay ku leeyahiin xaruumo ganacsi oo aad u waaweyne iyo uruur ay ku mideesan yahiin ganacsatada Somali Business Investment Council (SBIC) oo guddomiye ka yahay Sh Ahmed Nor Ali Jimale iyo ku xigeenadisa Abdirashid Haybe Dubad iyo Mohamed Warsame Jamac, halkaasi oo ay ganacsatadu ku dareemaan in dalkooda labaad ay joogaan
Sidoo kale guddomiyaha ayaa u hambalyeey xildhibaan Sadak Cumar iyo Marwadiisa Heybado Ismail Cumar Gelle reerka cusub ay dhiseyn kuna tilmaamay in uu yahay buundadii ay iskaga gudbi lahaayeen labada dal.
Dhamaad.

SHIR WEYNAHA HAWEENKA GANACSATADA SOOMAALIYEED.

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamud Cabdi Cali (Gabeyre) oo ay wehliyaan qaarkamid ah Ganacsatadda dalka ayaa ka qayb galay Shir Weynaha Haweenka Ganacsatada Soomaaliyeed, oo ay soo qaban qabiyeen SOMALI WOMAN IN BUSINESS. SWIB FORUM. Kulankaani oo ahaay mid heer sare looso agaasimay ayaa waxaa ka qayb galay xubno kasocday xildhibaanadda labada aqal, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr Cilmi Maxamed Nuur, Haween kala duwan, Ganacsato iyo maamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

 

Wasiirka Maaliyadda Jamhuuriyadda Federaal Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamed Nuur oo kasoo qeyb galay Shir Weynahah Haweenka Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa yiri, “Waa ii farxad inaa kasoo qayb galo Shir weynahan. Haweenka Soomaalida waxaa loo aqoonsan yahay inay yihiin dadka ugu adkeysiga badan, waxayna laf dhabar u ahaayeen jiritaanka dhaqankeena, waxayna muujiyeen sida ay u ilaaliyeen bulshadeena iyo qoysaskeenna. Waxaana ku bogaadinayaa habaleheen in ay kordhiyan barashada xirfadaha gacanta.”

 

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane (Gabeyre) ayaa xusay sida haweenka ay uga wanagsan yihiin ragga marka loo eego horumarinta dhaqaalaha, isla markaana ay mansabyo sare ka hayaan ganacsiga dalka “Rugta Ganacsiga waxay si dhow ula shaqaynaysaa hay’adda UNIDA si kor loogu qaado tayada haweenka ganacsiga kujira, Rugta Ganacsiga mar waliba waxa ay diyaar u ahay in ay haweenka Soomaaliyeed ka taageero ganacsigooda dhinac walba oo nolosha ah.”

DHAMAAD.

 

 

Masuuliyiinta Rugta Ganacsiga oo kulan la yeeshay Ganacsato dalka Turkey kuwasu oo uu wehliyo madaxa hay’adda TIKA Soomaaliya mudane Ilhami Turus.

Masuuliyiinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo ay ugu horeyaan Guddomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane Maxamud Abdi Ali “Gabeyre” Gudomiye ku-xigeeka Rugta Ganacsiga Mudane Abdirahman Abdullhi Adam “Galambi” Gudomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir Mudane Ahmed Abdullahi “Shariif Carro” iyo Ganacsatada qaybaheeda kala duwn, ayaa xafiiska Rugta ku qaabilay Ganacsato kala duwan oo ka socotay dalka Turkey gar ahaan magaaladda Trabson kuwasu oo uu wehliyo madaxa hay’adda TIKA Soomaaliya mudane Ilhami Turus, ganacsatadaani ayaa ujeedkodu ahay siddii ay dalka uga samayn lahaayeen Maalgashi iyo Ganacsiyo kala duwan.

 

Guddomiyaha Rugta Mudane “Gabeyre” ayaa la wadaagay fursadaha Ganacsiga iyo kuwa Maalgashi ee guud ahaan dalka ka jira, sidokale Agaasimaha Guud ee Rugta Ganacsiga Mudane Abdi Abshir Dorre ayaa soo jeediyay warbixin ka hadleysa xariirka ganacsi ee udhaxeeya soomaaliya iyo Turkya, iyo wax isdhaaf siga labada dal,

 

Madaxa hay’adda TIKA ee Soomaaliya Mr. Ilhami Turus, ayaa ka mahad-celiyeen siddii qiimaha badnayd ee looggu soo dhaweeyey wadanka iyaga oo soo bandhigay qaybaha kala duwan ee ganacsiyada ay danaynayaan kuwaas oo muhiim u ah dhinacyada kobaca dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dalka iyo weliba xiriirka ganacsi ee labada dal.

 

Dhamaad.

 

BANDHIG CARWEEDKA SHAQADA MOGADISHO “MOGADISHU JOB FAIR”

Bandhigaani ayaa ah markiisi 4aad oo ay so qaban qaabiyay Hano Academy, waxana kaso qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshadda, oo ay ugu horeyaan dhalinyarada Jaamacaddaha soo dhameyay, Bangiyadda, Ganacsatadda yar yar, Hay’adda SOS CHILDEREN’S VIALLAGES, iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed. Bandhigaani ayaa ahaay mid diiradda lagu sarayay sidii dhalin yaradda shaqo logu abuuri lahay, loona hormarin lahay xirfaddaha shaqada.

Anisa Cusmaan Cali oo ku hadleysay magaca SOS CHILDEREN’S VIALLAGES ayaa tiri “Waan ku faraxsannahay in aan kaalin weyn ka qaadanay sanadkan qabsoomida Bandhig Carweedka Shaqada Muqdisho oo ay sanad waliba Hano Academy qabato. SOS ahaan aad bay noo farxad gilinaysaa in aan maantay idinla joogno, waxaana diyaar u nahay in aan ka qayb qaadano shaqa abuurka iyo horumarinta xirfdaha dhallinyarada”

Guddoomiye Kuxigeenka Rugta Ganacsiga Mudane Abdirahman Abdullahi Adam “Galambi” “Inan intaan oo dhallinyara ah oo waxbaratay ku waas oo diyaar u ah inay suuqa shaqada kusoo biiraan aan arko waxay I gilinaysaa in ganacsiyo badan ay abuurmi doonaan. Waxaan kula dardaarmayaa dhallinyaradeenna in ay ganacsiyada yaryar sidii ay u sameysan lahaayeen ku dadaalaan” #MJF2022 #MogadishuJobFair2022

 

  

Shirka UNECA ee dalka Itoobiya.

Agaasime ku-xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Prof Dr Ciise M Xalane oo ku sugan magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa ka qayb galay shir loogga hadlaayey Siyaasadda Iskaashiga Dawladda iyo Ganacsiyada Gaarka ah oo ay soo qabanqaabisay hay’adda UNECA, shirkaani ayaa socday muddo afar maalin ah.

 

kulankaani oo muhiimad aad ubalaaran lahay ayaa waxaa loogga hadlay ku biiritaanka Ururka Ganacsiga Aduunka oo ay Soomaaliya ka samaysay horumar aad u ballaaran.

Kulanka inta uu socday waxaa diradda lasaaaray dhammeystirka siyaasadda Wax-wada-lahaanshiyaha Dawladda iyo Ganacsiyada Gaarka ah(PPP) iyo weli ba sidoo kale Istaraatijiyadda Soomaaliya ee Aaga Ganacsiga Xorta ee Qaaradda Afrika(AfCFTA) kaas oo ahmiyad weyn u leh guud ahaan horumarka ganacsiga Soomaaliya.

 

Dhamaad.

 

 

 

 

 

 

 

BANDHIGA GANACSIGA SOOMALIYEED SANADKA 3AAD

Bandhiga Ganacsiga Soomaaliyeed Sanadkiisi 3aad ayaa si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay magaladda Mogadisho gar ahaan Elite Hotel oo uu kasocday laba maalin, Bandhig Carwedkaani Ganacsi ayaa waxaa wada jir iskaga kaashaday Somali Trade Show iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.   Bandhigaani ayaa waxaa kaso qayb galay Xildhibaano, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Abdisalam Sharif Hussein, Guddomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane Maxamud Abdi Ali “Gabeyre” Gudomiye ku-xigeeka Rugta Ganacsiga Mudane Abdirahman Abdullhi Adam “Galambi” Gudomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir Mudane Ahmed Abdullahi “Shariif Carro” iyo Ganacsatada qaybaheeda kala duwn, oo ay ugu horeeyan Bangiyada, Shirkadaha, iyo Ganasiga yar yar.   Masuuliyinta Bandhiga kaso qayb qashaya ayaa mid mid u dul istaagay dhamaan ganacsiyadii halkas lagu soobandhigay, waxana ay aad u bogaadiyeen kaso qayb galayaasha Bandhiga iyo agabab yada ay shirkaduhu soobandhigeen. Waxana Bandhiga ka hadlay Masuliyiin uu kujiro Xildhibaan Abdirahman Odaway iyo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga Mudane Abdisalam Sharif Hussein iyo masuuliyiinkale oo fara badan, Guddomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane “Gabeyre” oo kamid ah masuuliyiintii goobta kadalay ayaa bogaadiyay guud ahaan Ganacsatada kaso qayb gashay gar ahaan qaban qaabiyaasha Bandhiga Ganacsiga Soomaaliyeed Somali Trade Show iyo Rugta Ganacsiga Mudane Gabeyre ayaa yiri “Mudane Wasiira iyo Xildhibaanada waxaan idinka codsaneyanaa in Carwadii Qaranka in howl galiyo anaga diyaar ayaan unahay inaan dhismaheeda dhamestirno, meel fican ayeeyna kutaala oo waliba dhul weyn ah”. Dhamaad