




Maamulka Gobalka Banaadir ayaa soo qaban qaabiyay Shirka Soo Bandhigida Horumaka iyo Guulaha Laga Gaaray Aminiga Caasimadda 2023 iyo sii Joogteyn-Tooda 2024. Munaasanbadaani oo aheed mid her sare loo soo agaasimay laguna marti qaaday qubaro ku xeeldheer Amnig, horayna kaga soo shaqeeyay Aminga Dalka, Xubno kartirsan Labada Aqal ee Barlamaanka, Wasiiro uu hogaaminaayo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Mudane Mudane Xamsa Cabdi Barre, Ganacsato, Culuma’udiin iyo Bulshada Rayidka ah.
Dhamaan masuuliyiinta kulanka kaso qayb gashay ayaa tilmaamay in sanadka 2023 wax muuqda laga qabtay Amniga Caasimadda iyo guud ahaan dalka, hadane ay tahay in laga sii xoojiyo halka uu hadda joogo Amniga Caasimadda.
Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay shir ayaa tilmaamay in Dowladnimadu aysan horumar sameyn karin haddii aan amniga la xaqiijin, isla markaana uu fure u yahay nolosha oo dhan, isaga oo ugu baaqay ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan doorkooda hormarinta Amniga Dalka.
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa si faah-faahsan uga warbixiyey guulaha amni ee ay caasimaddu gaartay, isagoo tilmaamay in amni la’aan aysan jirayn nolol iyo horumar dowladeed, sidaas awgeedna uu gobalka banaadir xoogga saaray sidii amniga caasimada loo xaqiijin lahaa, waxa uuna amaanay doorka laamaha amaanka oo aan la’aantood la gaareen guulaha intaa la’eg oo ay har iyo habeen u soo jeedaan.
Shirkadda Ifi Waste Management kana shaqeysa nadaafadda deeganka, oo ay ganacsato soomaaliyeed leyahiin iyo shirkadda 2mkurumsal oo ay leeyahin ganacasto Turki ah ayaa hashiis koronto lagaga dhalinaayo qashinka magaaladda kala saxiixday, waxaana munaasabad kaso qayb galay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasiir ku-xigeenka Wasaradda Tamrta iyo Kheyradka Biyaha, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Ganacato ay Hogaaminayaan Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, iyo Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir, Munaasabadda oo aheed mid heerkeedu sareeyo ayaa lagu qabtay safaaradda Turkiya ee magaalada Muqadishu-Soomaaliya.
Munaasabad xariga looga jaraayay Suuqa Xayaat Mall faraca 3-aad oo laga hergeliyay Isgoyska Jubba qeybta dhacda Degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa wada jir ugu soo qayb galay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), iyo Ganasato ay hogaaminayaan Gudoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga Mudane Cabdiraxman Cabdullahi Adam “Galambe” Guddomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir Mudane Axmed Cabdulahi “Shariif caro”, Guddomiyaha Suuq Bacaad, Culuma’udiin, Siyaasiyiin, Haweenka iyo Qeybaha kala gedisan ee Bulshada iyo marti sharaf kale.
Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ayaa ku ammaanay ganacsatada hirgelisay suuqan kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadanayaan horumarka iyo dib-u-dhiska dalka, maadama Xayaat Mall faraceedi 3-aad kaher galiyen magaalada Mogadishu, waxaana uu ugu baaqay ganacsatada in ay wax soosarka dalka dhiri galiyaan.
Gudoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Cabdiraxman Cabdullahi Adam “Galambe” oo kamid ah masuuliynta goobta kahadashay ayaa bogaadiyay hormarka ganacsatada dalku ay marba marka kadanbeyso ku talab-sanaayaan, asaga oo kula dar daarmay in ay ganacsatadu gacmaha isqabsadaan si ay ula jaan qadan hormarka caalamka.Waxaana uu sii raaciyay in ay horumar weyn utahay umadda soomaaliyeed gaar ahaan shacabka kudhaqan Dagmoyinka Bondhere, Shibis, iyo Dagmada Cabdicasis oo daris uu layahay Suuqa Xayaat Mall faraca 3-aad, madaama marki hore uu aad kaga fogaay.
===Dhamaad===
We were extremely shocked and saddened by the calamities that have befallen Turkey, a great country which has always stood by Somalia, and so many other Muslim countries in our moment of need. We offer our sympathies and condolences from the bottom of our hearts to the recovery of the victim’s family and the injured. We also pray that the rescuers find strength and luck, that the missing are found safe and alive, that the deceased find peace and that the survivors find hope soon. The situation is heart-breaking at the moment, but by the Will of Allah, we are sure that Turkey will rise more gloriously than before, as it has done so many times in its great history.
May Allah have Mercy on you, and may Allah be with you.
Guddomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabeyre” oo ay wehliyaan Guddomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir iyo Gudoomiyaasha Suuqyada Bakaaraha iyo suuq Bacaad ayaa ka qayb galay Bandhiga Suuq Weynaha Muqdisho oo sanadkii 4-aad maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.
Furitaanka Bandhigaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasiir Kuxigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha, Mamulka Rugta Ganacsiga iyo Marti sharaf kale.
Guddomiyaha Rugta Ganacsiga mudane “Gabeyre” oo kamid ah masuuliyiinti goobta ka hadlay ayaa ugu horeyntii bogaadiyay Bandhiga Suuq Weynaha Muqdisho oo sanadkii 4-aad qabsamay asaga oo ugu baaqay in ay siiwadaan howsha ay bulshadda uhaayaan Masuuliyinta Suuq Weynaha Muqdisho, ka Rugta Ganacsiga ahaane in ay garab taagan yahiin horayne ay garabtagnaayeen. Dhanka kale Guddomiyaha ayaa masuuliyiinta Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Ganacsiga ka codsaday in lahelo carwadii qaranka soomaaliyeed taasi oo ah goob logu tala galay Bandhig carwedyada.
Dhamaad.