Somali Chamber of Commerce and Industry

Rugta Gnacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa ka qayb gashay kulanka madaxda Rugaha Ganacsiga Islamka kulankoodi 35th kaasi oo lagu qabtay dalka Azerbaijan, kulanka ayaa ahaay mid socday laba maalin oo kala ah 17-18 July 2023. Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saarayay wada shaqeynta wadamadda Islamka, Ganacsiga, Hormarka Technologiyadda, Insuranciga, hormarinta Bangiyadda, iyo fursadaha malgashiga wadanadda islaamka.

 

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Mr. Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com, info@somalichamber.so
Twitter: @somaliacci

XARUNTA RUGTA GNACSIGA IYO WARSHADAHA SOOMAALIYEED OO LAGU QABTAY KULAN WADA TASHI

Ganacsatadda Soodajinta iyo Dhoofinta, ayaa xarunta Rugta Gancsiga kulan loga arin sanaayay sharciyadda hubinta dukumintiyadda, iyo shahaadooyinka dhoofka iyo soodajinta, kula yeeshay Hey,adda taya dhowrka Soomaaliyeed “Somali Bureau of Standards: (SoBS).

Kulanka ayaa waxaa ganacsatadda ku matalaayay Xubno katirsan Ganacsatadda Dhofka iyo Soodajinta oo ay hogaaminayaan masuliyiinta Rugta Gnacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo Rugta Gnacsiga Gobolka Banaaidir, halka Hey,adda taya dhowrka Soomaaliyeed ay ku matalayeen Gudoomiyaha Maamulka Ee Hay’adda Muqtaar Maxamed Yuusuf , Maareeyaha Hay’adda Marwo Haawo Ahmed Hassan, Mareeye ku xigeenka hay’adda Marwo Suuban Abdi Nur Gaas. Ugu danbeyti labada dhinac ayaa ku balamay kulamo dhereeri ah in ay sameeyaan.

 

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Mr. Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com, info@somalichamber.so
Twitter: @somaliacci

 

 

 

XAFLADDA DAAHFURKA IYO DHAQAN GALINTA HUBINTA WAAFAQSANAANTA SHIXNADDA KAHOR INTA AYSAN DALKA SOO GALIN.

Hey,adda taya dhowrka Soomaaliyeed “Somali Bureau of Standards: (SoBS) ayaa magaladda Mogadishu ku qabatay xaflad lagu daah furayay laguna dhaqan galinaayay waafaqsanaanta shixnadda kahor Inta aysan dalka Soo galin, manaasabaddani oo aheed mid her keedu sareeyo ayaa waxa kaso qayb galay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Xildhibaan Osman Mohamed Abdi “Daallo”, Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dr. Mohamed Sh. Doodishe, xubno kasoday Hay,adda “Conformity Based Conformity Assessment” CBCA, Ganacsato ay hogaaminayaan mamulka sare ee Rugta Gancsiga, iyo Bulshadda Rayidka.

Guddomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamud Cabdi Cali “Gabeyre” oo kamid ah masuuliyiinta goobta ka hadashay ayaa ugu horeynti soo dhaweyay Hay,adda Tayadhowrka Soomaaliyeed, “Ganacsatada Soomaaliyeed waa laba qaybood oo kala ah kuwa wax dhoofiya iyo kuwa soodajiya, marka aad fiirasana waxa hay,addani baahi weyn u qaba kuwa wax dhoofiya, ka Rug Ganacsi ahaan dhowr jeer ayaan Wasaaradda Ganacsiga kala fadhisanay, aad ayaana uraadi jirnay in lahelo hey,ada kuwaalati kontarolka oo dalkaan shahaado ka bixisa si ganasigeenu ugaaro aduunka. Sharciyadda Rugta waxaa kamid ah dhiri galinta wax soo sarka dalka iyo warshadeyntiisa.”

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xildhibbaan Jibril oo halkaas ka hadlay, ayaa tilmaamay in arrintani ay tahay guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed isla-mar-ahaantaana ujeedkeedu yahay in badeecadaha dalka soo galaya ay waafaqaan halbeegyada tayodhowrka ee dalka, kuwa gobalka iyo kuwa caalamiga ah, waxaana uu carabka ku dhuftay in ka Wasaarad ahaan ay ka go’an tahay horumarinta ganacsi xalaal ah, ilaalinta caafimaadka dadka iyo deegaanka.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Mr. Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com, info@somalichamber.so
Twitter: @somaliacci
 

GUDDOOMIYAHA RUGTA GANACSIGA IYO WARSHADAHA SOOMAALIYEED OO SAFAR SHAQO KU TAGAY BELGRADE,

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabayre” oo uu wehliyo Ismaaciil Cabdullahi Siyaad “Gooni” ayaa safar shaqo ku tagay Belgrade, ka dib markii ay casuumaadda rasmi ah ka heleen Dowladda Serbia. Mudane “Gabayre” iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa lakulmay  Madaxa Rugta Ganacsiga Serbia iyo qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga ee dalka Serbiya kuwaas oo ay kamid yihiin Shirkadaha kala ah, Shirkadda weyn ee ganacsiga Beeraha, kaluumeysiga ee ITN Group LTD, Shirkadda YUMIS NIS, Shirkadda Tiknoolajiyadda ee Vlatacom, Shirkadda Thorn ZUMTOBREL Lighting ee ileyska iyo Qalabka Korantadda iyo Soolarka ee Barigga Yurub. Shirkadaha uu la kulmay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ayaa ah shirkadaha Ganacsi ee ugu waawey dalalka Barigga Yurub.

Sidoo Gudoomiye “Gabeyre” ayaa la kulmay dhigiisa Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Serbia, iyo Ku-xigeenkiisa Mudane Marko Čadež iyo Milovan Kocić. Rugaha Ganacsiga labada  dal Somalia iyo Serbia ayaa wada rajeynaya in ka wada Faa’iideystaan xeebta dheer ee Soomaaliya oo Barigga Africa oo dhan u noqon karta marin Ganacsi iyo Serbia oo ah dalka wax soo saar fiican leh weliba dhinac Macdanta, Beeraha Tiknoolajiyadda iyo Warshadaha. Labadda dhinac ayaa ka wada hadlay sidii la isaga kaashaan lahaa Horumarinta Ganacsiga Soomaaliya iyo Serbia sidoo kale Ganacsiga gobolka Geeska Afrika iyo marin-biyood badda Cas.

Ugu Dambayn labadda Rug Ganacsi ayaa u mahad celinayay Safaaradda Soomaaliya ee Belgrade Danjiraha iyo Hawl-wadeenada Safaraadda kaalinta isku xirka ee xiriir u samaynta Ganacsatada labadda Dal Soomaaliya iyo Seerbiya. 🇸🇴🤝🇷🇸

 

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Mr. Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com, info@somalichamber.so
Twitter: @somaliacci

 

Agaasimaha Guud ee Rugta Ganacsiga oo ka qayb galay kulan ay soo qaban qaabisay hey’adda shaqaalaha adunka ee ILO

 

Agaasimaha Guud ee Rugta Ganacsiga iyo Warshaddaha Soomaaliyeed mudane Cabdi Abshir Dhorre ayaa ka qayb galay kulan ay soo qaban qaabisay hey’adda shaqaalaha adunka ee ILO, Kulankaani oo ahaay mid sadax geesood ah ayaa waxaa looga doodday Qodobka 38, kaasi oo kaso horjeeda shaqaaleynsiinta Caruurta,

Agaasimaha Rugta Ganacsiga mudane Dhorre oo dooda qeyb ka ahaay ayaa ku dooday in ay jiraan hooyo Soomaaliyeed oo dadeedu ay ka tahay 15jir iyo 14jir agoon ah cid umaqanne aysan jirin. Asaga oo carabka ku adkeeyay in lagu laabto sharciyadda, dastuurka dalka si la isku waa fajiyo sharciyadda caalamiga ah.

 

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Mr. Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com
Twitter: @somaliacci

DAAHFURKA SOMQR CODE

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa so bandhigay SOMQR CODE, kaasi oo ah mid isku furaayo dhamaan bangiyadda dalka, oo ay ku mideysan yahiin ilaa 13 Bangi. Munaasabadda lagu shaacinayay Hanaanka Qaran ee SOMQR, ayaa waxa kaso qaby galay xildhibaano, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda  Maaliyadda XFS, Midowga Bangiyada, iyo Ganacsato ay hogaamineyso Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabeyre” oo kamid ah ayaa ugu horeynti soodhaweyay shaqadda culus ee bangiga dhaxe uu kutalaab saday waxa uuna sheegay “intaas kadib waxaan bangiyadeena ku amanayaa mesha ay kaso bilaben, run ahaanti xawalad ayaa laga so bilaabay, ayadi ayaa muddo kabacdi isku badashay bangi, ilaa 13 bangi ayeey garayaan, run ahaanti wa aan ku dhibaneen in aan ganacsatadeenu ay mid waliba account kasameystan, waayo in aad qaar katagdid marabtid, in aad wada furatana waa dhibadan tahay, marka in manta lasa meeyay hal meel oo ay ku mideysan yahiin waa guul”

 

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Twitter: @somaliacci

 

  

FURITAANKA SUUQA BARAKO HYPERMARKET

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha – Soomaaliya Mudane Hon. Jibril Abdirashid Haji, oo ay wehliyaan, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhbbaan Osman Mohamed Abdi (Daallo), Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyada Gobalka Banaadir mudane Ciise Maxamuud Guure, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabeyre” iyo ururka midowga Jaamacadaha dalka ayaa si rasmi ah xariga uga jaraya Suuqa Barako Hypermarket. Munaasabadda xarig jarka oo aheed mid heer sare loso agaasimaya ayaa lagu qabtay xarunta suuqa Barako Hypermarket oo ku taalla dagmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, taasi oo ay kaso qayb galleen masuuliyiin katirsan mamulka dagmada, gancsatada qayba heeda kala duwn, culuma, udiin, iyo bahda waxbarashadda dalka. Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane “Gabeyre” oo kamid ah masuuliyiinta goobta ka hadashay aya ugu horeyn soodhaweeyay Suuqa Barako Hypermarket waxana sheegay in ay farxad galineyso balan qaadkii ay caawa sameeyeen mamulka Barako Hypermarket, kaasi oo ahaay in ay furi doodanan warshaddo isla markaana ay dhiri galin doonan beeraleyda dalka “Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed wax yaalaha ay diiradda saarto waxaa kamid ah wax soo sarka dalka iyo warshadeynta, waana wax yaalaha aadka inogu muhiim san” Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Mudane Hon. Jibril, oo xafladda soo xeraya ayaa baaqa udiray ganacsatadda “Ganacsatada gaar ahaan midowga bangiyada waxaan ugu baaqaya in ay dib uso celiyaan warshadii dharka ee balcad taasi oo ah midda kaliya ee hadda kanol warshadihii dalka ee bad baaday bur burkii kadib, waxa ay ku taala dagmadda balcad waa ay shaqeysaa boqolkiiba sagaashan iyo shagaal waa ay ficantahay, kaliya dayactir ayeey ubaahan tahay” #barakohypermarket 
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Twitter: @somaliacci
   

MADASHA HORUMARINTA GANACSIGA MOGADISHO

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabeyre” ayaa ka qayb galay Madasha Horumarinta Ganacsiga Mogadisho “Mogadishu Business Development FORUM” oo ka dhacay Beerta Nabada ee Magaaladda Mogadishu.
Kulanka ayaa waxaa si rasmi ah u furay ku-simaha guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyada Gobalka Banaadir mudane Ciise Maxamuud Guure, kulanka ayaana socon doona laba maalin oo kala ah 14,15, waxaana la isku weedarsan doona dood cilmiyeedyo dhax mari doona Ganacsatada iyo Mamulka Ganacsiga Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudan “Gabeyre” oo goobta ka hadalay ayaa sheegay “sida aan ognahay dalkeena markii ay Dowladnimadda jirtay waxaa la qaadi jiray labo shati laakiin hadda tirada ayey ka bateen, shatiga Dowladda dhaxe waxaa qadan jiray oo kaliya ganacsatada waweyn, halka hadda ay qadanayaan ganacsato yar yar, waxan ku talin nayaa maamulka gobolka Banaadir gaar ahaan Waaxda dowladda hoose ay saray u qaadaan wacyegelinta shatiga dowladda hoose kaaso aad Muhiim ugu ah ganacsiyada yar yar, iyo in qiimaha shatiga uu naqdo mid macquull ah oo dadku aysan dhibsanin”
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Adam Hassan Mohamud
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Web somalichamber.so
Twitter: @somaliacci
          

SOOYAALKA GANACSIGA SOOMAALIYA

 

Magan Forum ayaa soo qaban qaabisay madal su,aalo lagu weydinaayo qaar kamid ah ganacsatada dalka, kuwoda hormaka kasa meeyay

Guddoomiyaha Shirkada Hormuud Telecom Axmed Maxamud Axmed “Sacuudi” ayaa naqday masuulkii ugu horeyay ee lagu weydiiyo su,aalo dhinacya badan taabanaayo ay kami yahiin taarikh nololeedkisa, halka uu ganacsiga kabilaabay, iyo sida uu ku soogaray hormarka. Sidookale waxa la weydiiyay sida lagu aas aasay Shirkada Hormuud Telecom hormarka ay gaartay iyo cagabadaha ay laso kulantay intii ay shirkaddu jirtay.

“Qoyska aan ka dhashay waxay ahaayeen xooladhaqato danyar ah. Xoolo iyo beero ayay nolosheennu ku tiirsanayd. Aniga oo 9 sano jir ah ayaan Muqdisho imid, kana billaabay waxbarasho iyo ganacsi. In aan ganacsiga galo baahi iyo duruuf ayaa igu kallifay. Waxaana ka soo billaabay ganacsi garabrarato ah, oo dhar iyo alaabo kale ayaan ku wareejin jiray xaafadaha Xamar.” Guddoomiyaha Hormuud Telecom, Axmed Maxamuud Yuusuf “Axmed Sacuudi”

 

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Adam Hassan Mohamud
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Web somalichamber.so
Twitter: @somaliacci
   

MUNAASABADDA DAAHFURKA DHOOFKA HILIBKA SOOMAALIYA DALKA SACUUDIGA

Munaasabadda daahfurka dhoofka hilibka Soomaaliya ee dalka Sucuudiga oo ay si wadajir ah usoo agaasimeen Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS iyo Shirkadda Hilibka Soomaaliya (Somali Meat Company), ayaa lagu qabtay magaaladda Mogadishu.
Munaasabaddani oo aheed mid her sare loso agaasimay ayaa waxa kaso qayb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamse Cabdi Barre, Wasiirka Xannaanada Xooloha, Dirta iyo Daaqa, Xubno katirsan Golaha Barlamaanka, Safiirka Dalka Sacuudiga, Ganacsato ay hogaaminayaan mamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed. Iyo bulshadda qaybaheeda kala duwan.
Ra’iisul Xamse oo goobta ka hadlay ayaa ku tilmaamay tallaabo guul ah dhoofka hilibka Xoolaha Soomaaliya ee ay ogolaatay Boqortooyada Sacuudigu, waxuuna xusay in dadka Soomaaliyeed iyo ganacsatada ay ka heli doonaan dhaqaale iyo shaqo abuur ka badan kii laga heli jiray dhoofka xoolaha nool, Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay fursadaha suuqa ganacsiga bariga Afrika, ayaa sheegay in ku biirista Soomaaliya ee dalalka ku mideysan Dallada Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ay u tahay ganacsatada Soomaaliyeed fursad muhiim ah oo ay tahay in ay ka faa’iideystaan, iyagoo leh xuquuq lamid ah kuwa dalalka kale ee ku mideysan dallada.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabeyre” ayaa sodhaweyay tallaabadan ay wadajirka uqaadeen a Shirkadda Hilibka Soomaaliya (Somali Meat Company), iyo Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS, sidokale Guddomiyaha ayaa ku tillmamay in ay ganacsatada Soomaaliyeed ay ka hormarsan tahay kuwa Africa.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Adam Hassan Mohamud
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Web somalichamber.so
Twitter: @somaliacci