Somali Chamber of Commerce and Industry

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre oo furay Shirka Dhaqaalaha Soomaaliya.

Waxaa manta magaaladda Mogadishu si rasmi ah uga furmay Shirka Dhaqaalaha Soomaaliya oo ay soo qaban qaabiyeen, Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Hey’adda UNIDO, iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, kaasi oo socon doona muddo laba maalmood ah.

Shirkaani oo ah mid heer caalami ah ayaa waxaa kaso qayb galay qarmid ah xukuumaadda Ra’iisul Wasaare xamza, Hey’adda UNIDO, EU, Ganacsato kasocotay dalka Talyaaniga, iyo Ganacsato Soomaaliyeed oo ay hogaamineyso Rugta Ganacsiga, waxaana lagu soo bandhigay fursadaha ganacsi ee la xiriira wax-soosaarka dalka ee dhinacyada Beeraha, Kalluumeysiga, Warshadaha iyo Tamarta.

Ra’iisul Wasaaraha oo shirka furay ayaa sigaar ah u xusay dalka Talyaaniga kaasi oo Soomaaliya la leh xiriir ganacsi oo soo jireen ah, iyada oo Soomaaliya ay Talyaaniga uga iman jireen gaadiidka, qalabka beeraha, iyo daawada halka Soomaaliya ay u diri jirtay kalluun, muus, iyo waxyaabo kale oo muhiim ah, waxuuna ku boorriyey ganacsatada Talyaaniga in ay ka faa’iideystaan fursadaha maalgashi ee xiligaan ka bannaan Soomaaliya.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Abdi Ali  “Gabeyre” oo shirka ka hadlay, ayaa boggaadiyey Shirk dhaqaalaha Soomaaliya, waxaana uu sheegay in shirkani ahmiyad weyn u lee yahay xiriirka ganacsi ee iskaashiga Soomaaliya iyo Talyaaniga.

 

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Adam Xasan Mohamud,

Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed

Web somalichamber.so

Facebook: https://www.facebook.com/somalichamberofcommerce/

Twitter: @somaliacci

 

 

 

Shirka wada-hadalka dawladda iyo ganacsiyada gaarka ah oo lagu qabtay hotel Decel ee Muqdisho.

Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan qeybaha ganacsiga dalka oo uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed mudane Maxamud Cabdikariin Ali “Gabeyre” iyo Guddomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir mudane, Axmed Cabdullahi “Shariif Caro” Guddoomiyaha Suuq Bacaad Mudane Yusuf Wehliye, ayaa ka qayb galay shirka wada-hadalka dawladda iyo ganacsiyada gaarka ah oo lagu qabtay hotel Decel ee Muqdisho.
Munaasabaddani oo aheed mid her caalmi ah ayaa waxa lagu soo bandhigay laba cilmibaaris oo looga hadlayay Iskaashatooyinka iyo Ururada ganacsiyada gaarka ah, waxana kaso qayb galay masuulinta wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha – Soomaaliya oo uu hogaminaayo Wasiirka Ganacsiga Xildhibbaan Jibril Abdirashid Haji, Wasaaradaha Ganacsiga Dowlad Goboleedyada dalka, iyo Ganacsato iskugu jirta kuwa her caalami iyo kuwa gudaha ah oo ay hogamineyso Rugta Ganacsiga.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibbaan Jibril, oo shirka furay ayaa yiri Cilmi baaristaani waxa diiradda lagu saaray horumarinta ganacsiga, kashaqeyta xaluhelidda ganacsiga xuduudaha, inkasta uu yahay mid iska yaryar, sidookale wuxuu noo fududeynaa wadahadalada aan la yeelan doono dowladaha deriska inala ah xagga horumarinta.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga mudane “Gabeyre” ayaa dhankiisa ka hadlay taarikhda ganacsiga dalka uu soo maray waxana uu yiri waqtigii dowladda dhaxe waxaa uu ganacsigu ka koobnaay oo kaliya 5 waaxood halka hadda uu kabalaaran yahay oo uu gaarayo ilaa 11 waaxood, oo waxaa ganacsi isku badalay adeegyo ay dowladdu ganacanta ku heysay, soomaaliya waxa ay kamid tahay suuqa ganacsiga xorta ah ee dunida.
by Adam Hassan Mohamud.
  

KULAN LOOGA ARIN SANAAYAY CANSHUUR KORDHINTA LAGU SOO KORDHIYAY DAKADDA MOGADISHU.

Waxaa goordhaw xarunta dhaxe ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed lagu soo gaba gaba gabeeyay kulan balaaran oo ay iskugu yimaadeen qaybaha kala duwan ee Ganacsiga dalka. Kulankaani ayaa salka ku hayay canshuur kordhin lagu sameeyay qaar kamid ah alaabaha laga soo dajiyo dakadda magaaladda Mogadishu,

Rugta Ganacsiga iyo Gudi ka kooban waxaha kala duwan ee ganacsiga dalka oo loo xilsaaray xalinta arimaha canshuuraha ayaa waxa laga dhageeystay warbixino iyo ga’aankii ay kaso qadeen maxada sare oo uu ugu horeeyo Madax weyne Dr Xasan Sheikh Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha – Soomaaliya. Dhamaan ganacsatadii kulanka kaso qayb gashay ayaa muujiyay in ay ku qanacsan yahiin go’aanka Rugta Ganacsiga iyo Gudigu u soo qadeen ganacsatada.

Ugu danbeyntii maamulka sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo u hogaaminaayo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane Maxamud Cabdikariin “Gabeyre” iyo qaar kamid ah Ganacsatadii kulanka ku sugneed ayaa go aan ku gaaray fulinta go’aanadii gudigu ay isla soo gaareen madaxda qaranka.

 

By Adam Hassan Mohamud.

 

 

 

XARIG JARKA FARACA 3-AAD EE SUUQA XAYAAT MALL

Munaasabad xariga looga jaraayay Suuqa Xayaat Mall faraca 3-aad oo laga hergeliyay Isgoyska Jubba qeybta dhacda Degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa wada jir ugu soo qayb galay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), iyo Ganasato ay hogaaminayaan Gudoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga Mudane Cabdiraxman Cabdullahi Adam “Galambe” Guddomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir Mudane Axmed Cabdulahi “Shariif caro”, Guddomiyaha Suuq Bacaad, Culuma’udiin, Siyaasiyiin, Haweenka iyo Qeybaha kala gedisan ee Bulshada iyo marti sharaf kale.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ayaa ku ammaanay ganacsatada hirgelisay suuqan kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadanayaan horumarka iyo dib-u-dhiska dalka, maadama Xayaat Mall faraceedi 3-aad kaher galiyen magaalada Mogadishu, waxaana uu ugu baaqay ganacsatada in ay wax soosarka dalka dhiri galiyaan.

Gudoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Cabdiraxman Cabdullahi Adam “Galambe” oo kamid ah masuuliynta goobta kahadashay ayaa bogaadiyay hormarka ganacsatada dalku ay marba marka kadanbeyso ku talab-sanaayaan, asaga oo kula dar daarmay in ay ganacsatadu gacmaha isqabsadaan si ay ula jaan qadan hormarka caalamka.Waxaana uu sii raaciyay in ay horumar weyn utahay umadda soomaaliyeed gaar ahaan shacabka kudhaqan Dagmoyinka Bondhere, Shibis, iyo Dagmada Cabdicasis oo daris uu layahay Suuqa Xayaat Mall faraca 3-aad, madaama marki hore uu aad kaga fogaay.

 

===Dhamaad===

 

 

   

afur sanadeedkii 2aad ee ururka Bangiyada Soomaaliyeed, oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho Hotel Jaziira.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed mudane Mxamuud Cabdikariin “Gabeyre”, Gudoomiye Ku-xigeenka mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Aadam “Galambe” iyo qaar kamid ah qeybaha kala duwan ee ganacsatada ayaa ka qayb galay afur sanadeedkii 2aad ee ururka Bangiyada Soomaaliyeed, oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho Hotel Jaziira.

Kulankani oo ahaa mid heer sare looso agaasimay ayaa waxaa sidookale kasoo qayb galay xubno sar-sare oo katirsan barlamaanka iyo golaha wasiiradda: qorsheynta, maaliyadda, gancsiga iyo isgaarsiinta oo uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ee XFS mudane Saalax Axmed Jamaac, Gudoomiyaha Banggiga dhaxe.

Dhamaan masuuliyinta ayaa bogaadiyay adeegyada maaliyadeed ee ay banggiyaddu dalka gaarsiyeen iyo midowga ay sameeyeenba. Dhanka kale Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane “Gabeyre” ayaa guud ahaan ganacsatadda ugu baaqay in ay midowbaan sida bangiyadda oo kale. Waxaa uuna bogaadiyay agaasimaha cusub ee shirkadda Dahabshiil Bank oo sameysay kulanka afurka ah.

 

 

@Kunciil Hassan Mohamud

 

SCCI Has Participated in the 2nd IGAD Labor Ministerial Meeting

Somali Chamber of Commerce has participated in the 2nd IGAD Ministerial Meeting on Labor, Employment and Labor Migration that took place in Addis Ababa 27th February – 2nd March 2023. The meeting has been concluded with the release of communique agreed upon unanimously.

Singed-Version-of-the-2nd-Ministerial-Conference-Communique-Mar-02-2023

 

W/Q Adam Hassan Mohamud Agasimaha Waxda Warbahinta Rugta Ganacsiga.

MUNAASABADA WAREEJINTA TAAKULADA SOOMAALIYA EE TURKIGA

Qaar kamid ah gudonka sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane Maxamuud Cabdi Cali”Gabeyre” ayaa ka qayb galay munaasabada Wareejinta taakulada Soomaaliya ee Turkiga.

Munaasabaddaani oo aheed mid heer qaran ah, taakulo iyo garab istaagne loogu mujinayay walalaha dalka Turkiga oo dhamaan uu ka dhacay dhulgariir aad u xoogan ayna naf iyo hantiba kuwaayeen dada aad ufarabadan, ayaa waxaa kaso qayb galay Guddomiyaha Barlamaanka dalka ahna kusimaha Madaxweynaha mudane Sh Aadan Madoobe, Ra’isul wasaare Xamze Cabdi Barre, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta ahna Gudoomiyaha gudiga, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Safiirka Turkiga, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaaladda Mogadishu mudane Yusuf Madaale, Ganacsatada qaybaheeda kala duwan oo ay hogaminayan mamulka Rugta Ganacsiga, Gudoomiyaha Bulshadda Rayiidka Mudane Shatax, Culuma,udiin uu hogaminaayo shekh Bashir Axmed Salad, iyo Ururadda Haweenka.

Munaasabadda ayaa waxaa safiirka Turkiga lagu gudon siiyay calag gaareysa $5,000,000 (Shan Malyan oo dollar) oo u dhiganta 94,100,000TL taasi oo lagu garab istaagayo dadkii dhulgariirku dhibaateyay. Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane “Gabeyre” oo kamida masuuliyinta goobta kahadashay ayaa yiri “Maanta waxaan si hordhac ah u wareejinaynaa taakulo aan uga qeyb qaadaneyno gurmadka walaalaheen reer Turki, waana sii wadi doonaa, dalkeenana waa na sugayaa dalalka dibaddana inaan la tillaabo qaadno waa muhiim”

W/Q Adam Hassan Mohamud Agasimaha Waxda Warbahinta Rugta Ganacsiga.

Turkish

We were extremely shocked and saddened by the calamities that have befallen Turkey, a great country which has always stood by Somalia, and so many other Muslim countries in our moment of need. We offer our sympathies and condolences from the bottom of our hearts to the recovery of the victim’s family and the injured. We also pray that the rescuers find strength and luck, that the missing are found safe and alive, that the deceased find peace and that the survivors find hope soon. The situation is heart-breaking at the moment, but by the Will of Allah, we are sure that Turkey will rise more gloriously than before, as it has done so many times in its great history.

 

May Allah have Mercy on you, and may Allah be with you.

BANDHIGA SUUQ WEYNAHA MOQADISHU SANADKIISI 4AAD

Guddomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabeyre” oo ay wehliyaan Guddomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir iyo Gudoomiyaasha Suuqyada Bakaaraha iyo suuq Bacaad ayaa ka qayb galay Bandhiga Suuq Weynaha Muqdisho oo sanadkii 4-aad maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.

Furitaanka Bandhigaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasiir Kuxigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha, Mamulka Rugta Ganacsiga iyo Marti sharaf kale.

 

Guddomiyaha Rugta Ganacsiga mudane “Gabeyre” oo kamid ah masuuliyiinti goobta ka hadlay ayaa ugu horeyntii bogaadiyay Bandhiga Suuq Weynaha Muqdisho oo sanadkii 4-aad qabsamay asaga oo ugu baaqay in ay siiwadaan howsha ay bulshadda uhaayaan Masuuliyinta Suuq Weynaha Muqdisho, ka Rugta Ganacsiga ahaane in ay garab taagan yahiin horayne ay garabtagnaayeen. Dhanka kale Guddomiyaha ayaa masuuliyiinta Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Ganacsiga ka codsaday in lahelo carwadii qaranka soomaaliyeed taasi oo ah goob logu tala galay Bandhig carwedyada.

 

Dhamaad.

 

 

  

Maamulka sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa u hambalyeey iyo bogaadin udiray guddonka cusub ee Rugta Ganacsiga Dawlad Gobaleedka GALMUDUG

Maamulka sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa u hambalyeey iyo bogaadin udiray guddonka cusub ee Rugta Ganacsiga Dawlad Gobaleedka GALMUDUG oo 22 bisha lagu doortay guddomiye Dr Nuur Cali Xasan iyo xubnaha guddonka.

 

Xarunta dhaxe ee Rugta Ganacsiga Dowlad Gobaleedka GALMUDUG ayaa manta lagu qabtay doorashadda guddomiyaha iyo tan xubnaha sare, taasi oo ay ka qayb galeen ergo ka socotay ganacsatada qaybaheeda kala duwan ee ka jira Galmudug oo tirada ay gareyso 34 xubnood, waxaa xilkaas isusoo taagay laba musharax oo kal ah:

1-Mustaf Cali Guutaale iyo 2-Nuur Cali Xasan.

 

Doorashada oo u dhaceysay qaab Gacantaag ah ayaa waxaa wareeggii koobaadba ay kala heleen 1- Musaf Cali Guutaale  ayaa helay codad gaarayaa 4,  halka Nuur Cali Xasan oo Helay 30 cod. Sidaa darteed waxaa xilka gudoomiyenimo ee Afarta sano ee Soosocota ku guuleystay Mudane Nuur Cali Xasan.

 

Gudoomiye Nuur Cali Xasan ayaa isla Goobta kaga dhawaaqay shan xubnood oo kamid noqon doona hoggaanka Sare ee Rugta Ganacsiga Dowlad gobaleedka Galmudug, waxaa uu waydiistay ergada in qaab gacantaaga ay ugu coderyaan iyadoo Ergadu qaab gacan taag ah cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen Shan xubnood oo kala ah

 

1-Mohamed Abdi mohamed

2-Abdirahman Omar Siyad

3- Mustaf Ali Gutale

4- Abdigargaar Ahmed Hashi

5-Alisicid Mohiyadin Sheikh Ali