SHIRKA MAALGAHSIGA CAALAMIGA SOOMAALIYA OO GALABTA SOO XIRAY.

Madaxweyne Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa daah furay shirweynaha maalgashiga Soomaaliya, shirkaani shirkaani oo ahaay mid heer caalami ah ayaa waxaa kaso qayb galay masuuliyiin heer caalamia ah oo ay ugu horeeyaan safiiradda safaaraddaha, Mareekanka, Turkiga, Chainaha, qaarkamid ah wakiilada caalamka, afrika iyo ganacsatada qaybaheeda kala duwan oo ay hogaamineyso Rugta Ganacsiga iyo Warshaddaha Soomaaliyeed.

Shirkaani ayaa mudadii uu socday waxa diradda lagu saaray guud ahaan malgashiga dalka gaar ahaan waaxaha ubaahan in lamaal gashiga, waxana la qabtay dood cilmiyeedyo ku saabsan malgashiga soomaaliya iyo faa,idda uu dalka uleeyahay malgashiga ajaanibta.

Shirkaani oo ahaa mid kii ugu horreeyay oo nuuciisa ah ayna soo agaasintay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Xafiiska Malgashiga Caalamiga ee “Somalia Investment Promotion Office” ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxda Sare ee Qaranka Sida Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Shiekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaraaha Xukuumadda Mudane Xamze Cabdj Barre, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maamlgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene), Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr Elmi, iyo wasiiradda Beeraha, Korontada, Guddoomiyaha Bangiga dhexe, Guddiga Maalgashiga, Maalgashadayaal heer Caalami ah, iyo Guddonka sare Rugta Ganacsiga iyo Warshaddaha Soomaaliyeed.

Shirkaani shirka Maalgashiga Caalamaiga ee Soomaaliya ayaa socday Muddo laba maalin ah waxana si rasmi ah usoo xeray Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamza Cabdi Barre, asaga oo sheegay in xukuumadda uu hoggaamiyo ay ka go’antahay sameynta dib-u-habeyn sharciyada dhaqaalaha iyo amniga oo fududeynaya in Soomaaliya gudaheeda ganacsi laga sameyn karo, lana abuuri karo jawi maal-gashi oo soo jiita maal-gashadayaasha Caalamka, asaga oo intaa raaciyay in la dhisay guddiga sare ee maal-gelinta shisheeye oo ah guddiga ugu sarreeya ee sameeya siyaasadaha maal-gashiga dalka, sidoo kalana uu dalku leeyahay xafiiska dhiirri gelinta maal-gashiga shisheeye oo hoos-taga Wasaaradda Qorsheynta kaas oo loo sameeyay inuu dhiirri geliyo, soo jiito, isku dubbarido, uuna taageero buuxda siiyo maal-gelinta shisheeye ee tooska ah.

 

Dhamaad

 

 

 

 

3  

Xarunta Talo Soo-Jeedinta Soomaaliyeed oo magaaladda mogadisho ku qabatay Barnaamij ay ugu magac dareen “Abaalmarinta Geesiyaasha soomaaliyeed”

Barnaaminjkani oo ahaay midkii ugu horeyay ee nucisa lagu qabto magaalada Mogadisho ayaa waxa agaasimay Xarunta Talo Soo-Jeedinta Soomaaliyeed waxaana lagu abaalmariyay shirkadda isgaarsinta Hormuud Telecom oo gashay kaalinta 1aad waana shirkaddi ugu horeysay ee kuguleysata abaalmarinta nucaan ah.

 

Xarunta Talo Soo-Jeedinta Soomaaliyeed ayaa sheegtay inay codayn ay sameeyaan boqolkiba 80% dadweynuhu in ay codka siyeen Hormuud, kuna siyeen wax qabadka, garab istaaga bulshada iyo hormarinta ay ku talaab sadeen mudadi ay shirkadu jirtay waxa ayna naqatay shirkadda ugu saamileyda iyo shaqaalaha badan ee gudaha soomaaliya.

 

Munaasabadda oo aheed mid herkedu uu aad usareyo ayaa waxa kaso qayb galay Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Abdi Hashi Abdullahi, Ku-simaha Ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka wasaaradda Caddaaladda iyo arrimaha Dastuurka, Xasan Macallim Maxamuud. Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS Ahmed Moalim Fiqi, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Hon Mohamud Abdirahman Beenebeene, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud, Masuliyinta Rugta Ganacsiga iyo Warshaddaha Soomaaliyeed, Masuliyiinta sare ee shirkadda Hormuud Telecom, iyo Culuma’udin, Ururka midowga jaamacadaha, iyo midowga dhaqaatirta.

 

Gaba gabadii munaasabadda ayaa waxa abaalmarino lagudonsiyay shirkadda isgaarsinta Hormuud Telecom waxanaa gudonsiyay Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Abdi Hashi Abdullahi halka uu ugudomay Gudomiyaha shirkadda Hormuud Ahmed Sacuud iyo xubin sare oo katirsan shirkadda.

 

Dhamaad.

 

 

shirkii ugu horreeyay ee guddiga maal-gashiga shisheeye ay yeeshaan mudda 32 sano kadib ah oo manta magaaladda Mogadishu lagu qabtay.

 

Shirkaani oo ahay mid heerkiisu sareeyo ayaa waxaa shir gudominayay Ku-simaha Ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka wasaaradda Caddaaladda iyo arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallim Maxamuud.

 

Guddiga maal-gashiga shisheeye ayaa dhawaan la howl geliyay, halka sharciga maa-gashiga shisheeye dib loo cusboonoysiiyay sanadkii 2015. Shirka guddiga maal-gashiga shisheeye ee maanta qabsoomay ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Qorsheynta, Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka korontada, Wasiirka shaqaalaha, wasiiru dowlayaasha arrimaha dibadda iyo Agasimaha guud ee xafiska madaxwaynah, xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Bangiga dhexe iyo ku-xigeenkiisa iyo Gudomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshaddaha Soomaaliyeed.

 

Mudane Xasan Macallim ayaa munaasabadda ka sheegay in shirka guddiga maal-gashiga shisheeye uu muhiimad gaar ah leeyahay uuna yahay bilaw wanaagsan oo horumar horseedi kara maadaama uu muujiayo in Soomaaliya ay markaan diyaar u tahay inay dunida la yeelato iskaashi ganacsi, asaga oo raaciyay in maalgashaga shisheeye uu u baahanyahay soo jiidasho, shirka maanta qabsoomayna uu soo jiidashadaas qeyb ka yahay.

 

 

Xafladda xarig jarka Dekedda Garacad.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray dhismaha dekedda Garacad ee gobolka Mudug. Munaasabadaani oo aheed mid heer sare loso agasimay ayaa waxa lagu qabtay gudaha dakadda garacad waxaana kaso qayb galay, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Puntland Saciid Deni, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustaf Cagjar, Madaxweynaha konfur galbed lafta Garen, wasiiro ka socda dowladda federalka, Mas’uuliyiin ka kala socota ganacsatada qayba heeda kala duwan oo ay hogaamineyso Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, iyo xubno ka kala socota dalalka Gobolka ayaa ka qayb galay Munaasabadda furitaanka.

Dekeda Garacad ayaa waxa la dhagax dhigay sanadkii 2017dii, waxaana lagu maalgaliyay in ka badan 300 milyan oo dollar, iyadoo mashruucaan uu noqday kii ugu weynaa dalka laga hirgeliyo burburkii kadib. Dekedda Garacad ayaa sidoo kale muhiim u noqon doonto isku xirka ganacsiga Soomaaliya iyo Itoobiya, maadaama ay tahay dekedda ugu dhow ee xigta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey guud ahaan ganacsatada iyo bulshada Puntland sida ay uga dhabeeyeen himiladan isku tashiga ah, waxa uuna ku tilmaamay mid ka tarjumeysa sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu istaageen horumarka iyo wax-wada qabsiga.

“Maanta waa maalin farxadeed, waa maalin la isu bogaadiyo, Ilaahay ayaana mahadda iska leh. Horumar kasta oo la gaaro waxaa sal u ah nabadda iyo isku duubnida. Bulshada deegankan iyo guud ahaan Puntland waxay muujiyeen geesinimo, hawlkarnimo iyo sida shacabka Soomaaliyeed ay u gaari karaan guulo waaweyn haddi ay gacmaha is-qabsadaan. Guusha lagu hirgeliyey mashruucan waxaa iska leh Soomaaliya oo dhan”.

 

Dhamaad.

 

    

 

 

Bandhigga Guuleeystayaasha Soomaaliyeed

Munaasabad ay si heer sare u soo agaasintay shirkadda Hormuud telcom looguna magac daray Guulaystayaasha Soomaaliyeed oo ay kasoo qeyb galeen madaxda gobolka banaadir, rugta ganacsiga, maamulka sare ee shirkada hormuud, culamaa’udiin, haweenka, dhaliyarada iyo dhamaan macaamiisha shirkada hormuud telecom ayaa maanta lagu qabtay hoolka sahal ee magaalda Muqdisho.

 

Munaasabada oo socon doonta muddo laba maalmood ah ayaa waxaa daahfuray gudoomiyaha shirkada hormuud telecom Axmed Maxmuud Yuusuf isagoo faahfaahiyay aasaaskii shirkada hormuud iyo shirkadaha ka farcamay ee hoos yimaada. Bandhigaan ayaa inta uu socdo waxaa lagu so bandhigi doonaa dood cilmiyeedyo xiiso badan, khudbado dhaxal gal ah, waxaana goobta ka hadlay bahda waxbarasha, ganacsatada, aqoonyahano soomaliyeed.

 

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Mudane Maxamud Cabdi Cali “Gabeyre” oo ka hadlay munaasabada ayaa ku dheeraaday hormaradii ay shirkada hormuud wadanka gaarsiisay sidoo kalana sheegay in ay qayb weyn ka qaadatay dhismaha wadanka.

 

Gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka qayb ahaa martida ayaa shirkada hormuud telecom ku amaanay mudadii 20-ka sano eheeyd ee ay usoo dhabar adeegtay xaaladihii adkaa ee uu wadanka soo maray. Bandhigaan ayaa inta uu socdo waxaa lagu so bandhigi doonaa bandhig carweed ay ka qeyb qaadanayan dhamaan shirkadaha kala duwan ee hoos yimaada shirkada Hormuud telecom iyaga oo soo bandhigi doona adeegyo cusub, sameyn doona qiimo jabin, qaban doonana baqtiyaanasiiib qofkii ka qeyb gala uu fursad u heli doono inu ku guuleysto, xirmooyin internet iyo waxyaabo kale oo qaali ah sida moobiladii ugu danbeeyey ee iphone iyo Samsung.

 

 

Dhamaad

 

 

       

Somali Women Business ayaa Mogadishu ku qabtay Bandhiga Ganacsiga Haweenka.

Somali Women Business ayaa Mogadishu ku qabtay Bandhiga Ganacsiga Haweenka.

 

Bandhigaani oo ah mid laqabto sanad waliba waxaa diiradda lagu saraa dar-dargalinta, dhiiri-galinta iyo hormarinta ganacsiga haweenka soomaaliyeed, waxana kaso qayb gala hawanka dhalin yarada ah ee kujira ganacsiga qayba hiisa kala duwan, kuwaasi oo horumar ka gaaray ganacsiga dalka.

Kulankaani ayaa waxaa kaso qayb galay xubno kala duwan oo kakala socday qaybaha kala duwan ee bulshadda, oo ay ugu horeeyaan Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, iyo hey’adaha hormarinta hawenka.

 

Gudoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga mudane “Galaambi”  oo kamid ah masuuliyiinta goobta ka hadlay ayaa yiri “Gabdhaha Ganacsigooda waxan markhaati ka nahay inay uu yahay mid Guulaysto, Gabar Hanti yeelatay waa Bulsho Tanaaday”

 

Sido kale waxaa ayaduna goobta kahadashay Agaasimaha Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ” Wasaarada Haweenka waxa ay Maanka ku haysaa inay taageerto dadaalada Dumarku ay hormarinayaan howlaha Ganacsiga, wayna uga mahadcelinaysaa Kaalinta weeyn ee ay kaga jiraan Hormarka Ganacsiga dalka ka jira”

 

Ugu danbeyntii waxaa kulanka ka hadashay Gudoomiyaha Somali Women Business marwo Xirsiyo Cabdulle Siyaad “Aad baan ugu faraxsanahay in maanta si wadajir ah uga soo qayb gasheen Bandhiga Ganacsiga ee Haweenka, Somali Women Business waxay dumarka Soomaaliyeed ku dhiirigalinaysaa waliba kuwooda wax bartay inay abuurtaan oo kusoo biiraan Ganacsiga si Naftooda iyo Dalkooda u Hormariyaan”

 

 

 

 

       

Agaasime ku-xigeenka Rugta Ganacsiga ayaa ka qayb galay Bandhigga carwada Agab iyo Aqoon ee Amal Bank.

Mashruucani oo mid heer sare loso agaasimay ayaa waxa kaso qayb galay qaar kamid ah ardayda jaamacadaha, Masuuliyinta midowga Bangiyadda, Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

Bangig Amal ayaa dahfuray mashruuc lagu hormarinaayo laguna garab istaagaayo ardayda dhigata jaamacadaha dalka. Mashrucaani ayaa ah mid ardayda lagu loogu fududeynaayo deeymaha laptoobyad, kaasi uu ardaygu lacagta iskaga bixinayo qaab muraabaxa ah oo waqti dheer.

 

Agaasime ku-xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ahana madaxa xariirka arimaha dibadda mudane Prof Ciise M Xalane, oo kamid ah masuuliyiintii goobta ka hadalay ayaa aad u bogaadiyay mashruuca Amal Bank, ay ku garab istaagaayaan ardayda dhigta jaamacadaha dalka, waxana uu ku booriyay bangigu in uu howsha uu bilaabay halkeeda kasii wadaan, ardayduna ay fursadaan qaaliga ah kafaa.ideystaan.

 

 

 

  

 

Kulan looga hadlayay xoojinta xiriirka wadashaqeynta bulshada rayidka ah iyo bahda ganacsatada Soomaaliyeed oo ku aaddan geedi socodka nabad dhiska iyo dib u heshiisiinta oo manta ka furmay magalaada Mogadishu.

Kulankaani ay waxaa so qaban qaabiyay wasaaradda arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, waxana diiradda lagu saarayay xoojinta xiriirka wadashaqeynta bulshada rayidka ah iyo bahda ganacsatada Soomaaliyeed ee ku aaddan geedi socodka nabad dhiska iyo dib u heshiisiinta, waxana kaso qayb galay xubno ka socday wasaaradda arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS oo uu hogaminaya wasiir Axmed Macalin Fiqi, Ganacsata ay hoggamineysa Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Bulshadda Rayidka ah, Culumaa’udiinka, iyo hawaanka qaranka.

Guddomiyaha Bulshadda Rayidka mudane shaatax oo kamid ahaay masuliyinta kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay arinka heshisinta muddo kuso jireen, daraasado kala duwan ay kasameeyeen ka bulsha Rayid ahaane ay aad uso dhaweynayaan in wasaaraddu manta qaadatay halka waqtiyadi hore diradda lasari jiray howlaha Aminga.

Dhnka kale Guddomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Mudane Abdirahman “Galanbi” ayaa sheegay in ganacsatadu ay mar waliba yahiin kuwa hashiis ah logana soo gudbay daruufihi adkaay ee dalka somaray hashiskoodda.

Wasiirka wasaaradda arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, oo kulaka soo xeray ayaa ugu horreyntii waxaa uu ka hadlay ahmiyadda kalsooni dhisidda ee u dhaxeysa dowladda federaalka ah, dowlaha xubnaha ka ah iyo guud ahaan bulshada “Waxaa jira kalsooni darro ka dhalatay dagaalladii sokeeye dalka ka dhacay, si taas wax looga qabto xukuumadda dan qaran tiirkeeda 3-aad waa kalsooni dhisid, waxaa halkudheg u ah SOOMAALI HESHIIS, DUNIDA HESHIIS LA AH, shirkan maanta aan fadhinno waa astaan Soomaali heshiis ah, heshiiskeeda ay Soomaali wado”.

Ugu dambeyntii, waxaa uu wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiiinta ugu baaqay beesha caalamka iyo ganacsatada Soomaaliyeed in ay taageeraan umadda ay abaarta heyso isaga oo yiri “Waxaan ugu baaqeynaa dadka ay abaaraha heyso, ganacsatada waan is aragnay, jawaab ayaan ka sugeynaa”.

 

 

Dhamaad.

 

 

 

 

 

 

         

 

Gudonka sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa ka qayb galay shir looga arin sanaayay is weydaarsiga ganacsiga “Trade Export”.

Shirkaani oo ahaay mid looga qayb qadanaayay aaladda fogaan araga ee Zoomka, ayaa waxa kaso qayb galay Safiirka dalka Indonesia, qunsul shara feedka ufadhiyo soomaaliya ee Indonesia, xubno ka soda wasaradaha Arimaha dibada iyo ganacsiga labada dal, uqaabil sana yaasha ganasiga safaaradaha, iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaliyeed iyo Rugta ganacsiga Indonesia.

Kulankaani ayaa waxaa soo’abaabuley safaarada Indonesia ee bariga Afrika iyo qunsul sharafeedka Indonesia u fadhiyo Dalka Soomaaliya Mudane Ismaaciil Abdullahi Siyaad “Gooni” waxaana looga wada hadlay arimo dhowr ah oo ay kamid yahiin hormarinta ganacsiga dalka, fududenta dal ku galka labada wadan, maalgashiga, iyo arimo laxariiro howlaha ganacsiga.

 Dhanka kale masuuliyinta safaafadda Indonesia ayaa ganacsatada la wadaagay https://www.tradexpoindonesia.com/en kaani oo ay iska diwan galin karan si logu fududeeyo helidda dalku galka Indonesia.

 

Dhamaad.