















Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa soo qaban qaabisay madal looga hadlaayay “Fursadaha iyo Caqabadaha Ganasi ee dayn Cafinta iyo ku biirista Suuqa Bariga Afrika” waxaana kaso qayb galay masuuliyiin kasocotay Waaxaha Rugta Ganacsiga, Gudiga Dhaqaalaha Qaranka, iyo bulshada qayba heeda kala duwan.
Masuuliyiinta Gudiga Dhaqaalaha Qaranka ayaa soo bandhigay warbixino ku aadan herarka laga soo maray Dayn Cafinta iyo Ku-biirista Suuqa Bariga Afrika; sidookale waxa ay carabka kudhufteen Fursadaha ku biirista Suuqa Bariga Afrika uu uleeyahay guud ahaan dalka gaar ahaan ganacsatada, waxaana ay sheegeen qaybaha ay tahay in ganacsatada Soomaaliyeed ay xooga saran hormarintooda, si ay uga faa’ideystaan ku biirista Suuqa Bariga Afrika.
Dr kamaludiin oo kamid ah Masuuliyiinta Gudiga Dhaqaalaha Qaranka ayaa sido kale ku xeel dheeraaday ka-hadalka faa’iidoyinka Suuqa Bariga Afrika iyo cab-siyadda ay dadka Soomaaliyeed oo ay kamid yahiin ganacsatada kaqabaan, asaga oo carabka kudhuftay in uu jiro sharci iyo isteebyo ay tahay in lamaro.
Guddomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed mudane Maxamud Cabdi Cali “Gabeyr” oo kulanka soo xeray ayaa ganacsatada ugu baaqay in ay ayagu marka hore midooban ayna dib u-habeeyn ku sameeyaan ganacsiyadooda, si ay ula jaan qadaan ganacsigayada aan ku-biirnay ee Suuqa Bariga Afrika.
Xarunta Dhaxalreeb ayaa soo qaban qaabisay Shirweynaha Dhiirigelinta Maalgashiga Kalluumeysiga, kaasi oo diiradda lagusaarayay sida loo hormarin lahaay wax soo sarka Kalluumeysiga dalka, kulankaani oo socday muddo laba maalin ah, ayaa waxaa si rasmi ah looga dooday sababaha dib udhaca ku keenay maalgashiga kheyraadka badda, Caqabadaha hortaaggan in ganacsatada yaryari helaan maalgelin bangi.
Kulankani ayaa waxaa kaso qayb galay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, H.E Maxamuud Cabdiraxmaan Sh. Faarax ‘Beenabeene’, Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah,H.E Axmed Xasan Aadan, Ganacsatadda Kalluumaysiga oo uu hogaaminaayo Guddomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane Maxamud Cabdi Cali “Gabeyre” iyo Bahda Wax barashadda Dalka.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane “Gabayre” oo kamid ah masuuliyiinta kulanka soo xertay ayaa ugu horeynti soo dhaweyay shirka waxana uu tilmaamay ka Rugta Ganacsi ahaan in kalluumeysiga laga hadlo ay muhiimad weyn uleedahay, lana joogo waqtigi laga fa’iideysan lahaay kallunka iyo dhamaan qayraadka badda kujira.
Maamulka Gobalka Banaadir ayaa soo qaban qaabiyay Shirka Soo Bandhigida Horumaka iyo Guulaha Laga Gaaray Aminiga Caasimadda 2023 iyo sii Joogteyn-Tooda 2024. Munaasanbadaani oo aheed mid her sare loo soo agaasimay laguna marti qaaday qubaro ku xeeldheer Amnig, horayna kaga soo shaqeeyay Aminga Dalka, Xubno kartirsan Labada Aqal ee Barlamaanka, Wasiiro uu hogaaminaayo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Mudane Mudane Xamsa Cabdi Barre, Ganacsato, Culuma’udiin iyo Bulshada Rayidka ah.
Dhamaan masuuliyiinta kulanka kaso qayb gashay ayaa tilmaamay in sanadka 2023 wax muuqda laga qabtay Amniga Caasimadda iyo guud ahaan dalka, hadane ay tahay in laga sii xoojiyo halka uu hadda joogo Amniga Caasimadda.
Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay shir ayaa tilmaamay in Dowladnimadu aysan horumar sameyn karin haddii aan amniga la xaqiijin, isla markaana uu fure u yahay nolosha oo dhan, isaga oo ugu baaqay ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan doorkooda hormarinta Amniga Dalka.
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa si faah-faahsan uga warbixiyey guulaha amni ee ay caasimaddu gaartay, isagoo tilmaamay in amni la’aan aysan jirayn nolol iyo horumar dowladeed, sidaas awgeedna uu gobalka banaadir xoogga saaray sidii amniga caasimada loo xaqiijin lahaa, waxa uuna amaanay doorka laamaha amaanka oo aan la’aantood la gaareen guulaha intaa la’eg oo ay har iyo habeen u soo jeedaan.
Qayba kamid ah waaxaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabayre” ayaa la kulmay Xildhibaanad Hodan Xasan oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka oo ay wehlineysay Xildhibaanad Cayni oo kamid ah Barlamaanka Soomaalliya.
Waxaana kulanka soo qaban qaabsay marwo Amiina Deble oo ah xubinta katirsan Rugta Ganacsiga una qaabilsan arimaha Mareykanka, waxaana diiradda lagu saray hormarinta Ganacsiga is dhaxgalka labada dal, iskashiga, maalgashiga, sara uqaadida dhoofka, iyo soo dajinta. Sodoo kale Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane “Gabayre” ayaa kawar bixiyay fursadaha maalgashiga ee kajira dalka.
Gaba-gabadii waxaa kulanka soo xertay Xildhibaanad Hodan Xasan ayada oo tilmaantay hormarka Ganacsiga Soomaaliyeed in uu yahay mid kubaahay dunida hadana ay kala shaqeyn doonto isku xerka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo Ganacsatada Minnesota ee dalka Mareykanka.
On the 19th Dec. 2023, a meeting between the Somali Chamber (Deputy President Mr Abdirahman Galaanbi, and Deputy Director General Prof Ciise M Xalane), the Ministry of Finance (State Minister and Director General) and a delegation from the World Bank (Dr Floribert Nagaruko Executive Director for a group of 22 African countries) was held at Decale Hotel.
During the meeting, Prof Ciise emphasised that the investment outlook of the SCCI on Somalia and the World Banks’ view as per the World Banks’ Somalia System Country Diagnostic (SCD) document concur and align closely, and so he suggested a second meeting. Prof. XALANE also pointed out the reinvigoration of the Public Private Dialogue and the Public Private Partnership initiatives will lead to an increase in investments.
Furthermore, he shared with the Executive Director the Chambers’ efforts to encourage the establishment of a new class of businesses out of the informal sector of the economy capable of engaging in modern business practises such as the taking and repayment of loans through the training received by entrepreneurs through the EDU programme.
Munaasabad balaaran oo loogu dabaal-dagga guusha cafinta deyntii lagu lahaa Soomaaliya ayaa waxaa lagu qabtay Madaxtoyadda Soomaaliya, waxana kaso qeyb galay masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, xukuumadda, maamulka Gobolka Banaadir, madaxda hey’adaha amniga, Ganacsato ay hogaaminayeen mamulka Rugta Ganacsiga, culima’udiinka iyo qeybaha bulshada. Soomaaliya ayaa laga cafiyey balaayiin dollar oo dayn ah oo ay ku lahaayeen waddamo iyo hay’ado maaliyadeed oo caalamka ah sida lagu shaaciyey munaasabad ka socota magaalada New York oo ay ka qeyb galayaan masuuliyiinta IMF, Bankiga aduunka iyo dowlada Somalia.
Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa si wada jir ah goor dhaw ugu dhawaaqay in Soomaliya laga cafiyey daynta, ka dib 11-sano oo ay ku soo jirtay geedi socodka deyn cafinta, taas oo Soomaaliya siinaysa fursad wayn oo ay kula falgasho caalamka. Wasiirka wasaaradda Maaliyadda dowladda FS oo ka qaybgalay madasha go’aan qaadasha ee Soomaaliya looga cafiyey deyn gaaraysa $4.5 bilyan ayaa uga mahadceliyey Bangiga adduunka iyo hay’adda IMF taageerada ay Soomaaliya ku siiyeen inay soo gaarto heerkan.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyed oo kamid ah masuuliyiinta goobta ka hadashay ayaa ugu horeyntii u hanbalyey guusha deyn cafinta “ Caawa habeenada kale waa nooga duwan yahay ka ganacsato ahaan, waxaan gaarnay guul waxaana uu dalkeena heli donaa maalgashi.”