Somali Chamber of Commerce and Industry

HAY’ADDA MAARAYNTA MUSIIBOOYINKA QARANKA SOOMAALIYEED OO KULAN LA QAADATAY RUGTA GANACSIGA.

Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda, Mudane Maxamuud Macalin ayaa kulan la qaatay Ganacsato ay hogaaminayaan Mamulka sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray ka hortaga musiibooyinka dhicikara sanadkaan, taasi oo ku timid daraasad lagu odorosay.

Read more

BANDHIGA SUUQ WEYNAHA MUQDISHO.

Guddomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabeyre” oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Mudane Cabdiraxman Cabdullahi Adam “Galambi” iyo Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga, ahna Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland Mudane Xuseen Raabi Kaahin, ayaa ka qayb galay Bandhiga Suuq Weynaha Muqdisho oo sanadkii 5-aad maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.

Read more

MADASHA AQOON ISWEYDAARSIGA WACYIGELINTA IYO FAHAMKA HESHIISKA AFCFTA IYO HIRGELINTA XOG-KEYDIYAHA GANACSIGA SOOMAALIYA

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha – Soomaaliya ayaa soo qaban qaabisay Madasha aqoon isweydaarsiga wacyigelinta iyo fahamka heshiiska AFCFTA iyo hirgelinta xog-keydiyaha ganacsiga Soomaaliya, waxaana kaso qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ka kala tirsan Barlamaanka, xukuumadda, iyo Ganacsato ay hogaaminayaan masuuliyiinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, iyo Bulshada Rayidka.

Read more

MUNAASABADDA DAAHFURKA DAYACTIRKA DIYAARADAHA EE GAROONKA AADAN-CADDE.

Shirkadda Erosom ayaa manta loo daah-furay goob loogu tala galay in lagu dayactiro diyaaradaha “Maintenance repair overhaul MRO” munaasabadda daah-furka oo aheed mid heerkedu sareyo, ayaa waxaa kaso qayb galay masuliyiin kala duwan oo ay ugu horeeyaan xubno katirsan Barlamaanka labadiisa aqal, Wasiirada Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliyeed, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaddaha Soomaaliyeed, Ganacsato ay hogaaminayaan mamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed. Iyo culuma’udiin.
Shirkadda Erosom ayaa ah shirkadii ugu horeysay ee qaada jaha ka gadisan midkii lagu yaqaanay gancsatada dalka, dhanqanka Ganacsiga Soomaaliya iyo tarikhdiisa intaba, waxaana laxoojiyay in fikirka nucaan ah uu yahay midka keenaya hormarka Ganacsiga Soomaalida, ayna kabi-karana dhaqalaha dalka. Yagleelidda shirkadaani ayaa waxaa iska kaashaday ganacsato Soomaaliyeed.
Dhamaan masuuliyiintii kulanka kaso qayb gashay ayaa bogaadiyay adeega ay soo kordhisay shirkada Erosom. Ugu danbeyntii Wasiirada Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliyeed oo kulanka soo xertay ayaa ganacsatada ugu baqdayin in ay malgashadaan dhanka duulista hawada, halkaasi oo ay kajiraan fursado ganacsi oo farabadan.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci

WASIIRADA WASAARADDA DEEGAANKA IYO ISBEDDELKA CIMILADA OO LA KULMAY MAMULKA RUGTA GANACSIGA.

Wasiirada Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada – JFS marwo Khadija Mohamed Al-makhzoumi ayaa kulan la qaadatay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamud Cabdi Cali “Gabeyre” oo ay wehliyaan Gudoomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Mudane Cabdiraxman Cabdullahi Adam “Galambe” iyo Agaasime ku-xigeenka Rugta Ganacsiga ahna Madaxa arimaha Carabta Mudane Cabdinasir Jimcale.

Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saarayay yareynta iyo joojinta soo dhoofinta bacaha halmar isticmaalka ah oo khatar ba’an ku haya deegaanada soomaaliyeed, iyo sidii ay ganacsatada dalku kaalin uga qaadan lahaayeen wax Ka qabashada is badalka Cimilada, warshadaha dalkuna ula jaanqaadi lahaayeen teknolojiyada casriga ah ee hoos loogu dhigayo Sare u kaca here kulka.
Ugu dambeyntii, Wasiirada Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa xustay doorka Ganacsatada Soomaaliyeed ay ka qaadan karaan dadaallada wax looga qabanaayo arrimaha deeganka iyo Isbeddelka Cimilada.Waxaana ay carabka kudhufatay dhibatada ay bacdu ku heyso guud ahaan deegaanada dalka.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
  • Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci

MAALINTA CAALAMIGA EE FURDOOYINKA CAALAMKA ”INTERNATIONAL CUSTOMS DAY”

Xaflad loogu dabaal degaayay Maalinta Furdooyinka Caalamga oo ku beegan 26-January-2024, ayaa waxaa dekedda Magaaladda Muqdishu ku qabtay, furdooyinka Soomaaliya. Munaasabadaani oo aheed mid heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa kaso qayb galay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS 𝐗𝐢𝐥𝐝𝐡. 𝐁𝐢𝐢𝐱𝐢 𝐈𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda 𝐗𝐢𝐥𝐝𝐡. 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐪𝐚𝐟𝐚𝐚𝐫 𝐂. 𝐗𝐚𝐚𝐧𝐠𝐞, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Saleiman Sh. Cumar, Agaasimaha guud ee Dakhliga Faysal M. Xaashi, Agaasimaha furdooyinka, Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Guur, Guddoomiye Ku Xigeenka Bankiga Dhexe Mudane Dr. Ali Yaasiin, Maareeyaha Dekedda Xamar Mudane Axmed Washington, Madaxa Howlaha Guud ee Al Beyrak Mudane Jockan, iyo Ganacsato uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamud Cabdi Cali “Gabeyre”
Gaba-gabadii xafladda ayaa waxa shahaadooyin la guddon siiyay Rugta Ganacsiga, qar kamida ganacsatada soodajinta, Bangiga Dhaxe iyo xubno ka tirsan howl wadeenada furdooyinka Soomaaliya. Dhamaan masuuliyiintii kaso qayb gashay xafladda ayaa u hanbalyeeyay furdooyinka Soomaaliya iyo Furdooyinka Caalamka, waxaana ay kula dar-daarmeen in howlaha ay bulshada u haayaan ay kordhiyaan, ayna fududeeyaan adeeg yada Ganacsiga dalka.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci
         

Somali Magazine ayaa ku dhawaaqday shaqsiyaadka ugu saameenta badan Soomalida 2023

Liiska Shaqsiyaadka ugu sameynta badnaay sanadkii 2023 ayaa waxaa ka mid ah Ganacsato sameyn weyn ku dhax leh bulshada Soomaaliyeed, oo uu kamid-yahay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga mudane Maxamud Cabdi Cali “Gabeyre” waxaa uu sanadkaasi ku howlanaay horumarinta xiriirka ganasatada, horumarinta wax soosarka dalka, iyo isku xirka xiriirka Ganacsiga gudaha iyo dibadda, waxaana uu wax weeyn ka qabtay sanadkii 2023. Sido kale waxaa kamida liiska 100 qof ee ugu sameynta badneed, Guddoomiyaha shirkadda Hormuud Telecom, mudane Axmed Maxamuud Yuusuf, “Axmed-sacuudi”oo guula waweyn ay shirkadiisu ka soo hooysay caalamka. Iyo ganacsato kale kuwaasi oo horumar lataaban karo ka gaaray dhanka Ganacsiga, ayaa ka mid-naqaday liiska 100 qof ee ugu sameynta badan 2023.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci

Guddiga Gaadiidleyda Soomaaliyeed ayaa lakulmay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

Guddiga Gaadiidleyda Soomaaliyeed ayaa lakulmay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamud Cabdi Cali “Gabeyre” oo uu wehliyo Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir Mudane Axmed Cabdullahi Xasan “Shariif”
Masuuliyiinta Rugta Ganacsiga ayaa ugu horeyntii waxaa ay warbixin ku aadan dhibaatada fatahaaduhu ay ka geysteen wadada isku xerta Afgoye iyo Wanla-Weyn ka dhageysteen Guddiga Gaadiidleyda Soomaaliyeed.
Wadada isku xerta Afgoye iyo Wanla-Weyn ayaa waxaa saameyn ku yeeshay fatahaado, taasi oo qayba kamid ah uu soo gaaray bur-bur xoogan, Guddiga Gaadiidleyda ayaa sheegay muhiimada ay wadadaasi u leedahay isku socodka gaadiidka iyo Ganacsiga, u kala goosha Gobolka Banaadir iyo gobolada konfureed.
Masuuliyiinta Rugta Ganacsiga ayaa uxil-saaray gudi ka kooban maamulka gaadidleyda Soomaaliyeed iyo ganacsto kasoo tala bixisa baaxadda bur-burka wadada, iyo shirkaddii loo xilsaari lahaa dhismaha wadadaasi. Waxaana iska kaashan doonaan gudiga gaadiidleyda, Ganacsato muxsiniin ah iyo hay’adda mareynta musiibooyinka qaranka.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci

FURSADAHA IYO CAQABADAHA GANACSI EE DAYN CAFINTA IYO KU BIIRISTA SUUQA BARIGA AFRIKA.

Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa soo qaban qaabisay madal looga hadlaayay “Fursadaha iyo Caqabadaha Ganasi ee dayn Cafinta iyo ku biirista Suuqa Bariga Afrika” waxaana kaso qayb galay masuuliyiin kasocotay Waaxaha Rugta Ganacsiga, Gudiga Dhaqaalaha Qaranka, iyo bulshada qayba heeda kala duwan.

Masuuliyiinta Gudiga Dhaqaalaha Qaranka ayaa soo bandhigay warbixino ku aadan herarka laga soo maray Dayn Cafinta iyo Ku-biirista Suuqa Bariga Afrika; sidookale waxa ay carabka kudhufteen Fursadaha ku biirista Suuqa Bariga Afrika uu uleeyahay guud ahaan dalka gaar ahaan ganacsatada, waxaana ay sheegeen qaybaha ay tahay in ganacsatada Soomaaliyeed ay xooga saran hormarintooda, si ay uga faa’ideystaan ku biirista Suuqa Bariga Afrika.

Dr kamaludiin oo kamid ah Masuuliyiinta Gudiga Dhaqaalaha Qaranka ayaa sido kale ku xeel dheeraaday ka-hadalka faa’iidoyinka Suuqa Bariga Afrika iyo cab-siyadda ay dadka Soomaaliyeed oo ay kamid yahiin ganacsatada kaqabaan, asaga oo carabka kudhuftay in uu jiro sharci iyo isteebyo ay tahay in lamaro.

Guddomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed mudane Maxamud Cabdi Cali “Gabeyr” oo kulanka soo xeray ayaa ganacsatada ugu baaqay in ay ayagu marka hore midooban ayna dib u-habeeyn ku sameeyaan ganacsiyadooda, si ay ula jaan qadaan ganacsigayada aan ku-biirnay ee Suuqa Bariga Afrika.

 

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci
    

SHIRWEYNAHA DHIIRIGALINTA MAALGASHIGA KALLUMEYSIGA

Xarunta Dhaxalreeb ayaa soo qaban qaabisay Shirweynaha Dhiirigelinta Maalgashiga Kalluumeysiga, kaasi oo diiradda lagusaarayay sida loo hormarin lahaay wax soo sarka Kalluumeysiga dalka, kulankaani oo socday muddo laba maalin ah, ayaa waxaa si rasmi ah looga dooday sababaha dib udhaca ku keenay maalgashiga kheyraadka badda, Caqabadaha hortaaggan in ganacsatada yaryari helaan maalgelin bangi.

Kulankani ayaa waxaa kaso qayb galay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, H.E Maxamuud Cabdiraxmaan Sh. Faarax ‘Beenabeene’, Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah,H.E Axmed Xasan Aadan, Ganacsatadda Kalluumaysiga oo uu hogaaminaayo Guddomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane Maxamud Cabdi Cali “Gabeyre” iyo Bahda Wax barashadda Dalka.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane “Gabayre” oo kamid ah masuuliyiinta kulanka soo xertay ayaa ugu horeynti soo dhaweyay shirka waxana uu tilmaamay ka Rugta Ganacsi ahaan in kalluumeysiga laga hadlo ay muhiimad weyn uleedahay, lana joogo waqtigi laga fa’iideysan lahaay kallunka iyo dhamaan qayraadka badda kujira.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci