Somali Chamber of Commerce and Industry

SHIRKA SOO BANDHIGIDA HORUMARKA IYO GUULAHA LAGA GAARAY AMINIGA CAASIMADDA 2023IYO SII JOOGTEYN-TOODA 2024

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa soo qaban qaabiyay Shirka Soo Bandhigida Horumaka iyo Guulaha Laga  Gaaray Aminiga Caasimadda 2023 iyo sii Joogteyn-Tooda 2024. Munaasanbadaani oo aheed mid her sare loo soo agaasimay laguna marti qaaday qubaro ku xeeldheer Amnig, horayna kaga soo shaqeeyay Aminga Dalka, Xubno kartirsan Labada Aqal ee Barlamaanka, Wasiiro uu hogaaminaayo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Mudane Mudane Xamsa Cabdi Barre, Ganacsato, Culuma’udiin iyo Bulshada Rayidka ah.

Dhamaan masuuliyiinta kulanka kaso qayb gashay ayaa tilmaamay in sanadka 2023 wax muuqda laga qabtay Amniga Caasimadda iyo guud ahaan dalka, hadane ay tahay in laga sii xoojiyo halka uu hadda joogo Amniga Caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay shir ayaa tilmaamay in Dowladnimadu aysan horumar sameyn karin haddii aan amniga la xaqiijin, isla markaana uu fure u yahay nolosha oo dhan, isaga oo ugu baaqay ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan doorkooda hormarinta Amniga Dalka.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa si faah-faahsan uga warbixiyey guulaha amni ee ay caasimaddu gaartay, isagoo tilmaamay in amni la’aan aysan jirayn nolol iyo horumar dowladeed, sidaas awgeedna uu gobalka banaadir xoogga saaray sidii amniga caasimada loo xaqiijin lahaa, waxa uuna amaanay doorka laamaha amaanka oo aan la’aantood la gaareen guulaha intaa la’eg oo ay har iyo habeen u soo jeedaan.

 

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci

 

 

 

      

WAAXAHA RUGTA GANACSIGA OO KULAN LAQAATAY XUBIN KA TIRSAN AQALKA WAKIILLADA GOBOLKA MINNESOTA EE DALKA MAREYKANKA.

Qayba kamid ah waaxaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabayre” ayaa la kulmay Xildhibaanad Hodan Xasan oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka oo ay wehlineysay Xildhibaanad Cayni oo kamid ah Barlamaanka Soomaalliya.

Waxaana kulanka soo qaban qaabsay marwo Amiina Deble oo ah xubinta katirsan Rugta Ganacsiga una qaabilsan arimaha Mareykanka, waxaana diiradda lagu saray hormarinta Ganacsiga is dhaxgalka labada dal, iskashiga, maalgashiga, sara uqaadida dhoofka, iyo soo dajinta. Sodoo kale Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane “Gabayre” ayaa kawar bixiyay fursadaha maalgashiga ee kajira dalka.
Gaba-gabadii waxaa kulanka soo xertay Xildhibaanad Hodan Xasan ayada oo tilmaantay hormarka Ganacsiga Soomaaliyeed in uu yahay mid kubaahay dunida hadana ay kala shaqeyn doonto isku xerka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo Ganacsatada Minnesota ee dalka Mareykanka.

 

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci

 

 

 

 

 

 

BANDHIGGA GANACSIGA SOOMAALIYEED SANADKIISA 4AAD EE SOMALIA TRADE SHOW

Somalia Trade Show ayaa sanadkii 4aad waxaa ay qabatay Bandhiga Ganacsiga, waxaana kaso qayb galay Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Sadad Caliyow, Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo maaliyda Gobalka Banaadir Mudane Ciise Guure, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabayre” iyo Ganacsatada qaybaheeda kala duwan.

Dhamaan masuuliyiinta kaso qayb gashay ayaa soo dhaweeyay Bandhiga, waxaa ayna amaan iyo bogaadin udireen madaxda Somalia Trade Show kuwaasi oo ku dhabar adeegay hergalinta iyo joogteenta Bandhig Carweedka Ganacsiga oo ay qabteen Sanadkii 4aad.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane “Gabayre” oo kamid ah masuuliyiinta goobta ka hadashay ayaa yiri “Bandhigaani waxa uu fursad u-yahay qof kasta ee kasoo qayb gala, waa madal ay ku kulmeen ganacstada iyo macaamiishooda. Waan uga mahadcelineynaa Somalia Trade Show Bandhiga Ganacsigga Soomaaliyeed, in meelo kabalaaran lagu qabtana waan rajeeynayaa sida carwadii dalka”.

 

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci

 

   

a meeting between the Somali Chamber the Ministry of Finance and Director General and a from the World Bank (Dr Floribert Nagaruko Executive Director

On the 19th Dec. 2023, a meeting between the Somali Chamber (Deputy President Mr Abdirahman Galaanbi, and Deputy Director General Prof Ciise M Xalane), the Ministry of Finance (State Minister and Director General) and a delegation from the World Bank (Dr Floribert Nagaruko Executive Director for a group of 22 African countries) was held at Decale Hotel.

During the meeting, Prof Ciise emphasised that the investment outlook of the SCCI on Somalia and the World Banks’ view as per the World Banks’ Somalia System Country Diagnostic (SCD) document concur and align closely, and so he suggested a second meeting. Prof. XALANE also pointed out the reinvigoration of the Public Private Dialogue and the Public Private Partnership initiatives will lead to an increase in investments.

Furthermore, he shared with the Executive Director the Chambers’ efforts to encourage the establishment of a new class of businesses out of the informal sector of the economy capable of engaging in modern business practises such as the taking and repayment of loans through the training received by entrepreneurs through the EDU programme.

 

 

  

MUNAASABADDA GUUSHA TAARIKHIGA AH EE DHAMEYSTIRKA DEYN-CAFINTA SOOMAALIYA

Munaasabad balaaran oo loogu dabaal-dagga guusha cafinta deyntii lagu lahaa Soomaaliya ayaa waxaa lagu qabtay Madaxtoyadda Soomaaliya, waxana kaso qeyb galay masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, xukuumadda, maamulka Gobolka Banaadir, madaxda hey’adaha amniga, Ganacsato ay hogaaminayeen mamulka Rugta Ganacsiga, culima’udiinka iyo qeybaha bulshada. Soomaaliya ayaa laga cafiyey balaayiin dollar oo dayn ah oo ay ku lahaayeen waddamo iyo hay’ado maaliyadeed oo caalamka ah sida lagu shaaciyey munaasabad ka socota magaalada New York oo ay ka qeyb galayaan masuuliyiinta IMF, Bankiga aduunka iyo dowlada Somalia.

 

Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa si wada jir ah goor dhaw ugu dhawaaqay in Soomaliya laga cafiyey daynta, ka dib 11-sano oo ay ku soo jirtay geedi socodka deyn cafinta, taas oo Soomaaliya siinaysa fursad wayn oo ay kula falgasho caalamka. Wasiirka wasaaradda Maaliyadda dowladda FS oo ka qaybgalay madasha go’aan qaadasha ee Soomaaliya looga cafiyey deyn gaaraysa $4.5 bilyan ayaa uga mahadceliyey Bangiga adduunka iyo hay’adda IMF taageerada ay Soomaaliya ku siiyeen inay soo gaarto heerkan.

 

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyed oo kamid ah masuuliyiinta goobta ka hadashay ayaa ugu horeyntii u hanbalyey guusha deyn cafinta “ Caawa habeenada kale waa nooga duwan yahay ka ganacsato ahaan, waxaan gaarnay guul waxaana uu dalkeena heli donaa maalgashi.”

 

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci

 

 

  

 

 

XAFLADDA MAHAD CELINTA MADAXWEYNAHA IYO SOO DHAWEYNTA KU BIIRISTA SOOMAALIYA EE URURKA “EAC”

Xarunta Tiyaatarka Qaranka ayaa waxaa caawa lagu qabtay munaasabay uu Gobolka Banaadir Soo qaban qaabiyay taasi oo loogu mahad celinaayay Madax-weynaha Dalka Dr Xasan Shekh Maxamuud, laguna soo dhaweynayay ku biirista ay Soomaaliya ku biirtay Bulshadda Bariga Afrika EAC.

Munaasabaddani ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir, waxana kaso qayb galay xubno ka tirsan Golaha Shacabka, Wasiiro, maamulka Rugta Ganacsiga, iyo Bulshadda qaybaheeda kala duwan. Dhamaan masuuliyiintii goobta kahadashay ayaa soodhaweeyay kana mahad celiyay shaqadda culus ee Madax-weynuhu qabtay, sidookalne aad uso dhaweyay kubiirista Bulshadda Bariga Afrika ee EAC

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabeyre” “anaga waxaa ay inootahay maalin gaar ah ganacsatadeena, shaqadda hadda loo diyaar garoobaayo horay ayaan usii qabanay, Ganacsatada Soomaaliyeed waxa ay dagan yahiin kana shaqeystaan waddan intooda badan, balse waxaa inagu soo biirtay in aan heli doono xuriyad, in kabadan 300 oo milyan ayaan la ganacsan doonaa, kuna dhax safri doona, Soomaalidu Ganacsiga aad ayeey ugu indha furan yahiin, sidaas darteed mudane Madax-weyne waxaan ku laanahay anaga dhan waxaad qabatay shaqo aad muhiim uu ah dalka iyo dadka Habalyo ayaana kulaanahay”

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci

 

DAAH-FURKA HIIGSIGA SOOMAALIYA EE 2060

Guddiga Golaha Dhaqaalaha Qaranka Soomaaliyeed oo ka duulaya Hormarinta dhaqaalaha dalka ayaa waxa ay soo qaban qabiyeen munaasabad heerkeedu sareeyo loogana hadlaayay Hiigsiga Hormarka dhaqaalaha ee 2060 la rabo in lagaaro.

Munaasabadani oo aheed mid her caalami ayaa waxaa si rasimi ah u dah-furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana sido kale ka soo qeyb-galay masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, wakiillada beesha Caalamka iyo Ganacsato ay hor kacayaan masuulinta Rugta Ganacsiga iyo Ururrada bulshada Rayidka ah. Munaasabadda ayaa waxaa lagu soo bandhigay qorsheyaasha muddaysan ee horyaalla shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, ee larabo in wadajir loo hiigsado.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbad uu ka jeediyey munaasabadda waxa uu sharraxay caqabadaha soo laalaabtay ee dib dhigay nolasha dadka Soomaaliyeed oo ay ugu horreyaan colaadaha, amni darrada, abaaraha iyo fatahaadaha isdaba jooga, waxa uuna sheegay in uu muhiim yahay hiigsigan oo isku xiraya jiilasha maanta iyo kuwa mustaqbalka. “Maanta, waxaan bilaabaynaa safar cusub, safar u horseedaya dalkeenna barwaaqo iyo horumar. Hiigsiga Qarn ee 2060-ka waxa uu muujinayaa sida ay nooga go’an tahay in aan ka gudubno caqabadaha hadda jira, annagoo aasaas adag u abuurayna jiilasha soo socda”.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabeyre” oo kamid ah masuuliyiinta goobta ka hadashay ayaa soo dhaweyay qorshaha hiigsiga Qaranka ee 2060ka, waxana uu tilmaahay in uu muhiim uyahay hormarinta dhaqaalaha wax soo saarka dalka iyo ganacisga.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci
 

RA’IISUL WASAARE KU-XIGEENKA XFS OO KULAN LA QAATAY QAAR KAMID AH GANACSATADA DALKA.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan la yeeshay qaar kamid ah qaybaha kala duwan ee ganacsatada dalk, kulani  ayaa waxaa looga hadlayay dhibaatooyinka ay sababeen roobabka dayrta ee ka da’aya qaar kamid ah gobollada dalka.

Kulanka ayaa waxaa lagu soo bandhigay xaaladda dhabta ah ee ay sababeen roobabka, waxaana ilaa iyo hadda inta la xaqiijiyey ku dhintay daadadka iyo fataahadaha ka da’ay qaar kamid ah gobollada dalka, dadka gaaraya 25 ruux, iyada oo ay saameyn ku yeesheen 717, 825 kun oo qof.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in xaaladdu ay ka sii dari karto, maadaama ay soo wajahan yihiin roobab iyo daadad cusub sida ay tilmaameyso saadaasha iyo digniinaha soo baxaya. Mudane Saalax ayaa hoosta ka xariiqay sida ay lagama maarmaan u tahay in la helo xeelad walba oo gurmad loogu fidin karo meelaha ay go’doomiyeen daadadka iyo fatahaadaha is wata.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabayre” oo ku hadlaayay magaca ganacsatada kulanka kasoo qayb galshay ayaa sheegay in ay dhankooda ay diyaar u yihiin gurmadka walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaatadu ka soo gaartay fataahadda iyo daadka ay sababeen roobabkii dayrta ee ka da’aya dalka.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci

HEY’ADDA ILO OO TABABAR SARA LOOGU QAADAAYAY LOOSHAQEEYAASHA DALKA MANTA MUQDISHO KA FURTAY.

Hey’adda Caalamiga ILO oo kaashaneysa Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa manta tababar soconaaya muddo sadax cesho ah uga farta Looshaqeeysha dalka, kaasi oo kor loogu qaadaayo Xirfadaha, iyo sharciyadda loo shaqeeyaashu ay ku maamuli lahaayeen shaqaalahooda. Waxaana ka qayb galay waxaha kala duwan ee Rugta Ganacsiga ay ka koobantahay.

Shirkaani oo ahaay mid heer caalami ah ayaa waxaa furay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabayre” “Taba barkaani Muhiimad gaar ah ayuu inoo leeyahay hadeynu nahay Rugta Ganacsiga, waayo shaqaalaha ugu badan ee dalka waxaa ay ka shaqeeyaan qeybaha kala duwan ee gaarka loo leeyahay ee dalka kajira.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci

BANDHIGGA GUULEYSTAYAASHA SOOMAALIYEED

Waxaa hoolka sahal ee magaaladda muqdisho ka furmay Bandhigga Guuleystayaasha Soomaaliyeed, bandhigaani ayaa waxaa soo qaban qaabiyay shirkadda hormuud telecom Soomaaliya, bandhigaani ayaa ahay mid lagu talagalay in lagu dhiirrigeliyo ganacsatada Soomaaliyeed, ee adeegyada muhiimka ah u haya bulshadeenna, iyo in lagu dhiirrigelinayo ganacsatada iyo iskaashatooyinka Soomaaliyeed ee u taagan in ay bulshadeenna wax ay cunaan uga soo saaraan beeraha, xoolaha iyo badda.

Bandhigaani ayaa waxaa kasoo qayb galay qaar kamid ah Golaha wasiiradda XFS oo uu hogaaminaayo Rai’sul wasaaraha Dalka Mudan Xamza Cabdi Barre, Ganacsato ay hormuud utahay Rugta Ganacsiga, iyo Bulsha weynta Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwn.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabayre” oo kamid ah masuuliyiintii goobta ka hadashay ayaa yiri “Shirkadda Hormuud waxa ay indho u tahay bulshada. Waxaan ku ammaanaynaa sida ay bulshadeenna ugu gurmato xilliyada adag oo fatahaadaha, abaaraha, iyo musiibooyinku dhacaan. Waxaan ku bogaadinaynaa in ay sannadkaanna dhiirrigelinayaan wax-soo-saarka Dalka. Soomaaliya waa dal hodan ah. Waxaana rajaynaynaa in uu shirkaan fure u noqdo Soomaali isku filan, oo is quudiso.”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo khudbad dhinacya fara badan taabaneysa munaasabadda ka jeediyay ayaa adkeeyey in awood-siinta ganacsatada Soomaaliyeed iyo xaqiijinta suuqyo loo iib geeyo wax-soo-saarka dalkeenna ay kor u qaadeyso dhaqaalaha iyo horumarka dalka, isagoo xusay in Dhaqaalaha dalka uu ku horumari karo kaliya suuqa oo noqda mid xor ah iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay oo la tayeeyo.

 

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci

#Waxsoosaar #BGS23 #GuulSoomaaliyeed