






Somali Chamber of Commerce and Industry











Ganacsato uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabaire”, ayaa ka qeyb-galay Munaasabad uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud xariga uga jaraayay xarunta Keydka Gaaska ee Banaadir (Banadir Gas Terminal LTD). Munaasabaddaani oo aheed mid herkeedu sareeyo ayaa waxaa kaso qayb galay Xildhibaano, Wasiiro, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, iyo qaybaha kala duwan ee Ganacsatada dalka.
Guddoomiyaha Shirkadda SFC Mudane Ismaaciil Abdullahi Siyaad “Gooni” ayaa ugu horeyntii ka hadlay heerarka ay Shirkaddu soo martay, iyo sida lagu bilaabay Banaadir Gas (Banadir Gas Terminal LTD), “waxaa maal-gashaday Ganacsato Soomaaliyeed oo iska kaashaday”
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, oo munaasabadda ka hadlay ayaa ugu horeyntii ka mahad celiyay iskaashiga Ganacatada Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in la joogo waqtigii ay Ganacsatadu iska kaashan laheed, maal-gashiga Hormarinta Warshadaha dalka.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ku amaanay doorka maalgelinta kaabayaasha kala gedisan ee dalka, waxa uuna xusay in ay ka go’an tahay dhiiragelinta Ganacsatada si ay u maalgishtaan dalkooda.
Ugu danbeyntii Madaxweymaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabadda soo xeray, ayaa Ganacsatada ku dhiiri galiyay in ay maalgashadaan Kaabayaasha dhaqaalaha dalka, waxaaana uu yiri “waxaan rajeynayaa in dhowaan Gaaska dalka dibadaiisa nooga yimaada uu dalkeenna nooga soo baxidoono.”.

Shirka Isku-imaatinka Maalgashiga Qurba-joogta Soomaaliyeed ayaa ka furmay maanta magaalada Muqdisho,shirkan ayaa waxa looga hadlay doorka qurbejoogta Soomaaliyeed ee maalgashiga dalka. Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda waaxda Jaaliyaddaha Qurbejoogta ayaa waxa ka qayb galay Madax iskugu jira Xildhibaano, Wasiiro, xubno kala duwan oo ka kala socday Haya’addaha Dowladda, iyo Ganacsato ay hogaamineyso Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.
Guddomiyha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabaire”, oo kahadlay Shirka Isku-imaatinka Maalgeshiga Qurba-joogta Soomaaliyeed, ayaa ugu horeyntii so dhaweyay shirka waxana uu yiri “Qurbajoogta Soomaaliyeed waxaan leenahay dhallinyarada dalka kusoo celiya”
Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi oo shirka furay ayaa sheegay in qurbejoogtu kaalin xooggan ka geysteen maalgashiga Dalka,koboca nolosha Bushada iyo difaaca dalkaba ay kaali weyn ka geysteen










Shir Sanadeedka Ururka Midwga Jaamacadaha Soomaaliyeed ayaa manta ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana kaso qayb galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare XFS Mudane Farah Sheikh Abdulkadir, Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Mire, Guddomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Cabdiraxman Cabdullahi Adam “Galambe” iyo Xubno ka socda Jaamacadaha dalka iyo Guud ahaan bahda wax barashada.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare Mudane Farah Sheikh Abdulkadir, ayaa soo dhaweeyay, waxaa uuna sheegay in meesha umadda laga hogaamiyo ay tahay wax barashada sare, Ururkaane loga baahan yahay in ay wax ka badalaan fakarka iyo maskaxda dhalilyarada Soomaaliyeed ee kujira ama kuso biiri doona Jaamacadaha, sidokale in uu Ururku sameeyo Cilmi Baarisyo ay iska kaashanayaan dhaxdooda, laguna xalinayo mashaakilaadka kajira guud ahaan dalka.
Gudoomiyaha Midowga Ururka Jaamacadaha Professor Bideey, waxaa uu isna sheegay in shirkaani loogu tala galay inla isku xog wareysto, waxyaabihii u qabsamay Ururka iyo waxyaabaha u qorsheysan sanadkaan, si loogaaro horuma.
Guddomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Cabdiraxman Cabdullahi Adam “Galambe” ayaa isna bogaadiyay Midowga Jaamacadaha, waxaanuu sheegay in la joogo waqtigii Bahda waxbarashada ay kor u qaadi lahaayeen tayada waxbarashada sare.





