HEY’ADDA ILO OO TABABAR SARA LOOGU QAADAAYAY LOOSHAQEEYAASHA DALKA MANTA MUQDISHO KA FURTAY.

Hey’adda Caalamiga ILO oo kaashaneysa Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa manta tababar soconaaya muddo sadax cesho ah uga farta Looshaqeeysha dalka, kaasi oo kor loogu qaadaayo Xirfadaha, iyo sharciyadda loo shaqeeyaashu ay ku maamuli lahaayeen shaqaalahooda. Waxaana ka qayb galay waxaha kala duwan ee Rugta Ganacsiga ay ka koobantahay.

Shirkaani oo ahaay mid heer caalami ah ayaa waxaa furay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabayre” “Taba barkaani Muhiimad gaar ah ayuu inoo leeyahay hadeynu nahay Rugta Ganacsiga, waayo shaqaalaha ugu badan ee dalka waxaa ay ka shaqeeyaan qeybaha kala duwan ee gaarka loo leeyahay ee dalka kajira.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci

BANDHIGGA GUULEYSTAYAASHA SOOMAALIYEED

Waxaa hoolka sahal ee magaaladda muqdisho ka furmay Bandhigga Guuleystayaasha Soomaaliyeed, bandhigaani ayaa waxaa soo qaban qaabiyay shirkadda hormuud telecom Soomaaliya, bandhigaani ayaa ahay mid lagu talagalay in lagu dhiirrigeliyo ganacsatada Soomaaliyeed, ee adeegyada muhiimka ah u haya bulshadeenna, iyo in lagu dhiirrigelinayo ganacsatada iyo iskaashatooyinka Soomaaliyeed ee u taagan in ay bulshadeenna wax ay cunaan uga soo saaraan beeraha, xoolaha iyo badda.

Bandhigaani ayaa waxaa kasoo qayb galay qaar kamid ah Golaha wasiiradda XFS oo uu hogaaminaayo Rai’sul wasaaraha Dalka Mudan Xamza Cabdi Barre, Ganacsato ay hormuud utahay Rugta Ganacsiga, iyo Bulsha weynta Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwn.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabayre” oo kamid ah masuuliyiintii goobta ka hadashay ayaa yiri “Shirkadda Hormuud waxa ay indho u tahay bulshada. Waxaan ku ammaanaynaa sida ay bulshadeenna ugu gurmato xilliyada adag oo fatahaadaha, abaaraha, iyo musiibooyinku dhacaan. Waxaan ku bogaadinaynaa in ay sannadkaanna dhiirrigelinayaan wax-soo-saarka Dalka. Soomaaliya waa dal hodan ah. Waxaana rajaynaynaa in uu shirkaan fure u noqdo Soomaali isku filan, oo is quudiso.”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo khudbad dhinacya fara badan taabaneysa munaasabadda ka jeediyay ayaa adkeeyey in awood-siinta ganacsatada Soomaaliyeed iyo xaqiijinta suuqyo loo iib geeyo wax-soo-saarka dalkeenna ay kor u qaadeyso dhaqaalaha iyo horumarka dalka, isagoo xusay in Dhaqaalaha dalka uu ku horumari karo kaliya suuqa oo noqda mid xor ah iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay oo la tayeeyo.

 

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci

#Waxsoosaar #BGS23 #GuulSoomaaliyeed

 

 

 

XAFLADDA FURITAAKA SHAYBARKA BADEECADDAHA

Hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah u daah furtay Sheybaar lagu hubinaayo badeecadaha dalka soogala iyo kuwa kabaxa. Munaasabadda xarig jarka oo ay aheed mid heer sare loo soo agaasimay, ayaa waxaa kaso qayb galay xubno kala duwan oo uu ugu horeyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibbaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Mudane Abdirisaaq Cumar Mohamed, Maareeyaha Hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliyeed Marwo Haawo Ahmed Hassan, Maareeyaha Dekeda Muqdisho Mudane Axmed Maxamed Maxamud, iyo Ganacsto uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane Mohamud Abdi Ali “Gabeyre”

Dhamaan masuuliyiintii kaso qayb galay munaasabadda ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo sheybaar, kaasi oo lagu hubin doono tayada badeecaddaha iyo taariikhdooda si bulshada Soomaaliyeed loo ilaaliyo badqabkooda caafimaadkooda, iyo deegaankooda.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi oo halkaas ka hadlay, ayaa boggaadiyey dadaalka hay’adda Tayodhowrka Soomaaliyeed, waxaana uu tilmaamay inay ka go’an tahay wax ka qabashada iyo joojinta badeecafaha tayadoodu liidato ee loo soo dhoofiyo dalka si loo ilaaliyo badqabka caafimaaf ee noolaha iyo bii’adda.

Ugu danbeyntii Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ayaa dhankiisa boggaadiyey dadaalda hay’adda Tayodhowrka Soomaaliyeed, waxaa uuna sheegay in uu sheybaarkaani kor u qaadaayo dhoofinta wax soo sarka dalka iyo tayadda alaabta dalka imaanaaya, sido kalane uu yareynaayo tuhunka Ganacsatada Soomaaliyee laga qabo.

 

DHAGAX DHIGA BEERTA DALXIISKA EE JAZEERA.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale “Madaale” Wasiiru Dowlaha Madax-tooyada Mudane Abshir Buqaari, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabayre”  Guddoomiyaha Jazeera Real State, mudane Iman Maxamed Cali, ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay Beerta Dalxiiska ee Jazeera, sidoo kalana xariga ka jaray, Wejiga labaad ee dhismaha Guryaha Jazeera Real State, waxana maal galinaya IBS Bank.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kamid ah masuuliyiinta goobta ka hadashay ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ku amaanay doorka maalgashiga iyo dib u dhiska dalka, waxaana uu ugu baaqay in ay ganacsatadu dalkooda ku kalsoonadaan.Dhanka kale Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ayaa ganacsatada ku amaanay hormarka iyo maalgashiga, sidokalane, uga mahada celiyay shirkadda Jazeera Real State malgashiga balaaran ee ay sameysay.

 

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci
 

SHIR WAYNAHA AQOONSIGA QARANKA

Waxaa magaaladda Mogadishu laga daah furay qaadashada Kaarka Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha, oo lagu beegay maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga Dadweynaha16 Sebtembar. Munaasabaddani oo aheed mid her caalami ah ayaa waxaa daah furay Ra’iisul Wasaaraha XJF Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre. Kaarkaani ayaa hadii uu howl galo waxa uu fa,ido weyn uyahay dhamaan shacabka soomaaliyeed.

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo ka hadlayey munaasabadda daah-furka barnaamijka diiwangelinta iyo Aqoonsiga dadweynaha, ayaa hoosta ka xariiqay in hannaankani uu ka tarjumayo dowladnimada casriga ah ee dalkeenna ka hana-qaaday, isagoo u mahadceliyey Dowladda Pakistan oo gacan weyn ka geysatay iyo hey’adaha kala ah Bangiga Adduunka iyo UNDP.

Shir waynaha Aqoonsiga Qaranka oo socday muddo laba maalin ah ayaa waxaa manta so xeray Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), waxaana uu Shacabka Soomaaliyeed u sheegay in aqoonsiga qaran uu xal u yahay caqabado badan oo haysta bulshada dhexdeeda, kuwaasi oo ay ka mid yihiin, xaqiijinta iyo damaanad qaadka amniga, bixinta adeegyada, shirkadaha, arrimaha doorashooyinka dalka, maalgashiga, iyo  muwaadiniinta Soomaaliyeed si damaanad leh ay adduunka ugu safri karaan.

 

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com, info@somalichamber.so
@somaliacci

GANACSATADA DHOOFKA IYO SOODAJINTA OO KULAN KU YEESHAY XAFIISKA RUGTA GANACSIGE EE DAKADDA MUQADISHO.

Masuuliyiinta Dhoofka iyo Soodajinta dalka oo cabasho ka ah shirkadaha leenariska ayaa xafiiska dakadda Muqadishu ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, kula shir maamulka dakadda, oo u hogaaminayaan, Wasiirka Wasaaradda Dakadaha, Mareeyaha Dakadda, iyo Madaxa Canshuuraka Dakadda Moqadisho, iyo madaxada Rugta Ganacsiga Rugta Ganacsiga.

Ganacsatadda ayaa lawadaagay madaxada, guud ahaan dhibaatooyinka ka heesta dakadda, oo ay kamid yahiin shirkadaha leenareska, ayna tahay in wax laga qabto. Ugu danbeynti Wasiirka Wasaaradda Dakadaha, Madaxa Canshuuraha dakadda iyo Madaxda Rugta Ganacsiga ayaa sheegay in ay wadajir wax uga qaban doonan hadane ay ku howlayahiin.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
somalichamberofcommerce@gmail.com, info@somalichamber.so

SHIRKADAHA DHOOFKA IYO SOODAJINTA OO CABASHO KA MUUJIYAY SHIRKADAHA LEENARISKA AYAA SHIR KU YEESHAY XARUNTA RUGTA GANACSIGA.

Qeyba kamid ah Masuuliyiinta Dhoofka iyo Soodajinta Dalka oo cabasho ka ah shirkadaha leenarska ayaa manta kulankoodi labaad iskugu imaaday xarunta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, waxana ay kulan mira dhal ah la qaateen masuuliyinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Rugta Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabayre”.

Masuuliyiinta Rugta Ganacsiga ayaa dhageystay dhamaan dhibaatooyinka ay ganacatadu kacabanayaan waxana ay ugu danbeynti kaso sareen warsaxaafadeed ay udireen shirkadaha leenareska iyo cidwaliba oo dhibato ku ah howl laha ganacsatada dalka.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
somalichamberofcommerce@gmail.com, info@somalichamber.so

XARUNTA RUGTA GNACSIGA IYO WARSHADAHA SOOMAALIYEED OO LAGU QABTAY KULAN WADA TASHI

Ganacsatadda Soodajinta iyo Dhoofinta, ayaa xarunta Rugta Gancsiga kulan loga arin sanaayay sharciyadda hubinta dukumintiyadda, iyo shahaadooyinka dhoofka iyo soodajinta, kula yeeshay Hey,adda taya dhowrka Soomaaliyeed “Somali Bureau of Standards: (SoBS).

Kulanka ayaa waxaa ganacsatadda ku matalaayay Xubno katirsan Ganacsatadda Dhofka iyo Soodajinta oo ay hogaaminayaan masuliyiinta Rugta Gnacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo Rugta Gnacsiga Gobolka Banaaidir, halka Hey,adda taya dhowrka Soomaaliyeed ay ku matalayeen Gudoomiyaha Maamulka Ee Hay’adda Muqtaar Maxamed Yuusuf , Maareeyaha Hay’adda Marwo Haawo Ahmed Hassan, Mareeye ku xigeenka hay’adda Marwo Suuban Abdi Nur Gaas. Ugu danbeyti labada dhinac ayaa ku balamay kulamo dhereeri ah in ay sameeyaan.

 

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Mr. Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com, info@somalichamber.so
Twitter: @somaliacci

 

 

 

GUDDOOMIYAHA RUGTA GANACSIGA IYO WARSHADAHA SOOMAALIYEED OO SAFAR SHAQO KU TAGAY BELGRADE,

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabayre” oo uu wehliyo Ismaaciil Cabdullahi Siyaad “Gooni” ayaa safar shaqo ku tagay Belgrade, ka dib markii ay casuumaadda rasmi ah ka heleen Dowladda Serbia. Mudane “Gabayre” iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa lakulmay  Madaxa Rugta Ganacsiga Serbia iyo qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga ee dalka Serbiya kuwaas oo ay kamid yihiin Shirkadaha kala ah, Shirkadda weyn ee ganacsiga Beeraha, kaluumeysiga ee ITN Group LTD, Shirkadda YUMIS NIS, Shirkadda Tiknoolajiyadda ee Vlatacom, Shirkadda Thorn ZUMTOBREL Lighting ee ileyska iyo Qalabka Korantadda iyo Soolarka ee Barigga Yurub. Shirkadaha uu la kulmay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ayaa ah shirkadaha Ganacsi ee ugu waawey dalalka Barigga Yurub.

Sidoo Gudoomiye “Gabeyre” ayaa la kulmay dhigiisa Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Serbia, iyo Ku-xigeenkiisa Mudane Marko Čadež iyo Milovan Kocić. Rugaha Ganacsiga labada  dal Somalia iyo Serbia ayaa wada rajeynaya in ka wada Faa’iideystaan xeebta dheer ee Soomaaliya oo Barigga Africa oo dhan u noqon karta marin Ganacsi iyo Serbia oo ah dalka wax soo saar fiican leh weliba dhinac Macdanta, Beeraha Tiknoolajiyadda iyo Warshadaha. Labadda dhinac ayaa ka wada hadlay sidii la isaga kaashaan lahaa Horumarinta Ganacsiga Soomaaliya iyo Serbia sidoo kale Ganacsiga gobolka Geeska Afrika iyo marin-biyood badda Cas.

Ugu Dambayn labadda Rug Ganacsi ayaa u mahad celinayay Safaaradda Soomaaliya ee Belgrade Danjiraha iyo Hawl-wadeenada Safaraadda kaalinta isku xirka ee xiriir u samaynta Ganacsatada labadda Dal Soomaaliya iyo Seerbiya. 🇸🇴🤝🇷🇸

 

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Mr. Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com, info@somalichamber.so
Twitter: @somaliacci

 

DAAHFURKA SOMQR CODE

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa so bandhigay SOMQR CODE, kaasi oo ah mid isku furaayo dhamaan bangiyadda dalka, oo ay ku mideysan yahiin ilaa 13 Bangi. Munaasabadda lagu shaacinayay Hanaanka Qaran ee SOMQR, ayaa waxa kaso qaby galay xildhibaano, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda  Maaliyadda XFS, Midowga Bangiyada, iyo Ganacsato ay hogaamineyso Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabeyre” oo kamid ah ayaa ugu horeynti soodhaweyay shaqadda culus ee bangiga dhaxe uu kutalaab saday waxa uuna sheegay “intaas kadib waxaan bangiyadeena ku amanayaa mesha ay kaso bilaben, run ahaanti xawalad ayaa laga so bilaabay, ayadi ayaa muddo kabacdi isku badashay bangi, ilaa 13 bangi ayeey garayaan, run ahaanti wa aan ku dhibaneen in aan ganacsatadeenu ay mid waliba account kasameystan, waayo in aad qaar katagdid marabtid, in aad wada furatana waa dhibadan tahay, marka in manta lasa meeyay hal meel oo ay ku mideysan yahiin waa guul”

 

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Twitter: @somaliacci