
Somali Chamber of Commerce and Industry

Ganacsato uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabaire”, ayaa ka qeyb-galay Munaasabad uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud xariga uga jaraayay xarunta Keydka Gaaska ee Banaadir (Banadir Gas Terminal LTD). Munaasabaddaani oo aheed mid herkeedu sareeyo ayaa waxaa kaso qayb galay Xildhibaano, Wasiiro, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, iyo qaybaha kala duwan ee Ganacsatada dalka.
Guddoomiyaha Shirkadda SFC Mudane Ismaaciil Abdullahi Siyaad “Gooni” ayaa ugu horeyntii ka hadlay heerarka ay Shirkaddu soo martay, iyo sida lagu bilaabay Banaadir Gas (Banadir Gas Terminal LTD), “waxaa maal-gashaday Ganacsato Soomaaliyeed oo iska kaashaday”
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, oo munaasabadda ka hadlay ayaa ugu horeyntii ka mahad celiyay iskaashiga Ganacatada Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in la joogo waqtigii ay Ganacsatadu iska kaashan laheed, maal-gashiga Hormarinta Warshadaha dalka.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ku amaanay doorka maalgelinta kaabayaasha kala gedisan ee dalka, waxa uuna xusay in ay ka go’an tahay dhiiragelinta Ganacsatada si ay u maalgishtaan dalkooda.
Ugu danbeyntii Madaxweymaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabadda soo xeray, ayaa Ganacsatada ku dhiiri galiyay in ay maalgashadaan Kaabayaasha dhaqaalaha dalka, waxaaana uu yiri “waxaan rajeynayaa in dhowaan Gaaska dalka dibadaiisa nooga yimaada uu dalkeenna nooga soo baxidoono.”.

Shir Sanadeedka Ururka Midwga Jaamacadaha Soomaaliyeed ayaa manta ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana kaso qayb galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare XFS Mudane Farah Sheikh Abdulkadir, Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Mire, Guddomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Cabdiraxman Cabdullahi Adam “Galambe” iyo Xubno ka socda Jaamacadaha dalka iyo Guud ahaan bahda wax barashada.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare Mudane Farah Sheikh Abdulkadir, ayaa soo dhaweeyay, waxaa uuna sheegay in meesha umadda laga hogaamiyo ay tahay wax barashada sare, Ururkaane loga baahan yahay in ay wax ka badalaan fakarka iyo maskaxda dhalilyarada Soomaaliyeed ee kujira ama kuso biiri doona Jaamacadaha, sidokale in uu Ururku sameeyo Cilmi Baarisyo ay iska kaashanayaan dhaxdooda, laguna xalinayo mashaakilaadka kajira guud ahaan dalka.
Gudoomiyaha Midowga Ururka Jaamacadaha Professor Bideey, waxaa uu isna sheegay in shirkaani loogu tala galay inla isku xog wareysto, waxyaabihii u qabsamay Ururka iyo waxyaabaha u qorsheysan sanadkaan, si loogaaro horuma.
Guddomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Cabdiraxman Cabdullahi Adam “Galambe” ayaa isna bogaadiyay Midowga Jaamacadaha, waxaanuu sheegay in la joogo waqtigii Bahda waxbarashada ay kor u qaadi lahaayeen tayada waxbarashada sare.

Guddomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabeyre” oo ay wehliyaan, Guddomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga mudane Cabdiraxman Cabdullahi Adam “Galambi” iyo Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga ahna Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland Mudane Xuseen Raabi Kaahin, ayaa kulan la qaatay Ganacsato u-dhalatay dalka Kuweyt, oo ay wehliyaan, xildhibaano katirsan Barlamaanka JFS.
Bangiga Idman Community Bank ayaa manta xaruntiisi 4aad ka furay magalada muqdisho gaar ahaan suuq Bacaad, munaasabada furitaanka oo aheed mid heer-sare loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qayb galay Guddomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabeyre” Guddomiyha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir, Mudane Axmed Cabdullahi Xasan “Shariif” iyo ganacstada suuq Bacaad oo uu hogaaminaayo Guddomiyaha suuq bacaad mudane Yusuf Shekh Wehliye.
Ugu horeyntii waxaa manaasabada furitaanka xafladda Bangiga ka warbixiyay Guddomiyaha Idman Community Bank Safiirad Khadiija Cosoble Cali, “Idman Community Bank waxaan ugu tala galay in uu ka gadisnaado Bangiyada dalka, waxaan rabaa in uu naqdo bangi ay bulshadu wada leedahay, maalgalintiisa, taladiisa, iyo hormakiisa intaba waxaan rabaa in ay bulshada ka imaato”
Guddomiyaha Rugta Ganacsiga ayaa ugu horeyntii ka mahad celiyay adeegyada Idman Community Bank uu bixiyo, waxana uu gancsatada ugu baaqay in ay xaruntaan, sidhaw ula shaqeeyaan madaama ganacsatada iyo bangiyadu aysan kala marmin.


Guddomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Cabdiraxman Cabdullahi Adam “Galambe” oo ay wehliyaan, Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga ahna Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland Mudane Xuseen Raabi Kaahin, Guddomiyha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir, Mudane Axmed Cabdullahi Xasan “Shariif” iyo Agaasime Ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Prof Ciise M Xalane ayaa ka qayb shir wada-tashi ah oo loogga hadlaayey Qorshaha Isbeddelka Qaran ee ay wado Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisal Wasaare Hamza Abdi Barre.
Shirkaan ayaa kadhacay xarunta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, waxaana shir gudoominayay, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga XFS Xildhibaan Osman Mohamed Abdi (Daallo), waxaana kaso qayb galay xubno sare sare oo ka socday xafiiska Ra’iisal Wasaaraha XFS, Agaasimeyaasha Wasaaradda Ganacsiga, iyo masuuliyiinta Rugta Ganacsiga.
Shirkaan ayaa waxaa diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee ganacsiyada gaarka ah ay ka qaadan karaan hirgelinta barnaamijkan, Qorshaha Isbeddelka Qaran, maadaama ay kaalin muhiim ah kaga jiraan horumarka iyo kobaca dhaqaalaha ee dalka. Masuuliyiinta Rugta Ganacsiga ayaa so dhaweyay hergalinta Qorshaha Isbeddelka Qaran.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
https://somalichamber.so/
Facebook:https://lnkd.in/eqWvWFUb
@somaliacci
https://lnkd.in/eNmXCiXD
https://lnkd.in/eKwPsET5
https://lnkd.in/dMdjn3Y






Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda, Mudane Maxamuud Macalin ayaa kulan la qaatay Ganacsato ay hogaaminayaan Mamulka sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray ka hortaga musiibooyinka dhicikara sanadkaan, taasi oo ku timid daraasad lagu odorosay.