SHIRWEYNAHA SANADLAHA EE URURKA MIDOWGA JAAMACADAHA SOOMAALIYEED 2024.

Shir Sanadeedka Ururka Midwga Jaamacadaha Soomaaliyeed ayaa manta ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana kaso qayb galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare XFS Mudane Farah Sheikh Abdulkadir, Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Mire, Guddomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Cabdiraxman Cabdullahi Adam “Galambe” iyo Xubno ka socda Jaamacadaha dalka iyo Guud ahaan bahda wax barashada.

 

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare Mudane Farah Sheikh Abdulkadir, ayaa soo dhaweeyay, waxaa uuna sheegay in meesha umadda laga hogaamiyo ay tahay wax barashada sare, Ururkaane loga baahan yahay in ay wax ka badalaan fakarka iyo maskaxda dhalilyarada Soomaaliyeed ee kujira ama kuso biiri doona Jaamacadaha, sidokale in uu Ururku sameeyo Cilmi Baarisyo ay iska kaashanayaan dhaxdooda, laguna xalinayo mashaakilaadka kajira guud ahaan dalka.

 

Gudoomiyaha Midowga Ururka Jaamacadaha Professor Bideey, waxaa uu isna sheegay in shirkaani loogu tala galay inla isku xog wareysto, waxyaabihii u qabsamay Ururka iyo waxyaabaha u qorsheysan sanadkaan, si loogaaro horuma.

Guddomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Cabdiraxman Cabdullahi Adam “Galambe” ayaa isna bogaadiyay Midowga Jaamacadaha, waxaanuu sheegay in la joogo waqtigii Bahda waxbarashada ay kor u qaadi lahaayeen tayada waxbarashada sare.

 

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci

SHIRKA LATASHIGA BULSHADA RAYIDKA EE DIB-U-EEGISTA DASTUURKA

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS oo kaashaneysa, Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ayaa manta kulan wada tashi ah layeeshay, qaybaha kala duwan ee Bulshada rayidka, oo ay ugu horeeyaan,Ganacsatada, Culumaa’udiinka, Hogaamiyaasha dhaqanka, Bahda wax-barashadda, Hawenka, iyo Dalladda Bulshada Rayidka ah.
 

Read more

GANACSATO U-DHALATAY DALKA KUWEYT OO BOQOSHA KUYIMID XARUNTA RUGTA GANACSIGA.

Guddomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabeyre” oo ay wehliyaan, Guddomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga mudane Cabdiraxman Cabdullahi Adam “Galambi” iyo Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga ahna Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland Mudane Xuseen Raabi Kaahin, ayaa kulan la qaatay Ganacsato u-dhalatay dalka Kuweyt, oo ay wehliyaan, xildhibaano katirsan Barlamaanka JFS.

Read more

DAAHFURKA BARNAAMIJKA SHAQO HUFAN.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, ayaa soo qaban qaabisay Baraamijka Shaqo Hufan, kaasi oo ay si rasmi ah iskaga kaashanayaan, Hay’adda Caalamiga ee Shaqaalaha Aduunka “ILO”, Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed, iyo looshaqeeyaha oo ay hogaaminayaan Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed,
 
Barnaamijkaan oo ahaay mid soo socday muddo dher ayna ka wada shaqeynayeen hay’adahaani, ayaa waxaa manta daah-furay, Ku-simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka JFS, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe). Munaasabada daah-furka, Baraamijka Shaqo Hufan, ayaa waxaa kaso qayb galay Wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim, Wasiirada shaqada Dowlada Goboledyada, xubno kasocda hay’adda ILO, Xoghayaha Guud ee Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed, iyo loo shaqeeyasha oo uu matalaayay Guddomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga mudane Cabdiraxman Cabdullahi Adam “Galambe”.
 
Ku-simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka JFS, Mudane Sheekh Aadan (Madoobe), oo kulanka daah-furay ayaa ugu horeyntii uga mahad-celiyay dhamaan hay’adaha kaso shaqeyay Barnaamijkaan, gaar ahaan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya “Barnaamijkaani waxaa uu saxayaa dhamaan waajibadka looshaqeeyaha iyo shaqaalaha, waxaana ka abuur-maayo sharciyo, waxaan rajeynayaa in shaqaalaha Soomaaliyeed ay waxii hadda kadan-beeya ay helidoonan kalsooni iyo badqab shaqo”.
 
 
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
https://somalichamber.so/
Facebook:https://www.facebook.com/somalichamberofcommerce/
@somaliacci
https://www.instagram.com/rugtaganacsiga/
https://www.linkedin.com/…/somali-chamber-rugta…/
https://www.youtube.com/watch?v=2QL4CbwsYaI
       

FURITAANKA XARUNTA SUUQ BACAAD EE IDMAN COMMUNITY BANK.

Bangiga Idman Community Bank ayaa manta xaruntiisi 4aad ka furay magalada muqdisho gaar ahaan suuq Bacaad, munaasabada furitaanka oo aheed mid heer-sare loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qayb galay Guddomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabeyre” Guddomiyha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir, Mudane Axmed Cabdullahi Xasan “Shariif” iyo ganacstada suuq Bacaad oo uu hogaaminaayo Guddomiyaha suuq bacaad mudane Yusuf Shekh Wehliye.

Ugu horeyntii waxaa manaasabada furitaanka xafladda Bangiga ka warbixiyay Guddomiyaha Idman Community Bank Safiirad Khadiija Cosoble Cali, “Idman Community Bank waxaan ugu tala galay in uu ka gadisnaado Bangiyada dalka, waxaan rabaa in uu naqdo bangi ay bulshadu wada leedahay, maalgalintiisa, taladiisa, iyo hormakiisa intaba waxaan rabaa in ay bulshada ka imaato”

Guddomiyaha Rugta Ganacsiga ayaa ugu horeyntii ka mahad celiyay adeegyada Idman Community Bank uu bixiyo, waxana uu gancsatada ugu baaqay in ay xaruntaan, sidhaw ula shaqeeyaan madaama ganacsatada iyo bangiyadu aysan kala marmin.

 

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci

 

KATASHIGA QORSHAHA ISBEDDELKA QARAN

Guddomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Cabdiraxman Cabdullahi Adam “Galambe” oo ay wehliyaan, Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga ahna Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland Mudane Xuseen Raabi Kaahin, Guddomiyha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir, Mudane Axmed Cabdullahi Xasan “Shariif” iyo Agaasime Ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Prof Ciise M Xalane ayaa ka qayb shir wada-tashi ah oo loogga hadlaayey Qorshaha Isbeddelka Qaran ee ay wado Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisal Wasaare Hamza Abdi Barre.

Shirkaan ayaa kadhacay xarunta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, waxaana shir gudoominayay, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga XFS Xildhibaan Osman Mohamed Abdi (Daallo), waxaana kaso qayb galay xubno sare sare oo ka socday xafiiska Ra’iisal Wasaaraha XFS, Agaasimeyaasha Wasaaradda Ganacsiga, iyo masuuliyiinta Rugta Ganacsiga.

Shirkaan ayaa waxaa diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee ganacsiyada gaarka ah ay ka qaadan karaan hirgelinta barnaamijkan, Qorshaha Isbeddelka Qaran, maadaama ay kaalin muhiim ah kaga jiraan horumarka iyo kobaca dhaqaalaha ee dalka. Masuuliyiinta Rugta Ganacsiga ayaa so dhaweyay hergalinta Qorshaha Isbeddelka Qaran.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
https://somalichamber.so/
Facebook:https://lnkd.in/eqWvWFUb
@somaliacci
https://lnkd.in/eNmXCiXD
https://lnkd.in/eKwPsET5
https://lnkd.in/dMdjn3Y

 

 

       

HAY’ADDA MAARAYNTA MUSIIBOOYINKA QARANKA SOOMAALIYEED OO KULAN LA QAADATAY RUGTA GANACSIGA.

Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda, Mudane Maxamuud Macalin ayaa kulan la qaatay Ganacsato ay hogaaminayaan Mamulka sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray ka hortaga musiibooyinka dhicikara sanadkaan, taasi oo ku timid daraasad lagu odorosay.

Read more

BANDHIGA SUUQ WEYNAHA MUQDISHO.

Guddomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabeyre” oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Mudane Cabdiraxman Cabdullahi Adam “Galambi” iyo Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga, ahna Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland Mudane Xuseen Raabi Kaahin, ayaa ka qayb galay Bandhiga Suuq Weynaha Muqdisho oo sanadkii 5-aad maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.

Read more

MADASHA AQOON ISWEYDAARSIGA WACYIGELINTA IYO FAHAMKA HESHIISKA AFCFTA IYO HIRGELINTA XOG-KEYDIYAHA GANACSIGA SOOMAALIYA

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha – Soomaaliya ayaa soo qaban qaabisay Madasha aqoon isweydaarsiga wacyigelinta iyo fahamka heshiiska AFCFTA iyo hirgelinta xog-keydiyaha ganacsiga Soomaaliya, waxaana kaso qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ka kala tirsan Barlamaanka, xukuumadda, iyo Ganacsato ay hogaaminayaan masuuliyiinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, iyo Bulshada Rayidka.

Read more

MUNAASABADDA DAAHFURKA DAYACTIRKA DIYAARADAHA EE GAROONKA AADAN-CADDE.

Shirkadda Erosom ayaa manta loo daah-furay goob loogu tala galay in lagu dayactiro diyaaradaha “Maintenance repair overhaul MRO” munaasabadda daah-furka oo aheed mid heerkedu sareyo, ayaa waxaa kaso qayb galay masuliyiin kala duwan oo ay ugu horeeyaan xubno katirsan Barlamaanka labadiisa aqal, Wasiirada Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliyeed, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaddaha Soomaaliyeed, Ganacsato ay hogaaminayaan mamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed. Iyo culuma’udiin.
Shirkadda Erosom ayaa ah shirkadii ugu horeysay ee qaada jaha ka gadisan midkii lagu yaqaanay gancsatada dalka, dhanqanka Ganacsiga Soomaaliya iyo tarikhdiisa intaba, waxaana laxoojiyay in fikirka nucaan ah uu yahay midka keenaya hormarka Ganacsiga Soomaalida, ayna kabi-karana dhaqalaha dalka. Yagleelidda shirkadaani ayaa waxaa iska kaashaday ganacsato Soomaaliyeed.
Dhamaan masuuliyiintii kulanka kaso qayb gashay ayaa bogaadiyay adeega ay soo kordhisay shirkada Erosom. Ugu danbeyntii Wasiirada Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliyeed oo kulanka soo xertay ayaa ganacsatada ugu baqdayin in ay malgashadaan dhanka duulista hawada, halkaasi oo ay kajiraan fursado ganacsi oo farabadan.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci