







ย ย ย ย ย


Somali Chamber of Commerce and Industry








ย ย ย ย ย





Qayba kamid ah waaxaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane Maxamuud Cabdi Cali โGabayreโ ayaa la kulmay Xildhibaanad Hodan Xasan oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka oo ay wehlineysay Xildhibaanad Cayni oo kamid ah Barlamaanka Soomaalliya.
Waxaana kulanka soo qaban qaabsay marwo Amiina Deble oo ah xubinta katirsan Rugta Ganacsiga una qaabilsan arimaha Mareykanka, waxaana diiradda lagu saray hormarinta Ganacsiga is dhaxgalka labada dal, iskashiga, maalgashiga, sara uqaadida dhoofka, iyo soo dajinta. Sodoo kale Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane โGabayreโ ayaa kawar bixiyay fursadaha maalgashiga ee kajira dalka.
Gaba-gabadii waxaa kulanka soo xertay Xildhibaanad Hodan Xasan ayada oo tilmaantay hormarka Ganacsiga Soomaaliyeed in uu yahay mid kubaahay dunida hadana ay kala shaqeyn doonto isku xerka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo Ganacsatada Minnesota ee dalka Mareykanka.







ย

ย 





Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan la yeeshay qaar kamid ah qaybaha kala duwan ee ganacsatada dalk, kulani ย ayaa waxaa looga hadlayay dhibaatooyinka ay sababeen roobabka dayrta ee ka daโaya qaar kamid ah gobollada dalka.
Kulanka ayaa waxaa lagu soo bandhigay xaaladda dhabta ah ee ay sababeen roobabka, waxaana ilaa iyo hadda inta la xaqiijiyey ku dhintay daadadka iyo fataahadaha ka daโay qaar kamid ah gobollada dalka, dadka gaaraya 25 ruux, iyada oo ay saameyn ku yeesheen 717, 825 kun oo qof.
Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in xaaladdu ay ka sii dari karto, maadaama ay soo wajahan yihiin roobab iyo daadad cusub sida ay tilmaameyso saadaasha iyo digniinaha soo baxaya. Mudane Saalax ayaa hoosta ka xariiqay sida ay lagama maarmaan u tahay in la helo xeelad walba oo gurmad loogu fidin karo meelaha ay goโdoomiyeen daadadka iyo fatahaadaha is wata.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali โGabayreโ oo ku hadlaayay magaca ganacsatada kulanka kasoo qayb galshay ayaa sheegay in ay dhankooda ay diyaar u yihiin gurmadka walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaatadu ka soo gaartay fataahadda iyo daadka ay sababeen roobabkii dayrta ee ka daโaya dalka.

Heyโadda Caalamiga ILO oo kaashaneysa Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa manta tababar soconaaya muddo sadax cesho ah uga farta Looshaqeeysha dalka, kaasi oo kor loogu qaadaayo Xirfadaha, iyo sharciyadda loo shaqeeyaashu ay ku maamuli lahaayeen shaqaalahooda. Waxaana ka qayb galay waxaha kala duwan ee Rugta Ganacsiga ay ka koobantahay.
Shirkaani oo ahaay mid heer caalami ah ayaa waxaa furay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali โGabayreโ โTaba barkaani Muhiimad gaar ah ayuu inoo leeyahay hadeynu nahay Rugta Ganacsiga, waayo shaqaalaha ugu badan ee dalka waxaa ay ka shaqeeyaan qeybaha kala duwan ee gaarka loo leeyahay ee dalka kajira.













Waxaa hoolka sahal ee magaaladda muqdisho ka furmay Bandhigga Guuleystayaasha Soomaaliyeed, bandhigaani ayaa waxaa soo qaban qaabiyay shirkadda hormuud telecom Soomaaliya, bandhigaani ayaa ahay mid lagu talagalay in lagu dhiirrigeliyo ganacsatada Soomaaliyeed, ee adeegyada muhiimka ah u haya bulshadeenna, iyo in lagu dhiirrigelinayo ganacsatada iyo iskaashatooyinka Soomaaliyeed ee u taagan in ay bulshadeenna wax ay cunaan uga soo saaraan beeraha, xoolaha iyo badda.
Bandhigaani ayaa waxaa kasoo qayb galay qaar kamid ah Golaha wasiiradda XFS oo uu hogaaminaayo Raiโsul wasaaraha Dalka Mudan Xamza Cabdi Barre, Ganacsato ay hormuud utahay Rugta Ganacsiga, iyo Bulsha weynta Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwn.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali โGabayreโ oo kamid ah masuuliyiintii goobta ka hadashay ayaa yiri “Shirkadda Hormuud waxa ay indho u tahay bulshada. Waxaan ku ammaanaynaa sida ay bulshadeenna ugu gurmato xilliyada adag oo fatahaadaha, abaaraha, iyo musiibooyinku dhacaan. Waxaan ku bogaadinaynaa in ay sannadkaanna dhiirrigelinayaan wax-soo-saarka Dalka. Soomaaliya waa dal hodan ah. Waxaana rajaynaynaa in uu shirkaan fure u noqdo Soomaali isku filan, oo is quudiso.”
Raโiisul Wasaaraha Soomaaliya oo khudbad dhinacya fara badan taabaneysa munaasabadda ka jeediyay ayaa adkeeyey in awood-siinta ganacsatada Soomaaliyeed iyo xaqiijinta suuqyo loo iib geeyo wax-soo-saarka dalkeenna ay kor u qaadeyso dhaqaalaha iyo horumarka dalka, isagoo xusay in Dhaqaalaha dalka uu ku horumari karo kaliya suuqa oo noqda mid xor ah iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay oo la tayeeyo.
#Waxsoosaar #BGS23 #GuulSoomaaliyeed













ย 


Hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah u daah furtay Sheybaar lagu hubinaayo badeecadaha dalka soogala iyo kuwa kabaxa. Munaasabadda xarig jarka oo ay aheed mid heer sare loo soo agaasimay, ayaa waxaa kaso qayb galay xubno kala duwan oo uu ugu horeyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibbaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Mudane Abdirisaaq Cumar Mohamed, Maareeyaha Hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliyeed Marwo Haawo Ahmed Hassan, Maareeyaha Dekeda Muqdisho Mudane Axmed Maxamed Maxamud, iyo Ganacsto uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane Mohamud Abdi Ali โGabeyreโ
Dhamaan masuuliyiintii kaso qayb galay munaasabadda ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo sheybaar, kaasi oo lagu hubin doono tayada badeecaddaha iyo taariikhdooda si bulshada Soomaaliyeed loo ilaaliyo badqabkooda caafimaadkooda, iyo deegaankooda.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi oo halkaas ka hadlay, ayaa boggaadiyey dadaalka hayโadda Tayodhowrka Soomaaliyeed, waxaana uu tilmaamay inay ka goโan tahay wax ka qabashada iyo joojinta badeecafaha tayadoodu liidato ee loo soo dhoofiyo dalka si loo ilaaliyo badqabka caafimaaf ee noolaha iyo biiโadda.
Ugu danbeyntii Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ayaa dhankiisa boggaadiyey dadaalda hayโadda Tayodhowrka Soomaaliyeed, waxaa uuna sheegay in uu sheybaarkaani kor u qaadaayo dhoofinta wax soo sarka dalka iyo tayadda alaabta dalka imaanaaya, sido kalane uu yareynaayo tuhunka Ganacsatada Soomaaliyee laga qabo.












Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale โMadaaleโ Wasiiru Dowlaha Madax-tooyada Mudane Abshir Buqaari, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali โGabayreโ ย Guddoomiyaha Jazeera Real State, mudane Iman Maxamed Cali, ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay Beerta Dalxiiska ee Jazeera, sidoo kalana xariga ka jaray, Wejiga labaad ee dhismaha Guryaha Jazeera Real State, waxana maal galinaya IBS Bank.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kamid ah masuuliyiinta goobta ka hadashay ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ku amaanay doorka maalgashiga iyo dib u dhiska dalka, waxaana uu ugu baaqay in ay ganacsatadu dalkooda ku kalsoonadaan.Dhanka kale Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ayaa ganacsatada ku amaanay hormarka iyo maalgashiga, sidokalane, uga mahada celiyay shirkadda Jazeera Real State malgashiga balaaran ee ay sameysay.









ย