FURITAANKA SUUQA BARAKO HYPERMARKET

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha – Soomaaliya Mudane Hon. Jibril Abdirashid Haji, oo ay wehliyaan, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhbbaan Osman Mohamed Abdi (Daallo), Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyada Gobalka Banaadir mudane Ciise Maxamuud Guure, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabeyre” iyo ururka midowga Jaamacadaha dalka ayaa si rasmi ah xariga uga jaraya Suuqa Barako Hypermarket. Munaasabadda xarig jarka oo aheed mid heer sare loso agaasimaya ayaa lagu qabtay xarunta suuqa Barako Hypermarket oo ku taalla dagmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, taasi oo ay kaso qayb galleen masuuliyiin katirsan mamulka dagmada, gancsatada qayba heeda kala duwn, culuma, udiin, iyo bahda waxbarashadda dalka. Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane “Gabeyre” oo kamid ah masuuliyiinta goobta ka hadashay aya ugu horeyn soodhaweeyay Suuqa Barako Hypermarket waxana sheegay in ay farxad galineyso balan qaadkii ay caawa sameeyeen mamulka Barako Hypermarket, kaasi oo ahaay in ay furi doodanan warshaddo isla markaana ay dhiri galin doonan beeraleyda dalka “Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed wax yaalaha ay diiradda saarto waxaa kamid ah wax soo sarka dalka iyo warshadeynta, waana wax yaalaha aadka inogu muhiim san” Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Mudane Hon. Jibril, oo xafladda soo xeraya ayaa baaqa udiray ganacsatadda “Ganacsatada gaar ahaan midowga bangiyada waxaan ugu baaqaya in ay dib uso celiyaan warshadii dharka ee balcad taasi oo ah midda kaliya ee hadda kanol warshadihii dalka ee bad baaday bur burkii kadib, waxa ay ku taala dagmadda balcad waa ay shaqeysaa boqolkiiba sagaashan iyo shagaal waa ay ficantahay, kaliya dayactir ayeey ubaahan tahay” #barakohypermarket 
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Twitter: @somaliacci
   

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre oo furay Shirka Dhaqaalaha Soomaaliya.

Waxaa manta magaaladda Mogadishu si rasmi ah uga furmay Shirka Dhaqaalaha Soomaaliya oo ay soo qaban qaabiyeen, Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Hey’adda UNIDO, iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, kaasi oo socon doona muddo laba maalmood ah.

Shirkaani oo ah mid heer caalami ah ayaa waxaa kaso qayb galay qarmid ah xukuumaadda Ra’iisul Wasaare xamza, Hey’adda UNIDO, EU, Ganacsato kasocotay dalka Talyaaniga, iyo Ganacsato Soomaaliyeed oo ay hogaamineyso Rugta Ganacsiga, waxaana lagu soo bandhigay fursadaha ganacsi ee la xiriira wax-soosaarka dalka ee dhinacyada Beeraha, Kalluumeysiga, Warshadaha iyo Tamarta.

Ra’iisul Wasaaraha oo shirka furay ayaa sigaar ah u xusay dalka Talyaaniga kaasi oo Soomaaliya la leh xiriir ganacsi oo soo jireen ah, iyada oo Soomaaliya ay Talyaaniga uga iman jireen gaadiidka, qalabka beeraha, iyo daawada halka Soomaaliya ay u diri jirtay kalluun, muus, iyo waxyaabo kale oo muhiim ah, waxuuna ku boorriyey ganacsatada Talyaaniga in ay ka faa’iideystaan fursadaha maalgashi ee xiligaan ka bannaan Soomaaliya.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Abdi Ali  “Gabeyre” oo shirka ka hadlay, ayaa boggaadiyey Shirk dhaqaalaha Soomaaliya, waxaana uu sheegay in shirkani ahmiyad weyn u lee yahay xiriirka ganacsi ee iskaashiga Soomaaliya iyo Talyaaniga.

 

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Adam Xasan Mohamud,

Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed

Web somalichamber.so

Facebook: https://www.facebook.com/somalichamberofcommerce/

Twitter: @somaliacci

 

 

 

KULAN LOOGA ARIN SANAAYAY CANSHUUR KORDHINTA LAGU SOO KORDHIYAY DAKADDA MOGADISHU.

Waxaa goordhaw xarunta dhaxe ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed lagu soo gaba gaba gabeeyay kulan balaaran oo ay iskugu yimaadeen qaybaha kala duwan ee Ganacsiga dalka. Kulankaani ayaa salka ku hayay canshuur kordhin lagu sameeyay qaar kamid ah alaabaha laga soo dajiyo dakadda magaaladda Mogadishu,

Rugta Ganacsiga iyo Gudi ka kooban waxaha kala duwan ee ganacsiga dalka oo loo xilsaaray xalinta arimaha canshuuraha ayaa waxa laga dhageeystay warbixino iyo ga’aankii ay kaso qadeen maxada sare oo uu ugu horeeyo Madax weyne Dr Xasan Sheikh Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha – Soomaaliya. Dhamaan ganacsatadii kulanka kaso qayb gashay ayaa muujiyay in ay ku qanacsan yahiin go’aanka Rugta Ganacsiga iyo Gudigu u soo qadeen ganacsatada.

Ugu danbeyntii maamulka sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo u hogaaminaayo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane Maxamud Cabdikariin “Gabeyre” iyo qaar kamid ah Ganacsatadii kulanka ku sugneed ayaa go aan ku gaaray fulinta go’aanadii gudigu ay isla soo gaareen madaxda qaranka.

 

By Adam Hassan Mohamud.

 

 

 

BANDHIGA SUUQ WEYNAHA MOQADISHU SANADKIISI 4AAD

Guddomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabeyre” oo ay wehliyaan Guddomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir iyo Gudoomiyaasha Suuqyada Bakaaraha iyo suuq Bacaad ayaa ka qayb galay Bandhiga Suuq Weynaha Muqdisho oo sanadkii 4-aad maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.

Furitaanka Bandhigaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasiir Kuxigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha, Mamulka Rugta Ganacsiga iyo Marti sharaf kale.

 

Guddomiyaha Rugta Ganacsiga mudane “Gabeyre” oo kamid ah masuuliyiinti goobta ka hadlay ayaa ugu horeyntii bogaadiyay Bandhiga Suuq Weynaha Muqdisho oo sanadkii 4-aad qabsamay asaga oo ugu baaqay in ay siiwadaan howsha ay bulshadda uhaayaan Masuuliyinta Suuq Weynaha Muqdisho, ka Rugta Ganacsiga ahaane in ay garab taagan yahiin horayne ay garabtagnaayeen. Dhanka kale Guddomiyaha ayaa masuuliyiinta Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Ganacsiga ka codsaday in lahelo carwadii qaranka soomaaliyeed taasi oo ah goob logu tala galay Bandhig carwedyada.

 

Dhamaad.

 

 

  

SHIR WEYNAHA HAWEENKA GANACSATADA SOOMAALIYEED.

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamud Cabdi Cali (Gabeyre) oo ay wehliyaan qaarkamid ah Ganacsatadda dalka ayaa ka qayb galay Shir Weynaha Haweenka Ganacsatada Soomaaliyeed, oo ay soo qaban qabiyeen SOMALI WOMAN IN BUSINESS. SWIB FORUM. Kulankaani oo ahaay mid heer sare looso agaasimay ayaa waxaa ka qayb galay xubno kasocday xildhibaanadda labada aqal, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr Cilmi Maxamed Nuur, Haween kala duwan, Ganacsato iyo maamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

 

Wasiirka Maaliyadda Jamhuuriyadda Federaal Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamed Nuur oo kasoo qeyb galay Shir Weynahah Haweenka Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa yiri, “Waa ii farxad inaa kasoo qayb galo Shir weynahan. Haweenka Soomaalida waxaa loo aqoonsan yahay inay yihiin dadka ugu adkeysiga badan, waxayna laf dhabar u ahaayeen jiritaanka dhaqankeena, waxayna muujiyeen sida ay u ilaaliyeen bulshadeena iyo qoysaskeenna. Waxaana ku bogaadinayaa habaleheen in ay kordhiyan barashada xirfadaha gacanta.”

 

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane (Gabeyre) ayaa xusay sida haweenka ay uga wanagsan yihiin ragga marka loo eego horumarinta dhaqaalaha, isla markaana ay mansabyo sare ka hayaan ganacsiga dalka “Rugta Ganacsiga waxay si dhow ula shaqaynaysaa hay’adda UNIDA si kor loogu qaado tayada haweenka ganacsiga kujira, Rugta Ganacsiga mar waliba waxa ay diyaar u ahay in ay haweenka Soomaaliyeed ka taageero ganacsigooda dhinac walba oo nolosha ah.”

DHAMAAD.

 

 

BANDHIGA GANACSIGA SOOMALIYEED SANADKA 3AAD

Bandhiga Ganacsiga Soomaaliyeed Sanadkiisi 3aad ayaa si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay magaladda Mogadisho gar ahaan Elite Hotel oo uu kasocday laba maalin, Bandhig Carwedkaani Ganacsi ayaa waxaa wada jir iskaga kaashaday Somali Trade Show iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.   Bandhigaani ayaa waxaa kaso qayb galay Xildhibaano, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Abdisalam Sharif Hussein, Guddomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane Maxamud Abdi Ali “Gabeyre” Gudomiye ku-xigeeka Rugta Ganacsiga Mudane Abdirahman Abdullhi Adam “Galambi” Gudomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir Mudane Ahmed Abdullahi “Shariif Carro” iyo Ganacsatada qaybaheeda kala duwn, oo ay ugu horeeyan Bangiyada, Shirkadaha, iyo Ganasiga yar yar.   Masuuliyinta Bandhiga kaso qayb qashaya ayaa mid mid u dul istaagay dhamaan ganacsiyadii halkas lagu soobandhigay, waxana ay aad u bogaadiyeen kaso qayb galayaasha Bandhiga iyo agabab yada ay shirkaduhu soobandhigeen. Waxana Bandhiga ka hadlay Masuliyiin uu kujiro Xildhibaan Abdirahman Odaway iyo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga Mudane Abdisalam Sharif Hussein iyo masuuliyiinkale oo fara badan, Guddomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane “Gabeyre” oo kamid ah masuuliyiintii goobta kadalay ayaa bogaadiyay guud ahaan Ganacsatada kaso qayb gashay gar ahaan qaban qaabiyaasha Bandhiga Ganacsiga Soomaaliyeed Somali Trade Show iyo Rugta Ganacsiga Mudane Gabeyre ayaa yiri “Mudane Wasiira iyo Xildhibaanada waxaan idinka codsaneyanaa in Carwadii Qaranka in howl galiyo anaga diyaar ayaan unahay inaan dhismaheeda dhamestirno, meel fican ayeeyna kutaala oo waliba dhul weyn ah”. Dhamaad        

Xafladda xarig jarka Dekedda Garacad.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray dhismaha dekedda Garacad ee gobolka Mudug. Munaasabadaani oo aheed mid heer sare loso agasimay ayaa waxa lagu qabtay gudaha dakadda garacad waxaana kaso qayb galay, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Puntland Saciid Deni, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustaf Cagjar, Madaxweynaha konfur galbed lafta Garen, wasiiro ka socda dowladda federalka, Mas’uuliyiin ka kala socota ganacsatada qayba heeda kala duwan oo ay hogaamineyso Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, iyo xubno ka kala socota dalalka Gobolka ayaa ka qayb galay Munaasabadda furitaanka.

Dekeda Garacad ayaa waxa la dhagax dhigay sanadkii 2017dii, waxaana lagu maalgaliyay in ka badan 300 milyan oo dollar, iyadoo mashruucaan uu noqday kii ugu weynaa dalka laga hirgeliyo burburkii kadib. Dekedda Garacad ayaa sidoo kale muhiim u noqon doonto isku xirka ganacsiga Soomaaliya iyo Itoobiya, maadaama ay tahay dekedda ugu dhow ee xigta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey guud ahaan ganacsatada iyo bulshada Puntland sida ay uga dhabeeyeen himiladan isku tashiga ah, waxa uuna ku tilmaamay mid ka tarjumeysa sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu istaageen horumarka iyo wax-wada qabsiga.

“Maanta waa maalin farxadeed, waa maalin la isu bogaadiyo, Ilaahay ayaana mahadda iska leh. Horumar kasta oo la gaaro waxaa sal u ah nabadda iyo isku duubnida. Bulshada deegankan iyo guud ahaan Puntland waxay muujiyeen geesinimo, hawlkarnimo iyo sida shacabka Soomaaliyeed ay u gaari karaan guulo waaweyn haddi ay gacmaha is-qabsadaan. Guusha lagu hirgeliyey mashruucan waxaa iska leh Soomaaliya oo dhan”.

 

Dhamaad.

 

    

 

 

Gudonka sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa ka qayb galay shir looga arin sanaayay is weydaarsiga ganacsiga “Trade Export”.

Shirkaani oo ahaay mid looga qayb qadanaayay aaladda fogaan araga ee Zoomka, ayaa waxa kaso qayb galay Safiirka dalka Indonesia, qunsul shara feedka ufadhiyo soomaaliya ee Indonesia, xubno ka soda wasaradaha Arimaha dibada iyo ganacsiga labada dal, uqaabil sana yaasha ganasiga safaaradaha, iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaliyeed iyo Rugta ganacsiga Indonesia.

Kulankaani ayaa waxaa soo’abaabuley safaarada Indonesia ee bariga Afrika iyo qunsul sharafeedka Indonesia u fadhiyo Dalka Soomaaliya Mudane Ismaaciil Abdullahi Siyaad “Gooni” waxaana looga wada hadlay arimo dhowr ah oo ay kamid yahiin hormarinta ganacsiga dalka, fududenta dal ku galka labada wadan, maalgashiga, iyo arimo laxariiro howlaha ganacsiga.

 Dhanka kale masuuliyinta safaafadda Indonesia ayaa ganacsatada la wadaagay https://www.tradexpoindonesia.com/en kaani oo ay iska diwan galin karan si logu fududeeyo helidda dalku galka Indonesia.

 

Dhamaad.

 

 

    

Kulan isbarasho iyo isxog wareysi ah oo dhax maray masuliyiinta Rugta Ganacsiga iyo masuuliyiinta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

Qaar kamid ah Ganacsatadda Dalka oo uhogaaminaayo Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabeyre” iyo ku xigeenadisa ayaa kulan isbarasha ah laqaatay masuuliyiinta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed uhogaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Xildhibaan Hon Jibril Abdirashid Haji oo ay weheliyaan Wasiiru-dawlaha mudane Abdisalam Sharif Hussein, Wasiir ku xigeenka Xildhibaan Hon Osman Mohamed Abdi iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Abdiaziz Ibrahim Adan ,

Kulanka ayaa ahay mid isbarasho iyo isxog wareysi ah waxana looga wada hadlay caqabadaha heysta guud ahaan ganacsiga dalka iyo sida looga bixi lahaay dhibatoyinka dhanka ganacsiga, dhanka kale mamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa halkas ku gudbiyay warqad ay ku cadey nayaan caqabadaha heysta ganacsiga soomaaliya oo ay tahay in wax laga qabto.