












Magan Forum ayaa soo qaban qaabisay madal su,aalo lagu weydinaayo qaar kamid ah ganacsatada dalka, kuwoda hormaka kasa meeyay
Guddoomiyaha Shirkada Hormuud Telecom Axmed Maxamud Axmed “Sacuudi” ayaa naqday masuulkii ugu horeyay ee lagu weydiiyo su,aalo dhinacya badan taabanaayo ay kami yahiin taarikh nololeedkisa, halka uu ganacsiga kabilaabay, iyo sida uu ku soogaray hormarka. Sidookale waxa la weydiiyay sida lagu aas aasay Shirkada Hormuud Telecom hormarka ay gaartay iyo cagabadaha ay laso kulantay intii ay shirkaddu jirtay.
“Qoyska aan ka dhashay waxay ahaayeen xooladhaqato danyar ah. Xoolo iyo beero ayay nolosheennu ku tiirsanayd. Aniga oo 9 sano jir ah ayaan Muqdisho imid, kana billaabay waxbarasho iyo ganacsi. In aan ganacsiga galo baahi iyo duruuf ayaa igu kallifay. Waxaana ka soo billaabay ganacsi garabrarato ah, oo dhar iyo alaabo kale ayaan ku wareejin jiray xaafadaha Xamar.” Guddoomiyaha Hormuud Telecom, Axmed Maxamuud Yuusuf “Axmed Sacuudi”
Waxaa manta magaaladda Mogadishu si rasmi ah uga furmay Shirka Dhaqaalaha Soomaaliya oo ay soo qaban qaabiyeen, Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Hey’adda UNIDO, iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, kaasi oo socon doona muddo laba maalmood ah.
Shirkaani oo ah mid heer caalami ah ayaa waxaa kaso qayb galay qarmid ah xukuumaadda Ra’iisul Wasaare xamza, Hey’adda UNIDO, EU, Ganacsato kasocotay dalka Talyaaniga, iyo Ganacsato Soomaaliyeed oo ay hogaamineyso Rugta Ganacsiga, waxaana lagu soo bandhigay fursadaha ganacsi ee la xiriira wax-soosaarka dalka ee dhinacyada Beeraha, Kalluumeysiga, Warshadaha iyo Tamarta.
Ra’iisul Wasaaraha oo shirka furay ayaa sigaar ah u xusay dalka Talyaaniga kaasi oo Soomaaliya la leh xiriir ganacsi oo soo jireen ah, iyada oo Soomaaliya ay Talyaaniga uga iman jireen gaadiidka, qalabka beeraha, iyo daawada halka Soomaaliya ay u diri jirtay kalluun, muus, iyo waxyaabo kale oo muhiim ah, waxuuna ku boorriyey ganacsatada Talyaaniga in ay ka faa’iideystaan fursadaha maalgashi ee xiligaan ka bannaan Soomaaliya.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Abdi Ali “Gabeyre” oo shirka ka hadlay, ayaa boggaadiyey Shirk dhaqaalaha Soomaaliya, waxaana uu sheegay in shirkani ahmiyad weyn u lee yahay xiriirka ganacsi ee iskaashiga Soomaaliya iyo Talyaaniga.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Adam Xasan Mohamud,
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Web somalichamber.so
Facebook: https://www.facebook.com/somalichamberofcommerce/
Twitter: @somaliacci
Waxaa goordhaw xarunta dhaxe ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed lagu soo gaba gaba gabeeyay kulan balaaran oo ay iskugu yimaadeen qaybaha kala duwan ee Ganacsiga dalka. Kulankaani ayaa salka ku hayay canshuur kordhin lagu sameeyay qaar kamid ah alaabaha laga soo dajiyo dakadda magaaladda Mogadishu,
Rugta Ganacsiga iyo Gudi ka kooban waxaha kala duwan ee ganacsiga dalka oo loo xilsaaray xalinta arimaha canshuuraha ayaa waxa laga dhageeystay warbixino iyo ga’aankii ay kaso qadeen maxada sare oo uu ugu horeeyo Madax weyne Dr Xasan Sheikh Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha – Soomaaliya. Dhamaan ganacsatadii kulanka kaso qayb gashay ayaa muujiyay in ay ku qanacsan yahiin go’aanka Rugta Ganacsiga iyo Gudigu u soo qadeen ganacsatada.
Ugu danbeyntii maamulka sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo u hogaaminaayo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane Maxamud Cabdikariin “Gabeyre” iyo qaar kamid ah Ganacsatadii kulanka ku sugneed ayaa go aan ku gaaray fulinta go’aanadii gudigu ay isla soo gaareen madaxda qaranka.
By Adam Hassan Mohamud.
Munaasabad xariga looga jaraayay Suuqa Xayaat Mall faraca 3-aad oo laga hergeliyay Isgoyska Jubba qeybta dhacda Degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa wada jir ugu soo qayb galay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), iyo Ganasato ay hogaaminayaan Gudoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga Mudane Cabdiraxman Cabdullahi Adam “Galambe” Guddomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir Mudane Axmed Cabdulahi “Shariif caro”, Guddomiyaha Suuq Bacaad, Culuma’udiin, Siyaasiyiin, Haweenka iyo Qeybaha kala gedisan ee Bulshada iyo marti sharaf kale.
Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ayaa ku ammaanay ganacsatada hirgelisay suuqan kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadanayaan horumarka iyo dib-u-dhiska dalka, maadama Xayaat Mall faraceedi 3-aad kaher galiyen magaalada Mogadishu, waxaana uu ugu baaqay ganacsatada in ay wax soosarka dalka dhiri galiyaan.
Gudoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Cabdiraxman Cabdullahi Adam “Galambe” oo kamid ah masuuliynta goobta kahadashay ayaa bogaadiyay hormarka ganacsatada dalku ay marba marka kadanbeyso ku talab-sanaayaan, asaga oo kula dar daarmay in ay ganacsatadu gacmaha isqabsadaan si ay ula jaan qadan hormarka caalamka.Waxaana uu sii raaciyay in ay horumar weyn utahay umadda soomaaliyeed gaar ahaan shacabka kudhaqan Dagmoyinka Bondhere, Shibis, iyo Dagmada Cabdicasis oo daris uu layahay Suuqa Xayaat Mall faraca 3-aad, madaama marki hore uu aad kaga fogaay.
===Dhamaad===
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed mudane Mxamuud Cabdikariin “Gabeyre”, Gudoomiye Ku-xigeenka mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Aadam “Galambe” iyo qaar kamid ah qeybaha kala duwan ee ganacsatada ayaa ka qayb galay afur sanadeedkii 2aad ee ururka Bangiyada Soomaaliyeed, oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho Hotel Jaziira.
Kulankani oo ahaa mid heer sare looso agaasimay ayaa waxaa sidookale kasoo qayb galay xubno sar-sare oo katirsan barlamaanka iyo golaha wasiiradda: qorsheynta, maaliyadda, gancsiga iyo isgaarsiinta oo uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ee XFS mudane Saalax Axmed Jamaac, Gudoomiyaha Banggiga dhaxe.
Dhamaan masuuliyinta ayaa bogaadiyay adeegyada maaliyadeed ee ay banggiyaddu dalka gaarsiyeen iyo midowga ay sameeyeenba. Dhanka kale Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane “Gabeyre” ayaa guud ahaan ganacsatadda ugu baaqay in ay midowbaan sida bangiyadda oo kale. Waxaa uuna bogaadiyay agaasimaha cusub ee shirkadda Dahabshiil Bank oo sameysay kulanka afurka ah.
@Kunciil Hassan Mohamud
Somali Chamber of Commerce has participated in the 2nd IGAD Ministerial Meeting on Labor, Employment and Labor Migration that took place in Addis Ababa 27th February – 2nd March 2023. The meeting has been concluded with the release of communique agreed upon unanimously.
Singed-Version-of-the-2nd-Ministerial-Conference-Communique-Mar-02-2023
W/Q Adam Hassan Mohamud Agasimaha Waxda Warbahinta Rugta Ganacsiga.
Qaar kamid ah gudonka sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane Maxamuud Cabdi Cali”Gabeyre” ayaa ka qayb galay munaasabada Wareejinta taakulada Soomaaliya ee Turkiga.
Munaasabaddaani oo aheed mid heer qaran ah, taakulo iyo garab istaagne loogu mujinayay walalaha dalka Turkiga oo dhamaan uu ka dhacay dhulgariir aad u xoogan ayna naf iyo hantiba kuwaayeen dada aad ufarabadan, ayaa waxaa kaso qayb galay Guddomiyaha Barlamaanka dalka ahna kusimaha Madaxweynaha mudane Sh Aadan Madoobe, Ra’isul wasaare Xamze Cabdi Barre, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta ahna Gudoomiyaha gudiga, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Safiirka Turkiga, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaaladda Mogadishu mudane Yusuf Madaale, Ganacsatada qaybaheeda kala duwan oo ay hogaminayan mamulka Rugta Ganacsiga, Gudoomiyaha Bulshadda Rayiidka Mudane Shatax, Culuma,udiin uu hogaminaayo shekh Bashir Axmed Salad, iyo Ururadda Haweenka.
Munaasabadda ayaa waxaa safiirka Turkiga lagu gudon siiyay calag gaareysa $5,000,000 (Shan Malyan oo dollar) oo u dhiganta 94,100,000TL taasi oo lagu garab istaagayo dadkii dhulgariirku dhibaateyay. Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane “Gabeyre” oo kamida masuuliyinta goobta kahadashay ayaa yiri “Maanta waxaan si hordhac ah u wareejinaynaa taakulo aan uga qeyb qaadaneyno gurmadka walaalaheen reer Turki, waana sii wadi doonaa, dalkeenana waa na sugayaa dalalka dibaddana inaan la tillaabo qaadno waa muhiim”
W/Q Adam Hassan Mohamud Agasimaha Waxda Warbahinta Rugta Ganacsiga.