Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda, Mudane Maxamuud Macalin ayaa kulan la qaatay Ganacsato ay hogaaminayaan Mamulka sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray ka hortaga musiibooyinka dhicikara sanadkaan, taasi oo ku timid daraasad lagu odorosay.
Events
BANDHIGA SUUQ WEYNAHA MUQDISHO.
MADASHA AQOON ISWEYDAARSIGA WACYIGELINTA IYO FAHAMKA HESHIISKA AFCFTA IYO HIRGELINTA XOG-KEYDIYAHA GANACSIGA SOOMAALIYA
MUNAASABADDA DAAHFURKA DAYACTIRKA DIYAARADAHA EE GAROONKA AADAN-CADDE.
















MAALINTA CAALAMIGA EE FURDOOYINKA CAALAMKA ”INTERNATIONAL CUSTOMS DAY”
















Somali Magazine ayaa ku dhawaaqday shaqsiyaadka ugu saameenta badan Soomalida 2023










Guddiga Gaadiidleyda Soomaaliyeed ayaa lakulmay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.











WAAXAHA RUGTA GANACSIGA OO KULAN LAQAATAY XUBIN KA TIRSAN AQALKA WAKIILLADA GOBOLKA MINNESOTA EE DALKA MAREYKANKA.
Qayba kamid ah waaxaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabayre” ayaa la kulmay Xildhibaanad Hodan Xasan oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka oo ay wehlineysay Xildhibaanad Cayni oo kamid ah Barlamaanka Soomaalliya.
Waxaana kulanka soo qaban qaabsay marwo Amiina Deble oo ah xubinta katirsan Rugta Ganacsiga una qaabilsan arimaha Mareykanka, waxaana diiradda lagu saray hormarinta Ganacsiga is dhaxgalka labada dal, iskashiga, maalgashiga, sara uqaadida dhoofka, iyo soo dajinta. Sodoo kale Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane “Gabayre” ayaa kawar bixiyay fursadaha maalgashiga ee kajira dalka.
Gaba-gabadii waxaa kulanka soo xertay Xildhibaanad Hodan Xasan ayada oo tilmaantay hormarka Ganacsiga Soomaaliyeed in uu yahay mid kubaahay dunida hadana ay kala shaqeyn doonto isku xerka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo Ganacsatada Minnesota ee dalka Mareykanka.









BANDHIGGA GANACSIGA SOOMAALIYEED SANADKIISA 4AAD EE SOMALIA TRADE SHOW
Somalia Trade Show ayaa sanadkii 4aad waxaa ay qabatay Bandhiga Ganacsiga, waxaana kaso qayb galay Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Sadad Caliyow, Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo maaliyda Gobalka Banaadir Mudane Ciise Guure, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabayre” iyo Ganacsatada qaybaheeda kala duwan.
Dhamaan masuuliyiinta kaso qayb gashay ayaa soo dhaweeyay Bandhiga, waxaa ayna amaan iyo bogaadin udireen madaxda Somalia Trade Show kuwaasi oo ku dhabar adeegay hergalinta iyo joogteenta Bandhig Carweedka Ganacsiga oo ay qabteen Sanadkii 4aad.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane “Gabayre” oo kamid ah masuuliyiinta goobta ka hadashay ayaa yiri “Bandhigaani waxa uu fursad u-yahay qof kasta ee kasoo qayb gala, waa madal ay ku kulmeen ganacstada iyo macaamiishooda. Waan uga mahadcelineynaa Somalia Trade Show Bandhiga Ganacsigga Soomaaliyeed, in meelo kabalaaran lagu qabtana waan rajeeynayaa sida carwadii dalka”.
RA’IISUL WASAARE KU-XIGEENKA XFS OO KULAN LA QAATAY QAAR KAMID AH GANACSATADA DALKA.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan la yeeshay qaar kamid ah qaybaha kala duwan ee ganacsatada dalk, kulani ayaa waxaa looga hadlayay dhibaatooyinka ay sababeen roobabka dayrta ee ka da’aya qaar kamid ah gobollada dalka.
Kulanka ayaa waxaa lagu soo bandhigay xaaladda dhabta ah ee ay sababeen roobabka, waxaana ilaa iyo hadda inta la xaqiijiyey ku dhintay daadadka iyo fataahadaha ka da’ay qaar kamid ah gobollada dalka, dadka gaaraya 25 ruux, iyada oo ay saameyn ku yeesheen 717, 825 kun oo qof.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in xaaladdu ay ka sii dari karto, maadaama ay soo wajahan yihiin roobab iyo daadad cusub sida ay tilmaameyso saadaasha iyo digniinaha soo baxaya. Mudane Saalax ayaa hoosta ka xariiqay sida ay lagama maarmaan u tahay in la helo xeelad walba oo gurmad loogu fidin karo meelaha ay go’doomiyeen daadadka iyo fatahaadaha is wata.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabayre” oo ku hadlaayay magaca ganacsatada kulanka kasoo qayb galshay ayaa sheegay in ay dhankooda ay diyaar u yihiin gurmadka walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaatadu ka soo gaartay fataahadda iyo daadka ay sababeen roobabkii dayrta ee ka da’aya dalka.










